Thursday, September 12, 2013

Somaliland: Xaflad Dhiirigalin Ah Oo Marwada Kowaad ee Somaliland u Samaysay Haween Derajooyin Fiican Ka Helay Ciidamada Somaliland (Daawo Sawirrada)

Hargeysa – Haweenka ku jira ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa maanta loo sameeyay xaflad balaadhan oo lagu dhiirigalinayey.

Xafladdan oo ka dhacday huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, ayaa si gaar ah loogu sameeyay haweenka derajooyinkii la siiyay ciidamada qalabka sida ka helay derajooyinka, si loogu dhiirigaliyo inay dalka u shaqeeyaan isla-markaana loogu bogaadiyo.


Xafladda ayaa waxa ka qayb-galay Marwada koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Aamina Xaaji Maxamuud Jirde (Aamina-weris), La taliyajha Madaxwaynaha ee arimaha haweenka Amaal Xaaji Miisaan oo iyadu xafladda samaysay iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badnaa.



Haweenka xafladda loo sameeyay oo Ciidamda kala duwan ee Qaranka ku jira ayaa qaar ka mid ahi derajo bixintii Ciidamada Qalabka sida qaarkood ka heleen Gaashaanleyaal, Kabtanno, Xidigle, Saddex Xadhigle, Laba Xadhigle, Xadhigle, Saddex Alifle, Laba Alifle iyo Alifle, waxaana xafladdan loogu talo-galay in lagu dhiirigaliyo.


Xafladan oo ahayd mid qiimo badan oo ay ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwani waxa soo qaban qaabisay La taliyaha Arrimaha Haweenka ee Madaxweynaha Marwo Amaal Xaaji Miisaan, ayaa waxa halkaasi hadal ka soo jeedisay Marwada koowaad ee Madaxwaynaha Somaliland Marwo Amina Xaaji Maxamed Jire, waxayna haweenka  ciidamada ku jira iyo guud ahaanba ciidamada Somaliland u soo jeedisay inay dedaalaan.

No comments: