Search This Blog

Saturday, September 21, 2013

Somaliland: Qaran Kale u Qiil doon, Kaagana ka Ceeb Sheeg





By Diiriye Nabadoon

Qofka caadiga ah ee dareenka, damiirka iyo diinta lihi waa kala yaqaanaa waxa u dan ah naftiisa, waxa u dan ah dadkiisa, waxa u dan ah dalkiisa iyo waxa aan ceeb mooyee ceelalyo lahayn. Qofka garaadka lihi kuma faano ceebta. Waa ka murugooda. Waa la dhuuntaa. Ilaahay ayuu dembi dhaaf weydiistaa. Bulshada uu la nool yahay ayuu wejiga ka dadba oo u muujiyaa inuu qaldamay – siyaabo kala duwan.

Waxa deegaan ama shacab ama ool wada deggan u dhexeeya oo aan qofna goonni ula soofi Karin, mid kalena aan keligii xil ka saarnayn, ee dadkaba u dhex ah, waxa ka mid ah nabadgelyada, xornimada, qawmiyadda, sumcadda qarannimo iyo astaamaha dawladnimo ee calanku ka midka yahay,
oo aan marnaba loo quudhin hoos u dhac cidna kaga timaadda.

Somaliland haddii aynu u soo noqonno, waxa beryahan dambe  caan ku noqotay in la jeclaysiiyo belada iyo baaska, oo dadkeedii karaamada lahaa, hoos uga rogtaan kii duminayey.  Saaykoolajiga waxa jira aragti ka mid ah oo tidhaahda ku celceli weedh ama fal si indhuhu u qabatimaan, qalbiguna u qaayibo (conditioning). Tusaale ahaan, haddii waxa aad tidhaahdoba inta kaa ag dhowi mar walba kaaga fal celiyaan ‘waa been!

Waa been!’ waxa aad marka dambe adiga laftaadu aaminaysaa inaad beenaale noqotay, oo dadku kaa saxsan yihiin.  Waydiin, odhaah noqotay, Soomaalidu aad u jeceshahay marka cid jid la qabadsiinayo ayaa ah “wadar iyo waaxid ayaa mudan?”,  iyada oo mar walba lagu jawaabayo “Wadar”, halkaana uu ku gar waayo ‘waaxidkii’ – xataa marka uu isagu saxsan yahay ama cilmigeeda leeyahay masaladaa laga hadlayo.

Bal hadda u fiirso, oo isku tijaabi – adiguba – layligan hoose.

Calaamadi ‘Run’ ama ‘Been’. Marka aad dhammyso adigu qiimee heerka
waddaniyadaada:

1.    Mucaaradku mar walba waa sax                  ___Run ____Been
                                          
2.    Mucaaradka ayaa ka mas’uul ah hoggaaminta qaranka        ___Run ____Been

3.    Xukuumadda ayaa xilka kowaad ee qaranku saaran yahay    ___Run ____Been

4.    Xildhibaannada Waddani ee Baarlamaanku waa shakhsi weerar    ___Run ____Been

5.    Xildhibaannada Kulmiye hadalku waa ka mamnuuc, illayn waa Kulmiyee     ___Run ____Been

6.    Cayda iyo Been-sheeggu waa u xalaal mucaaradka  ___Run ____Been 

7.    Qaranka in la daafacaa waa guulwadayn        ___Run ____Been

8.    Qaranka in ceebtiisa la baahiyaa waa aftahannimo    ___Run ____Been

9.    Saxaafadda Somaliland Waanaagga dalka ayay qortaa             ___Run ____Been

10.    Saxaafadda Somaliland xumaha qaranka ayay falkisaa           ___Run ____Been

11.    Lama akhristo saxaafadda haddaanay been iyo belaayo qorin           ___Run ____Been

12.    Shacabku waxay ku raaxaystaan belo-sheegga, beenta, warka hebel ku xumeeda ah      __Run__Been

13.    Qofkii samaha ama danta qaranka  ka hadlaa waa ‘guulwade’            ___Run ____Been

14.    ‘Wegertu’ dalka ayay dhistaa            ___Run ____Been

15.    ‘Wegertu’ waa qaran-dumis cilmiyaysan     ___Run ____Been

16.    Shacabka Somaliland karaamo, diin, damiir iyo waddaniyad ma leh ___Run ____Been

17.    Shacabku diin iyo waddaniyad waa leeyihiin ee been baa hafisay     ___Run ____Been

18.    Cadawgii Somaliland dhexdeeda ayuu  kala dagaallamaa      ___Run ____Been

19.    Xukuumadda iyo Somalia waa saaxiib dhow               ___Run ____Been

20.    Mucaaradka iyo Somalia waxa ka dhexeeya Somaliland-dumin         ___Run ____Been

Dhamana Qoraalkaa aan la ka soo qoray Ma Runbaa Mise Waa Been       ___Run ____Been

By Diiriye Nabadoon

dnjire@gmail.com

Source: togdheernews.com

No comments: