Financial Times - Jariirada ugu weyn dunida ee arrimaha
dhaqaalaha falanqaysa, Financial Times, oo ka soo baxda Boqortooyada
Ingiriirska ayaa daabacday warbixin ay cinwaan uga dhigtay “Somaliland oo ku
hammiyeysa inay noqoto irridda laga galo geeska Africa“, taasoo ay ku
iftiimisay fursadaha dhaqaale iyo istaraajiyadeed ee dalku leeyahay, gaar ahaan
Dekedda Berbera iyo Madaaradda.
Warbixintu waxay daaha ka rogtay baahida weyn ee shacabka
Eithopia u qabaan inay helaan deked u dhiganta ta Djibouti oo aan dabooli karin
shacabka 92-ka milyan ah ee ku dhaqan waddankaas, taasoo ay warbixintu farta ku
fiiqday Marsada Berbera ee ku taala marin-biyoodka muhiimka ah ee Badda Cas.
Warbixinta Financial Times waxay hoosta ka xariiqday
duruufaha lumiyay maalgashi caalamiya oo Somaliland ay ku sammeeyaan shirkadaha
ganacsigu iyo fursadaha u bannaan inay ka faa#iidaysato ee wakhtiyada dhow.
Hadaba, Hawlwadeennada Berberanews waxay halkan idiinku
soo gudbinayaan Nuxurka Warbixinta dheer ee Financial Times daabacday oo aannu
idiin soo turunay.
“Hadhaaga diyaarado dagaal oo burburay iyo riyaha
rujisanaya jirridda cawska ee ku teedsan dhabbada cusub ee immika uun laga
sameeyey madaarka yare ee caasimadda Somaliland Hargeisa , ayaa madmadaw
galinaysa inuu waddankani noqdo halbawlaha gobolka.
Laakiin maammulka qarankan iskii isu taagey ee ku yaalla
geeska Africa ayaa sheegay in tobanka milyan
ee dollar ee ay dhawaan ugu deeqday dawladda Kuwait si ay ugu
horumariyaan laba madaar ay tahay bilaw.
Waxay rajaynayaan inuu maalgashigu dardar gelin doono
dedaallada ay ku doonayaan inay noqdaan irridda cusub ee shacabka 92-ka milyan
ah ee ku dhaqan waddanka bilaa badda ah ee Eithiopia, oo ay horumarinayaan
dhinaca jidadka dhulka, cirka, badda iyo tareennadaba.
“Waxaanu rumaysannahay horumarin aanu ku samayno
dekedahayagu inay aad u caawin doonto waddammada gobolka , iyadoo loo eegayo
barta muhiimka ah ee aanu ku naallo, taasi oo caawin doonta baayacmushtarka
mandaqadda.”ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi
Yoonis oo waddankiisa malaayiin dollar uga soo xarooto xoolaha nool ee uu
sannad kasta u raro guud ahaan gacanka
cadmeed ee Yamen iyo Saudi Arabia.
Muddooyinkii u dambeeyey dekedaha Mambasa, Dar es salam,
iyo Djabouti ayaa kor u kac laxaad leh sameeyey taasi oo ay ku kasbadeen
ballaadhinta dib u dhiska ay ku sameeyeen dekedahooda.
Eithiopia oo dhaqaaleheedu yahay 43 billion oo dollar oo
si wayn ugu tiirsan waddammada dibedda sannadkastana samaysa horumar dhaqaale
oo boqolkiiba toddoba (7%)ah ayaa si wayn u doonaysa inay kor u qaaddo
dhoofinta bunka iyo farsamaynta hargaha iyo saamaha.
Kala dhantaalnaanta Ethiopia waxay dibedda u soo baxday
ka dib markii ay wayday marinkeedii muhiimka ahaa ee dhinaca badda sannaddii
1994-kii oo ahayd xilligii Eritrea ay xornimada qaadatay. “Ethiopia waa
waddanka keliya ee African ah ee dhinac kasta dhul kaga wareegsan yahay
waxaanay leedahay deked keliya oo ay wax kala soo degto.” ayuu yidhi Lars
Christian Moller oo ah dhaqaaliyahan ka tirsan bangiga adduunka oo ku sugan
magaalada Addis Ababa isagoo uga jeeda dekedda keliya ee ay wax kala soo degaan
magaalo madaxda yar ee Djibouti , halkaasi oo ay maalqabeenno reer Dubai ahi ka
wadaan dhaqdhaqaaqyo laxaad leh.
“ku xidhnaanshaha marin keliya oo ganacsigu u soo maraa
waxay ka dhigtay mid daciif ah siyaasaddii maammulka dhaqaalaha, ee xidhiidhkii
ka dhexeeyey waddanka uu wax is dhaafsigu ka dhexeeyo ee Djibouti.” sidaasi waxa
lagu sheegay warbixin uu dhawaan soo saaray Baanka adduunku.
Waxay Eithiopia ku tashatay inay Somaliland marin ka
dhigato si ay u horumariso wadiiqooyinka wax uga soo degaan, arrintani waxay
Ethiopia siisay inay badiso xulashadeeda iyo inay guul ka gaadho la baayactanka
dekedaha ay wax uga soo degayaan.
Sidoo kale arrintani waxay gacan wayn ka siisay
Somaliland dedaallada ay ku doonayso aqoonsi ay ka hesho bulshada caalamka.
Somaliland waxay madaxbannaanideeda Somalia kala soo
noqotay ka dib markii dagaallo sokeeye ka bilaabmeen 22 sano ka hor laakiin
illaa hadda waxay waddammada la deriska ahi ku xidheen inay aqoonsi siiyaan
maammulka muqdisho oo hadda uun gaadhey nabad aan lugo adag ku taagnayn.
Jiritaanka aragtida odhanaysa Hargeisi waxay si rasmi ah qayb uga tahay
Somalia ayaa ah caqabadda kale ee lama dhaafaanka ku noqotay maalgashatada
caalamka.
Waddankan uu hore u soo gumaystay ingiriisku malaha
bangiyo, awoodna uma laha xisaabaadka caalamiga ah, waxaanay ku wadaan
shacabkeeda afarta milyan ah ee badi xoolo dhaqatada yihiin miisaaniyad
sannadeedka boqol iyo shan iyo labaatanka milyan ah taas oo ah dakhliga uga soo
xarooda cashuuraadka ay ka qaaddo gaadiidka iyo xawaaladaha.
Shixnad Kontaynaro ah oo Dekeda Berbera
Markab laga dajiyay
|
Masuuliyiinta Somaliland waxay wali rejo ka qabaan inay
maalin maalmaha ka mida ay qaban doonaan boqolkiiba soddon adeegyada dhoofinta
iyo soo dejinta ee loo qabto waddanka Ethiopia kaasi oo ay ka faa’iidi doonto
sannadkii hal billion oo dollar isla markaana tartan adag la geli doonaan
dekedaha kale sannadkan dhammaadkiisana wadahadal ku saabsan ganacsiga la
yeelan doonaan waddanka ay deriska la yihiin ee Ethiopia. “Berridaa ayaanu
bilaabaynaa haddii aanu diyaarsanno agabkii iyo awooddii noo suuro gelin lahayd
“Saleban Diiriye, agaasimaha wasaaradda ganacsiga ee Somaliland.”
No comments:
Post a Comment