Wednesday, September 11, 2013

SOMALIA: Al Shabaab oo Fagaare Ku Yaalla Buuloburde Ku Toogtay Labo Ka Mid Ah Maleeshiyaadkooda



Buuloburde, Somalia - Xarakada Al Shabaab ayaa maanta magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan ku toogtay labo nin oo ka mid ahaan jiray dagaalyahanadooda kuwaasoo ay ku eedeeyeen inay qorsheynayeen inay dilaan Fu’aad Maxamed Khalaf oo ka mid ah horjoogayaasha Al Shabaab.

Fagaare ku yaalla degmada Buuloburde ayaa maanta dadweybe ay isugu keeneen iyadoo saaka dadka lagu wargeliyey inaysan furin goobaha ganacsiga, waxaana fagaaraha buux dhaafiyey dagaalyshano ka tirsan Al Shabaab oo indhaha duubtay.

Goobta fagaaraha ayaa lagu soo bandhigay labada nin oo dhalinyaro ahaa, waxaana goobta ka hadlay horjoogaha Al Shabaab u qaabilsan gobolka Hiiraan Sheekh Maxamed Mire oo sheegay in labada nin ay ku soo heleen inay ahaayeen jaajuusiin u shaqeeya waxa uu ugu yeeray “shisheeyaha”.

Iyadoo fagaaraha ay joogeen dadweyne fara badan oo la isugu keenay goobta ayaa waxay dagaalyahano Al Shabaab ka mid ah oo wajiyadu u xiran yihiin ay rasaas ku dileen labada nin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Al Shabaab ay ku eedeeyeen labadandhalinyarada ah inay qorsheynayeen inay ka takhalusaan Fu’aad Shongole oo Shabaabka u qaabilsan dhanka dacwada, kana mid ah taageerayaasha Axmed Godane.

Dilkan ayaa noqonaya midkii labaad ee Al Shabaab ay dhexdooda isu geystaan, waxaana ka horeeay bishii June oo garabka Axmed Godane ay si gaadmo ah ku dileen labo sarkaal oo Al Shabaab ka mid ahaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.

No comments: