Thursday, September 19, 2013

Faroole: Somaliland aanu wada hadalno oo aan heshiino laga yaabee inaan isla Go’no!

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ugu baaqay Somaliland inay la heshiiso Puntland, halka uu digniin u diray Dowlada Federaalka inaysan ku xadgudbin Dastuurka Federaalka.

Madaxweynaha Dowlada Puntland 
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo khudbad dheer kasoo jeediyey Shirka Urur Siyaasadeedkiisa uga furmay magaalada Garowe ayaa ka hadlay in wadahadalo u socdaan Puntland iyo Somaliland, isagoo ugu baaqay maamulka Soomaaliland inay heshiiyaan.
Madaxweyne Faroole ayaa khudbadiisa ku sheegay in arrimaha Gooni isu taaga Soomaaliland ay tahay mid mar danbe laga hadli doono, balse marka hore ay gudboontahay in Puntland iyo Somaliland dhexdooda wadahadalaan oo ay heshiiyaan, wuxuuna sheegay inay hada socdaan wadahadalo hoose.
Madaxweyne Faroole ayaa dhinaca kale digniin u diray Dowlada Federaalka oo uu sheegay in Xukuumadiisa aysan iska eegan doonin iyadoo lagu tumanayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Dhageyso Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey arrimaha Federaalka Soomaaliya ayaa yiri:
“…Ma jireyso in lagu tunto Dastuurka (Federaalka) anagana (Puntland) aan iska eeganeyno…Anagu diyaar baan u nahay in dowlada Federaalka ah ee Kumeel gaarka ah, maye hada kumeel gaar ma ahee Dowladee waxaa Kumeel gaar ah Dastuurka, diyaar baan u nahay inaan la shaqeyno balse inay (Dowlada Federaalka) tiraaho inagaa wax walba sameenayna Laga yeeli maayo, Anaga ka yeeli meyno, Adduunka ka yeeli maayo, Soomaalina ka yeeli meyso….”
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey Baaqa uu u dirayo Somaliland ayaa yiri:
“…Qolooyinka (Somaliland) iyagu hada tashaday oo gooni aaday, anaguna malihin kaalaya khasab baanu idinku heysanayaan, Laakiin waxa naga dhaxeeya aan ka heshiino Bal waxa kale waa la isugu imaan doonaayee..Waxbaa naga Dhexeeya…”
[Sacabka Taageerayaasha]
“….Reer Baadiyaha waxay yiraahaan [Oodo dhacameed siday u kala korreeyaan baa loo qaadaa], Anaga (Somaliland iyo Puntland) horta khilaafkeena aan meel dhigno, Marka HADALO way iska soc socdaan, bal aan meel wax isla dhigno….Ama isla go’nay Ama aan heshiinay,  Ama Soomaali kuwada biirnay Ama Waa la wada kala tagay….”
Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegamaya xili ay u dhamaatay 4tii sano ee xilka loo dhaariyey. Madaxweynaha Puntland ayaa wakhtigii uu qabanayey Xilka sheegay inuu arrinta gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn ee Somaliland ku sugan tahay gaar ahaan magaalada Laascaanood uu kusoo afjari doono muddo sanad gudaheed ah.
Xili Xukuumada Puntland ay sheegtay in hirgelineyso nidaamka Asxaabta badan ayaa waxaa qodobada kamid ah shuruudaha ururada Siyaasada lagu xiray kamid ah in ay ururada xafiisyo ka sameystaan dhamaan gobalada Puntland iyo degmooyinka ay ka dhacayaan doorashooyinka Golaha deegaanka oo ay ku jiraan Laascaanood iyo magaalooyin kale oo ay hada ka arrimiso Somaliland.
Ururka Horsed ee uu Madaxweynaha Puntland hogaamiya ayaa lagu wadaa in todobaadkan ay xafiis ka furtaan magaalada Boocame maadaama inta kale ee gobalka Sool ay hada ugu gacan jirto maamulka Somaliland iyo Khaatumo. Todobaadkan ayaa banaanbax weyn oo ka dhacay Buuhoodle ay shacabka ku diideen in magaaladaasi laga furo xafiiska xisbiga xukuumada Puntland.
Wada hadalka Somaliland iyo Federaaalka Soomaaliya
Waxaa horey ugu socdey Somaliland iyo Dowladda Federaalka ah wada hadal kaas oo ka kala dhacay Magaalooyinka London iyo Dubai, Somaliland waxay shuruud uga dhigtey in wada hadalkaas laga saaro wasiiro ka socdey Puntland oo asal ahaan ka soo jeeda Sool & Sanaag,  Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in wada hadal u dhexeeya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland oo aysan Puntland ku jirin uu yahay mid aan waxba ka jirin waxbana ka soo baxayn.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in wada hadalkii dib u furmo iyada oo maamulka Puntland aanu ka hadlin sida uu uga hadley kii hore, waxaana xusid mudan in Dowladdii Shiikh Shariif ay oggoleyd in Miiska wada hadalka ay soo fariistaan Puntland.
Yaa mudan in  lala hadlo Khaatumo mise Somaliland?
Inkastoo Madaxweynaha Puntland uu baaq u diray maamulka Soomaaliland oo isagu gooni isu taagay isla markaan aawood militari kula wareegay goobihii horey Puntland uga talin jirtay, ayaan hadana Madaxweynaha wax baaq ah u dirin maamulka Khaatumo oo ay sameysteen dadka ku dhaqan gaar ahaan gobalada Sool iyo Cayn, kuwaasi oo kamid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland balse hada sheegay inay ka baxeen maamulkii ay kamid ahaayeen ee Puntland.
Dhanka kale waxaa xusid mudan Madaxweyne kuxigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire oo isaguna kamid ah ururka Madaxweyne Faroole sameystay ayaan ka hadlin arrimaha gobalada uu kasoo jeedo. Gen.Cabdisamad ayaa sidoo kale ka hadlin dagaalkii ka dhacay magaalada uu kasoo jeedo ee Xudun oo ay Somaliland ciidamo iyo sanaadiikha codbixinta usoo dirtay doorashadii bishii November 2012, halkaasi oo dagaal ku dhexmaray ciidamada Khatumo iyo Somaliland ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira, iyada oo dagaalkii u danbeeyey dhacay todobaadkii hore.
Source: Horseed Media





No comments: