Monday, September 16, 2013

Daawo Sawirada: Toogasho ka dhacday Xerada Ciidamada Badda Mareykanka ee Washington

Xoogag hubeysan ayaa waxay goor dhow ay gudaha ugu daateen Dhismaha Xarunta Ciidamada Badda ee Mareykanka, ay ku lee yihiin Magaalada Washington.

Rag hubeysan oo aan la garaneyn cidda ay taabacsan yihiin, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay toogasho ka geysteen Dhismahaan, iyadoo la xaqiijiyay inay dhinteen ilaa afar ruux, halka sideed kalalana ay ku dhaawacmayn.

Xaruntaan ayaa waxaa ka hawlgala ilaa seddex kun oo shaqaale ah, isla-markaana weerarka ayaa bilowday, xilli ay shaqada soo wada galeen shaqaalihii.

Boqolaal ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee amniga qaabilsan, ayaa waxay ku hareereysan yihiin Xarunta la weeraray.

Sidoo kale waxaa soconaaya dadaalo loogu gurmanaayo dadka ku wax yeeloobay weerarkaan, iyadoo wararka khasaaraha la xiriira uu yahay, mid isa soo taraaya.







No comments: