Monday, September 16, 2013

Banaanbax Balaadhan Oo Lagaga Soo Hor Jeedo Madaxwaynaha Federalka Soomaaliya iyo Madaxwaynaha Jabuuti oo ka Socda Banaanka hore Shirka Somalia oo ka socda Brussels

 
Mudaharaad aad u balaaran oo ay ka soo qaybgaleen qurbajooga Soomaalida ah ee degen wadamada qaarada Yurub oo looga soo horjeeda  shirka maanta ka dhacaya magaalada Brussles iyo Dowladda Federaalka Somalia iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka socda wejiga hore ee xarunta uu ka socda shirka A New Deal For Somalia.

Dibadbaxyaasha ayaa intooda badan kasoo jeeda gobolada Bay iyo Bakool , waxayna ka cabanayaan in Madaxweynaha Somalia uu ka jeestay aqoonsi uu siiyo maamulkaasi.

Sidoo kale Dibaxyaasha ayaa qeyb ka ah dad kasoo jeeda dalka Jabuuti, kuwaasi oo wata boorar uu ku sawiran yahay Madaxweynaha Jabuuti oo calaamada X la saaray, waxayna ku dhawaaqayeen erayo lid ku ah Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ay ka cabanayeen dad bilaa sharci ah oo xabsiyada uu ku guray.

Weli waxaa socda shirka looga hadlayo Mustaqbalka Somalia ee Sedaxda sano ee Dowladda u harsan, iyadoo la filayo in war murtiyeed si wada jir ah looga soo saaro gelinka danbe.

















No comments: