Saturday, August 10, 2013

Xog Muhiim Ah: Al-qaacida oo La Ogaaday In Ay Soo Saareen Miino Lagu Samaynayo Jirka Bini`aadamka Oo Aan Qalab lagu ogaan karin.



Digniino kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa waxa ay sheegayaan kadib baaritaano in ururka Al Qacida ay ka sameeyeen horumar casri ah dhanka iyo miinooyinka Ismiidaaminta ah oo ay isku xirijireen.
Waxaa la aaminsanyahay in Injineerka sameynta Miinooyinka uqaabilsan urur Al Qaacida Ibrahim al Siriri uu soo saaray Miino dareera ah oo lagu mudayo qofka isqarxinaya iyo mid Jirka gudahiisa la dhex geliyo taas oo aan awoodi karin in ay soo qabato Qalabka lagu baaro miinooyinka iyo walxa qarxa e yaalla goobaha danaha guud oo ay kamid tahay Airportska.

Walaaca fara badan ee ka qixiyay dowladaha reer galbeedka dalka Yemen ayaa imanaya xili Al Qacida ay qiratay inay soo saareen miinooyin casri ah oo qalab waliba hadii la marsiiyo ruuxa ay ku dhex jirto aan marnaba sheegi karin.

Arrintaan ayaa abuurtay cabsi badan xili Al Qacidada ugu badnayd caalamka la filaayo inay isku aruursanayaan gudaha dalka Yemen qorshe weeraro waji cusub wata ay damacsan yihiin.

by abdirisak

No comments: