Thursday, August 1, 2013

XOG LA HELAY: Nicholas Kay ” kuma noolaan karo Muqdisho, hala iga raro, ama madaxtooyada aan dago ”



Wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya ee Nicholas Kay
Muqdisho, Somalia - Warbaahinta Xogmaalmedia.com ayaa heshay war sir ah, kaasoo ku saabsan wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya ee Nicholas Kay.

Kadib marki ay sii xumaatay xaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo baxayay qal qal ku yimid shaqaalaha ajaaniibta ah ee ku sugan magaalada, waxaana wakiilka QM u qaabilsan Soomaaliya uu isku aamini waayay xarunta Xalane ee Ciidamada AMISOM ay maamulaan.

Nicholas Kay ayaa la hadlay Xogayaha guud ee QM Ban Ki Moon iyo Ra’isul wasaaraha Ingiriiska David Cameron, isagoo u sheegay in Magaalada Muqdisho aysan ahayn sidi hore xaaladuna faraha ka baxday, wuxuuna Nicholas Kay ka codsaday madaxda uu la hadlay in magaalada uu ka guuro ama uu dago madaxtooyada Villa Soomaaliya oo aad amaankeedu uu u adag yahay.

Intaas kadib warbixinta aan helnay waxa ay sheegeysaa in Telfoono ay isweedaarsadeen madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xogayaha guud ee QM Ban Ki Moon iyo Ra’isulw asaaraha Ingiriiska Mr Cameron, waxaana Xasan Sheekh lagu wargaliyay in marka hore uu amaanka magaalada gacanta ku dhigo sida ugu dhaqsaha badan, marka xigtana uu Nicholas Kay kula noolaado xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo aan inkirin amaan xumida Muqdisho ay afka la gashay ayaa codsigaasi aqbalay, wuxuuna si qabow ku yiri ” Nicholas Kay hada ka dambo wuxuu ku shaqeyn doonaa xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ”.

Si kastaba ha ahaatee Dowlada Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hada ka badin la’ amaan soo celinta Muqdisho, iyadoo inti horey u jirtay faraha ka sii bixisay.

Xogtan ayaa sheegeysa in maalmaha soo socda Dowlada ay wax ka qaban doonto amaanka magaalada Muqdisho, hadii kale waxa ay shaqaalaha ajaaniibta wada dalban doonaan inay ku noolaadaan xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo lagu tilmaamo meesha ugu amaanka wanaagsan Muqdisho, walow iyada xataa Habeenada qaar lagu garaaco madaafiic.

No comments: