Search This Blog

Saturday, August 24, 2013

War Degdeg ah: Xukuumada Federaalka Somalia iyo Madaxwaynaha Jamhuriyada Jabuuti oo Difaacaya Qaar ka mid ah Madaxda Ugu Saraysa Argagixisada Somalia oo Iimaaraadka Carabtu Xanibay Hantidoodii u Taalay Bangiga Imaaraatka Carabta




Bangiga Dhexe ee dalka Iskutaga Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib  iskugu jira in la xanibay hantidii u taalay bangiyada dalka UAE kadib markii lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin ama/iyo taageeraan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalanta.

War kasoo baxay bangiga ayaa waxaa lagu sheegay in hantida u taala bangiyada dalka Iskutaga Iimaaraadka Carabta  shaqsiyaad Soomaali ah oo qaarkood ay haystaan baasabooro dalal kale iyo xubno ajaaninb ah oo Shabab ka tirsan ka tirsan.

Liiskaan ay ku qoran yihiin magacyada shaqsiyaadkaan hantiadooda uu xanibay bangiga dhexe ee Imaaraatka waxaa ku jira hogaamiyaal ka tirsan Xarakadda Al-Shabab oo Soomaaliya ka dagaalama waxaana ka mid ah Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab, Sh, Fu’aad Max’ed
Khalaf, Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan, Sh, Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo baxday haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira nin magaciisa lagu sheegay Max’ed Saciid Bashiir, Max’ed Max’ud Xasan, Mahad Cumar, oo la sheegay inuu haysto baasaboor Ethiopian ah nin kale magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo asna haysta dhlashada dalka Sweden ganacsade Axmed Nuur Jimcaale Cumar, Xamaami oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki , Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay, iyoAbuu Bakar shariif.

Bankigu waxa uu sheegay inuu go’aankaan u qaatay kadib asagoo fulinaya go’aan kasoo baxay golaha amaanka ee Q,M oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo
shirkadaha loo arko inay Shabab taageeraan.

Kulan degdeg ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka Somalia oo uu gudoominayo Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa ka soo baxay codsi rasmi ah oo xukuumada Federaalka Somalia uga codsanayso Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay xayiraadda ka qaadaan ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale oo hore xayiraad caalami ah oo dhinaca safarada ah la saaray isla markaasina xayiraad caalami ah la saaray hantidiisa.



Fadhigii golaha wasiirada Soomaaliya ku yeesheen Magaalada Muqdisho oo lagaga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin haweenay u dhalatay dalka Sweden, ayaa sidoo kale lagu soo qaaday xayiraadda saaran ganacsade Axmed Cali Jimcaale, waxayna baaq u direen golaha amaanka qaramada midoobay oo ay ka codsadeen in xayiraadda laga qaado ganacsadahaasi.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cabdilaahi Ciilmooge Xirsi oo wabaahinta la hadlay markii kulanku soo dhammaaday ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay aad u dhageysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baadhaan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale uu ku lug leeyahay falal argagixiso, taasoo uu sheegay inay sababtay in golaha ammaanku ay saaraan xayiraad dhanka socdaalka ah.

Wasiirku wuxuu sheegay in golaha Wasiiradu ay war-bixin ka dhageysteen guddigan oo ka kooban saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka dowladda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in dhageysiga war-bixinta ka dib ay wasiirradu dood dheer oo ay ka yeesheen arintaasi ay go’aamiyeen in ganacsade Axmad Nuur Cali Jimcaale laga qaado xayiraadda loona soo celiyo xorriyaddiisa shaqsiyadeed “Dowladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tix-geliso go’aankan” ayuu yidhi Wasiir Ciil mooge, isagoo xusay in go’aakan ay u gudbin doonaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dhinaca kale, C/laahi Aadan Xuseen, u Qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliay u fadhiya Dalka Jabuuti oo wareysi siiyay maanta Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ka hadlay xayiraada saaran Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale isagoo sheegay in Ganacsadahaasi uu yahay Shaqsi ka fog waxyaabaha lagu eedeynayo waxuuna dhanka kale ugu baaqay Dowladda Imaaraadka iyo Dowladdaha kale inay ka qaadaan Xayiraadaha ay saareen Ganacsadahaasi.

U Qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliay u fadhiya Dalka Jabuuti C/laahi Aadan Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale uu ku caanbaxay u gargaarida Dadka fatahaadaha ay saameeyaan iyo guud ahaa Umadda Soomaaliyeed ee tabaaleesan isagoona sheegay in uusan Xiriir la laheyn  Kooxaha  Argigixisada ah sadaa darteedna xiyiraada saaran Ganacsadahaasi ku tilmaamay mid xaq dorro ah loona baahan yahay in laga qaado.

Mudane C/laahi Aadan Xuseen ayaa dhinaca kale waxaa uu dhamaan Dowladaha Xayiraada Saaray Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ugu baaqay inay ka qaadaan maadaama uu yahay Ganacsade ka fog waxyaabaha lagu eedeeyay  Ganacsade Nuur Cali Jimcaale.

Hadalka U Qeybsamaha Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliay u fadhiya Dalka Jabuuti ayaa waxa uu imaanayaa xili dhawaan Golaha Wasiirada ay meel mariyeen in Ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale laga qaado Xayiraada Saaran .

Maaha markii ugu horaysay ee hay'ado caalami ah iyo qaar ka mid ah wadamada xubnaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay xayiraad caalami ah oo dhinaca safarada ah iyo xanibaad guud ahaan hantidiisa ah lagu soo rogaan ganacsade Ahmed Nuur Cali Jimcaale oo haatan fadhigiisu yahay dalka Jamhuuriayda Jabuuri oo uu ku leeyahay Ganacsiyo kala duduwan oo uu ka mid yahay Bangi lagu magacaabo Salaam bangigaasi oo laamo ku leh Puntland iyo caasimada Somaliland ee Hargeysa, balse tiraba afartii sanadood ee ugu dambeeyay  waxa ka soo baxayay qaraaro lagu xanibayo safarada iyo hantida Ganacsade Ahmed Nuur Cali Jimcaale,  Sidoo kale dalka Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa hore ugu soo rogay  xanibaado dhinaca safarada iyo hantida Ganacsade Ahmed Nuur Cali Jimcaale.

No comments: