Qaxootiga la Diiwaangelinayo waxay Xukuumaddu laba Jeer oo hore kala kulantay dhibaato laxaadle, waxaanay u adeegsatay awood Ciidan
Ma jiro Qorshe cad oo ay UNHCR iyo Xukuumaddu u hayaana Qaxoontigan, waxaana dhici doonta inay Mudaharaado Sumcad xumo dalka u keena sameeyaan
Qorshahani waa Tahriib ay UNHCR ku faa’iidayso, Somaliland-na waa Dal aan lahayn Awood Qaxooti lagy qaabilo
Hargeysa - Hay’adda Adduunka u qaabilsan Qaxootiga iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa bilaabay Qorshe halis ku ah Qaranka oo lagu Diiwaangelinayo Qaxoonti cusub oo Itoobiyaan ah kuwaas oo aan loo haynin Qorshe cad oo ay UNHCR u hayso, isla markaana aan la aamini Karin sidii hore u dhacday oo kale haddii ay dhibaato ka timaado in ay damaanad qaado furdaamintooda.
Qaxootiga cusub ee ay UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha guduhu bilaabeen waa Qaxootigii ay Somaliland hore dhibaatada ba’ani uga soo gaadhay labada jeer ee sameeyay mudaharaadyadii Sumcad xumada ku keenay Somaliland, kadib markii loo waayay qorshe dadkaas UNHCR u hayso, isla markaana Rabshadaha ka sameeyay Duleedka xafiiska UNHCR iyo xaafadda Shacabka ee markii danbe iska hor imaadku ku dhex maray qaxootiga iyo Ciidanka Booliiska.
Ilaa hada ma jiro qorshe cad oo ay UNHCR iyo Xukuumadda Somaliland ku wada shaqaynayaan oo damaanad qaadaya in aanay mar kale dhicin dhibaatooyinkii Somaliland ka soo gaadhay Qaxootiyadii Itoobiyaanka ee hore, kuwaas oo markii ay Mudaharaadyo khasaare keenay ay sameeyeen la waayay cid furdaamisa balse xukuumaddu u daad guraysay dhinaca Dalka Itoobiya, wakhtigaas oo ay xalinta dhibaatadaas Dalka u yimaadeen madax sare oo ka tirsan UNHCR.
Hay’adda UNHCR waxa u diiwaangashan QaxootI Itoobiyaan ah oo gaadhaya sida ay ku Doodo 1500-2000 oo qof, kuwaas oo ku filiqsan magaaladda hase yeeshee ma jiro qorshe cad oo kale oo ay ku Diiwaangeliso Qaxooti cusub, waxaanay talaabada ay wadaa noqonaysaa mid dalka ka abuuri karta isku dhac u dhaxeeya qaxootiga ay diiwaangelinayso iyo Xukuumadda sidii laba jeer ooh ore u dhacday, waxaanay labadaas jeerba arrintu ku koobnaatay Somaliland oo iska dul qaaday.
Mashruucan cusub ee UNHCR wadato waa mid la jaan-qaaday Wasiirka cusub ee wasaaradda Arrimaha gudaha, waxaana Muuqata UNHCR kolba in ay ka faa’iidaysato Wasiirka cusub ee wasaaradda la keeno iyadoo hoos dhigta kolba in ay Mashruuc iyada Dani ugu jirto ka saxeexato, waxaana qorshaheeda cusub durtaba sababay in ay ku soo xoomaan Dadaka qaxootinimada doonaya goob xaasaasi ah oo ku taala Cisbitaalka TB-da iyo Maxkamadaha Dalka, halkaas oo haddii ay dagaan sidii hore u dhcday aan laga kicin kari doonin.
Qaxootiga la diiwaangelinayo lama garanao meel ay ka yimaadeen hase yeeshee sida ay Waaheen ku heshay Xogo muhiim ah waa Dad la doonayo in laga dhoofiyo Dalka, waana Mashruuc UNHCR ku ilaashanayso danaheeda, isla markaana aanay Xukuumadda Somaliland ka waynaan ee ay mar walba u gasho Dabin marka uu qarxo lagaga xuubsiibto.
Beryahan danbe waxa Somaliland aad ugu soo badanayay dhibaatooyin iyo Farsamooyin cusub oo sumcada Dalka iyo Amaankaba khatar ku ahaa kuwaas oo ilo wareedyo u dhuun daloolaa sheegayaan in dadka sameeyaa ay yihiin Dad Mashruucan ku doonaya inay uga faa’iidaystaan dano dhoof ama nooc Tahriibka ka mid ah oo ay Diiwaangelintani u fududaynayso.
Tusaale ahaan Dad Itoobiyaan ah oo waxa jira dhawaana Maxkamadaha la horkeenay kuwaas oo lagu Eedaynayay inay fidinayeen Diinta Kiristaanka, dadkaasi ujeedada ugu way nee ay arrintaas ka lahaayeen waxa ka mid ah inay ku helaan Qaxootinimo iyo in ay ku dhoofaan, waxaanay dadka u dhaba galay arrintani sheegayaan in uu jiro Heshii iyo Xeelad ka dhaxaysa Dadka mashruucan wada eee UNHCR iyo Wasaaradda Arrimaha gudahaba ka soo jeedaa.
Wargeyska Waaheen oo isku dayay in uu macluumaad dheeraad ah ka helo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda Arrimaha Gudaha umay suurtogelin kadib markii ay ka gaabsadeen saraakiisha u xil saaran hawshan, kuwaas oo ka meeraystay in ay bulshada u soo bandhigaan qorshaha ay u hayaan Qaxootigan ay Diiwaangelinayaan.
Si kasta ha ahaatee furista Diiwaangelintan Qaxootigu waa mid ka soo horjeeda shuruucda Caalamiga ah ee Dadka Magan-gelyo doonka ah, ma jiro awood Somaliland u leedahay inay ku qaabisho Qaxooti, isla markaana ma muuqato taageero UNHCR u fidinayso Somaliland si ay u dar yeesho Qaxootinimada Dadka ay Diiwaangelinayso.
Somaliland-na waxa la gudboon si aanay markale ula kulmin fadeexadihii hore uga gaadhay mashruucan oo kale in ay ka feejignaato isla markaana hor istaagto ama u raacdo shuruucda maadaama ay tahay Dal aan Beesha caalamku ictiraafsanayn isla markaana aanay lahayna kaabayaal ay ku damaanad qaadi karto Amaankooda, Noloshooda iyo baahiyaadkooda aasaasiga ah.
No comments:
Post a Comment