Search This Blog

Monday, August 5, 2013

Taliyaha Ciidammada AMISOM Oo Ku Gacan-Saydhay Amar Uu Bixyey Madaxweynaha Soomaaliya



Muqdisho - Taliyaha Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM) ee dalka Soomaaliya ku sugan, ayaa dib u celiyay, isla markaana diiday in uu la shaqeeyo Guddi uu Madaxwaynaha Soomaaliya u xil-saaray in ay warbixin ka keenaan xaaladda ka jirta Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo xarunta xarunta Xalane ee ay ku shaqeeyaan Sirdoonka Ingiriiska iyo Maraykanku ee isla Muqdisho.

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Guddigan uu magacaabay u xil-saaray in ay warbixin ka keenaan xaaladda ka jirta guud ahaan Madaarka Muqdisho iyo xarunta Xalane oo ay gacanta ku hayaan Sirdoonka dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, isla markaana uu ku xidhan yahay Sheekh Xasan Daahir Aways.

Taliyaha Ciidammada AMISOM, ayaa ku gacan saydhay in ay la shaqeeyaan Guddiga uu Madaxwayne Xasan soo magacaabay, waxaanu Taliyuhu ku gaabsaday in Madaarka Muqdisho iyo xarunta Xalane labaduba ay yihiin xarumo Millateri, isla makaana aan loo baahnayn in Guddiga uu Madaxwaynuhu soo diray ay wax ka ogaadaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii Guddigaas dib loo celiyay waxa uu u qoray AMISOM warqad qoraal ah oo uu ku amrayo Taliyaha Ciidammada AMISOM in ay u oggolaadaan, isla markaana la shaqeeyaan Guddigaas uu u soo magacaabay inay soo ogaato hawlaha ka socda Madaarka Muqdisho iyo xarunta Xalane ee Muqdisho oo  ah halka ay ku shaqeeyaan Saraakiisha Sirdoonka ee dalalka Maraykanka iyo Ingiriisku, isla markaana y ku jiraan Maxaabiis badan oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aways.

Warqadda Madaxwaynaha Soomaaliya uu  qoray waxaa toos u diiday in ay ku dhaqmaan Taliyaha Ciimmada AMISOM, tallaabadan uu qaaday Taliyaha Ciidammo AMISOM, ayaa muujinaysa in ay Ciidankaasi ka awood badan yihiin Masuuliyiinta ugu sarreya  dawladda Soomaaliya, isla markaana aanay mar kasta  iyo xaalad kastaba waajib ahayn in ay ka amar qaataan.

Waxaa jira dhismayaal cusub oo la sheegay in lagu soo kordhiyay Madaarka Muqdisho oo aanay ka war qabin dawladda Soomaaliya, isla markaana ay dhisteen Ciidammadda AMISOM, kuwaas oo aan la ogeyn waxyaabaha lagu qabto.

Tallaabaddan ayaa waji-gabax ku noqotay Madaxwaynaha Soomaaliya, isla markaana u cuntami wayday in dawladdu yeelan-waydo masuuliyadda Madaarka Muqdisho iyo xarunta Xalane. Waxaanay wararku intaa ku darayaan in la filayo in Madaxwaynaha Soomaaliya arrintaa cabasho ka dhan ah Taliyaha Ciidammada AMISOM uu gaadhsiiyo Xafiiska Midawga Afrika ee Muqdisho.

No comments: