Saturday, August 10, 2013

SOMALIA: WARBIXIN IYO SAWIRADA DIYAARADA ETHIOPIA EE KU BURBURTAY GAROONKA DIYAARADAHA EE MUQDISHO


Muqdisho - Diyaaradii hubka siday ee saaka dabka ku qabsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa lagu guuleystay in la damiyo, inkastoo mararka qaar la maqlayay qaraxyo ay sameyneyso, maadaama hub kala duwan uu saarnaa diyaarada.

Diyaarada oo ay ku gubatay wadada Run-wayga ee diyaaradaha ka haadaan, ayaa keentay in diyaarado badan oo saakay garoonka ka soo degay ay ku xayirmaan, sida diyaarada Turkish Airlines oo saakay abaarihii 8-da subaxnimo soo degtay.

Ciidamada AMISOM ee qeybta dab damiska ayaa ku guuleystay inay baqtiyaan dab qabsaday diyaarad saakay ku bur burtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo waday hub.

Xukuumada Soomaaliya ayaa xaqiijisay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air Port ay ku bur burtay diyaarad xamuul ah, iyadoo magacawday Gudi baara sababihii keenay shilka diyaaradeed.

Inkastoo aanay Xukuumada sheegin waxa ay aheyd diyaaradan, ayaa Afhayeenka Xukuumada Ridwaan Xaaji Cabdiweli uu sheegay in diyaaradan ay cilad farsame awgeed ay u bur burtay.

Gudiga xaqiiqo raadinta ee baaraya diyaaradan laga lahaa Itoobiya ee ku bur burtay garoonka Muqdisho ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiir kuxigeenka Warfaafinta, Boostada iyo isgaarsiinta C/shakuur Cali Mire, waxaana xubno ka ah Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Nabadsugida iyo xooga dalka.

Hadaba xubnaha Gudigan ayaa waxay kala yihiin sidan:

1- Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye

2- Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin

3- Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin

4- Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin

5- Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin

6- AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

7- SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

Daawo  Sawirada burburka diyaaradda







No comments: