Thursday, August 1, 2013

Somalia: Magaalo ka mid ah Somalia oo hadda kadib lagu gali doono kaar aqoonsi


JAWHAR
Jowhar Somalia - Duqa magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Amiin Cusmaan, ayaa shaaca ka qaaday in dowladda hoose ee maglaada ay sharciyo aqoonsi (ID CARDS) u qeybin doonto dadka deggan magaalada, laba bil gudahood.

Wareysi uu bixiyey ayuu Maxamed Amiin ku sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka dowladda federaalka ay maamulka Jowhar caawimaad ka siin doonto sidii qof kasta oo magaalada deggan loo siin lahaa kaar aqooni, si loo ogaado dadka sharci ahaan deggan magaalada.

Waxa uu tallaabadan ku macneeyey mid looga gol lee yahay in wax looga qabto xaaladda amni ee magaalada oo bilihii dhowaa ahayd mid aan cago adag ku taagneyn.

Waxa uu intaa ku daray in dowladda hoose ee Jowhar iyo taliska ciidamada magaalada ay dadka deegaan kala kaashan doonaan sidii loo xaqiijin lahaa ammaanka magaalada.

“Kadib howl galkii dhowaan ka dhacay magaalada ee lagu qabtay 15 qof oo xubno ka ah Al-Shabaab, waxaan billownay inaynu dadka deegaanka u qabanno kullamo loogu sheegayo inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka iyo kuwa Amisom” ayuu yiri Maxamed Amiin.

Jowhar oo ah magaalo qani ku ah kheyraad dabiici ah, islamarkaana horey ay u heysatay kooxda Al-Shabab, ayaa dhowaan waxaa ka dhacayey shaqaaqooyin dhinaca ammaanka ah oo ay ka dambeyso kooxda Al-Shabab.

No comments: