Saturday, August 10, 2013

Somalia: Djibouti oo hubeysay 1000 askari oo loo tababaray dowladda Somalia



Dowladda Djibouti ayaa maanta hub iyo gaadiid ku qalabeysay 1,000 oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, kuwaas oo tababar  dhowaan loogu soo xiray xerada Lamagalaay ee bartamaha magaalada Beledweyne.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Djibouti, Xasan Dharaar Hufane oo hubka iyo gaadiidka ku wareejiyay dhiggiisa Soomaaliya oo ay Beledweyne ku kulmeen ayaa tilmaamay inay tani dhiirragelin u tahay ciidamada.

Wuxuu wasiirku sheegay in deeqda ay isugu jirtay toban gaari oo ah kuwa ciidamada oo laba ay yihiin kuwa gaashaaman iyo hub uusan cadadkoodu sheegin.

Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa qalabka ciidamada kala wareegay dhiggiisa Djibouti, waxaanu ku wareejiyay saraakiisha dowladda iyo AMISOM, isagoo Djibouti uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay dowladda Soomaaliya la garab-taagan tahay.

Wuxuu tilmaamay inuu hubkaas wax badan ka tari doonto dedaallada lagu xoojinayo ammaanka.

Wafdiga uu hoggaaminayay wasiirka gaashaandhigga oo Beledweyne kula ciiday ciidamada xoogga dalka ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka gaashaandhigga Jibuuti Xasan Dharaar Hufane ayaa isna maanta dib ugu laabtay magaalada Jibuuti, kaddib kulan uu Beledweyne kula qaatay ciidamada AMISOM iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

No comments: