Search This Blog

Wednesday, August 28, 2013

SHIRKADA GOOGLE OO KU SOO DARAYSA AFKA SOOMAALIGA ADEEGA TURJUMAADA EE AY BIXISO !!!




Image Credit: toprankblog / Flickr
Shirkada Google waxay haatan isku turjuntaa 71 luuqadood oo dunida lagaga hadlo. 

Tayada tujumaadaha Google uu sameeyo way kala duduwan tahay. Balse guud ahaan caalamka lagama soo helayo adeeg ka wanaagsan isku turjumida luuqadaha dunida Google ku sameeyo.

Kooxda Shikada Googleka u qaabilsan isku-turjimada luuqaduhu haatan waxay ku hawlan yihiin sidii ay u balaarin lahaayeen adeega isku-turjumaada luqadaha, iyagoo ku talo jira sidii ay adeega turjumaadaha ugu soo dari lahaayeen luuqado hor leh oo ay ka mid yihii Af Soomaaligu. Laakiin dhibaatada kooxdan haystaa ayaa ah iyagoo u baahan macluumaad farobadan oo ah kelmadaha luuqadaha cusub ee ay soo kordhin rabaan. 

Sidaasi darteed, GOOGLE waxa uu u baahan yahay wakhtigan xaadirka ah taageerada dadka ku hadla luuqada Afka Soomaaligu in ay qiimeeyaan tayada adeega turjumaada Af Soomaaliga ee uu GOOGLE bixiyo.

1 comment:

Anonymous said...

aad bay uwanaagsatahay