Tuesday, August 6, 2013

Putland oo sheegtay inay ka baxday Federaalka Soomaaliya “ma gooni isku taagbay ku dhawaaqday” Aqri Toban qodob



Maamul Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu joojiyey dhammaan wixii xiriir iyo wada shaqeyn ah oo uu la lahaa dowladda federaalka ah ee Somalia, kana uu baxay ka mid ahaanshaha federaalka Somalia.

Go’aankan ayaa waxaa lagu caddeeyey war-saxaafadeed ku qornaa luuqadda English-ka oo goor dhow lasoo gaar siiye Harowonews

Puntland ayaa warsaxaafadeedka ku sheegtay 10 qodob ay ku eedeysay dowladda Somalia kuwaas oo ay sabab uga dhigtay inay xiriirka iyo wada shaqeynta kala laabatay Dowladda, kana baxday habkii federaalka, illaa inta xal laga helayo.

1- Dowladda federaalka Somalia waxa ay diiday inay fuliso una hogaansato dastuurka Somalia iyo hanaanka dib u eegista ee dastuuriga ah.

2 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay diiday inay sharafto heshiiskii ay Puntland la gashay 11-kii March ee sanadkan.

3 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay diiraddii ka qaaday dagaalka Al-Shabab oo ah halista ugu xooggan ee nabadda Somalia.

4 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay ku lug yeelatay dagaalo beeleedyo, waxaana ay sii waddaa inay in dhul dad gaar ah lee yahay ama dan guud ah loo adeegsado dano gaar ah iyo cadaalad darro ka jirta Muqdisho, Jubbada Hoose, Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

5 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay diiday inay Puntland wax ka siiso awoodda, kheyraadka iyo gar gaarka caalamiga ah ee lagu helo magaca Somalia – Xittaa wax yar oo ka mid ah deeqaha waxbarasho.

6 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay diiday inay wax ka qabato dhibaatooyinka maaliyadeed ee ka dashay lacagta shilling Soomaaliga oo ku yaraatay suuqyada Somalia, taasi oo ah mas’uuliyadda federaalka.

7 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay heshiis amni oo dhinaca badda ah la gashay shirkado shisheeye, taasi oo wax u dhimeysa madax bannaanida Somalia.

8 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay taageertaa kooxo mas’uul ka ah colaad iyo qalalaase siyaasadeed oo ka jira gobollo badan oo ka mid ah Somalia.

9 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay dayacday dib u heshiisiintii qaran, ayada oo diideysay inay wax ka qabato kacdoonka bulshooyinka.

10 – Dowladda federaalka Somalia waxa ay si qaldan u matashaa Somalia iyo dadka Soomaaliyeed marka la tago shirarka caalamiga ah, waxaana ay ku guul darreysatay inay beesha caalamka u bandhigto arimaha muhimka u ah qaranka Somalia.

Sidaa darteed ayey tiri Puntland “Ayada oo la eegayo dhammaan arrimahaas kor ku xusan waxa ay Puntland ayada oo eegeysa dastuurka Somalia iyo kan Puntland ay xiriirkii iyo wada shaqeyntii kala laabatay dowladda federaalak ah ee Somalia, si ay arrimaheeda ayada u dhameysato

No comments: