Wednesday, August 7, 2013

OGAYSIIS DEGDEG AH: KU - DHAMAAN DADKA AFSOOMALIGA KU HADLA OO JOOGA MAGAALADA LONDON, UK.



Barri 10 subaxnimo, ayaa loo gudbinayaa Xafiiska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska Codsi ay saxeexeen 20,000 oo ruux kaasi oo lagu diidan yahay go'aanka Bangiga Barcleys ku joojinayo adeegii xawaaladaha. Koox tiradoodu kooban tahay ayaa barri aadaya ama tagaya albaabka hore ee xafiiska David Camaroon 10 saac ee subaxnimo wakhtiga London si ay u muujiyaan taageerada ay Codsiga (Petition) u hayaan.

Sidaasi darteed, waxanu si xoogan uga codsanaynaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada London iyo hareeraheedu in ay is abaabulaan oo ku biiraan kooxda Somaliyeed ee bari ka hor mudaharaadaysa Xafiiska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska oo ku yaal 10 Downing Street.

Xiriiriyaha Ololaha lidka ku ah joojinta adeega xawaaladuhu waa Mrs. Ms-Färäh A H Bihi Lambarka Telefoonkeedu waa 07983776888 and Email-keeduna waa farahh360@gmail.com.

Mahadsanidin Walaalaha Soomaaliyeed ee ka soo jawaaba codsigan barrina ku biira muhadaraadka ka hor socda xafiiska Raiisal Wasaaraha Ingiriiska.

EEBE ha inaga aqbalo SOONKII iyo DUCADII Bisha Ramadan oo Barri inoo soo gabogaboobaysa Ololaheena Adeega Xawaaladahana EEBE ha inagu guuleeyo

Fadlan Codsigan sida ugu badan ee aad u faafin karto u faafi

Suleiman Ismail Bolaleh
Xiriiriyaha Ololaha ee Somalia


No comments: