WAR-SAXAAFADEED
WAR-SAXAAFADEED:- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud oo goordhawayd qalinka ku duugay Xeer Madaxweyne: 10,000 oo ka mida
ciidamada Xooga Dalka Somaliland oo mutaystay in garbaha loo sudho Derajadii
Ciidanka Qaranka Somaliland Maansha ALLAH.
Date: -05/August/2013
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

MADAXAYNAHA JAMHUURIYADA SOMALILAND:
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo
Derajooyin ay mutaysteen;
Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo
bixintoodii;
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo
Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u
hayaan;
Markuu Ku-qancay: In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha
iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;
WUXUU GO’AANSADAY
Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

No comments:
Post a Comment