Monday, August 19, 2013

KHATARTA INTERNETKA IYO KHALWADA CASRIGA AH




W/Q Cabdirahman Jama Cilmi

Asalaama Caleykum Waraxmatullahi Wabarakaatuhu.

Allah ayaa mahad ideylkeed u sugnaatay macbuulka xalaasha noo jideeyey xaaraamta oo dhan naga reebay,dabadeedna waxaa Amaan iyo nebedgelyo usugnaatay Suubanihii Nabi Maxamed nabad iyo naxariis dushiisha ha ahaato.

Sidaynu wadagaraneyno Jinsi walba oo noole ah ILAAHAY ( bini-aadam iyo xawayaan ) waxaa ILAAHAY dhexdooda dhigay is fahan gaara oo xambaarsan dhamaan qeybaha nolosha.

Bini-aadamka ILAAHAY wuxuu casa wajalla ka abuuray Rag iyo Haween islamarkaana wuxuu dhexdooda dhigay dareen iyo baahi ka dhexaysa oo ay midba midka kale iska kaafiyaan ( mutual interest ).

Dareenku waa baahi Dabiici oo ALLE ku abuuray jinsiga kana dhexaysa isuna soo jiida, marwalba oo ay is ogaadaan, isbartaan,is arkaan kulmaan ama isu baahdaan.

Hadaba maadaama ILAAHAY ku abuuray Dareen ama xiiso isu soo jiida (attractions)
waxaa ILAAHAY u dejiyey Xeer iyo Qeynuun sharci ah oo ay isugu yimaadaan iyo Xuduud kama dambeysa oo aysan ka talaabsan karin. Xuduudaha Dareenkooda xakameyn kara oon laga talaabi karin oo ah qodobo asaasi ah basic principles waxaa ka mida;

1- Xijaab inuu jiro
2- Indhaha oo lalaabo ( aan Fiirada lagu xeeldheeraan )
3- Khalwada oo noocey tahayba laga dheeraado .
4- Hadalka oo nugeylka dareen qalbi abuuri kara laga sooco.

Xijaabka:

Xijaabku waa labo qeybood: Xijaab Guud &  Xijaab gaara.

Xijaabka Guud: waxaa ILAAHAY ka bilaabay cibaadaadka iyo rugaha lagu cibaadeysto sida masaajida iyo Musalayaasha lagu tukado. Raga waxaa lagu amray inay masaajida Jamaacada ku tukadaan iyadaana u ajar badan 27 jeer in guriga lagu tukado.

Taas lidigeed dumarka waxaa lagu booriyey una kheyr badan inay guryahooda ku tukadaan. Hadaba Culimadu waxay halkaa ka fahmeen kalana soo bexeen inay ILAAHAY Masaajida iyo musalayaasha cibaadada ladoonayo in Xijaabku ka hirgalo dadkuna ku kala xijaabnaadaan amaakinta loo kala cayimay.
waxaa isxasuusin mudan in dumarku masaajida tegi karaan hadii waxa ay masjidka u aadayso aysan gurigeeda kahelikarin ama reerkeedu u faa’iidayn karin.

Marka waa inuu ruuxa Muslimka ah fahmaa xigmada guud ee xijaabku inay tahay wax walba rag iyo haweenka ladoonayo inay ku kala xijaabtaan Madasha iyo meel walba oo laysugu imaanayo.

Hadii Raga iyo Haweenku meel laysugu keeno, shir,aroos, Masaajid, Madarisad aana lakala soocin lana kala fogeyn waxaa jabaya Xijaabkii guud waayo? isdhexgalku wuxuu meesha ka saarayaa ahmiyadii guud ee xijaabka, marhadii meel lawada fadhiyana lama kala xijaabna walowba dumarku dhar ku filan wataan waa laysla Khilwoon karaa ( hoos ayaa laysugu dhigikaraa )

Waxaa Tusaale waafiya iyana ah Public schoolada, iskuulada Wiilasha iyo Habluhu meel wada fariistaan waxna kuwada bartaan wadankay doontaba ha ahaadeene iskuulku noocuu doono hanoqdo mid hoose/sare, college, jaamacad, waayo wiil kurey ah 15 jir iyo ka weyn iyo Gabadh gashaanti ah oo is dhinac fadhiya waxaa weheliya, naf, sheydaan, dhalinyaronimana waa waqti shido badan.
cidina mawaardiyeynkarto waayo ruux bini-aadama oo naftiisa xakameynkara ayaaba iska yar ilaa ILAAHAY ruux uu sugo mooyaane isna dadaal layimi. Waxaa isweydiin leh iskuulku muxuu ku eedoobay waxbaa laga bartaaye? Jawaab kooban: xijaabkii guud ee kala xadidayey labada jinsi ayaa meesha ka maqan.

B- Xijaabka Gaarka ah ku dheeraan meyno waayo? waa in ruuxu cowradiisa asturo iyadoo laraacayo qaabka shareecadu u dejisay gaar ahaan in labarto lana fuliyo shuruudaha xijaabka ee gabadha looga baahan yahay. hadii gabadhu xijaaban tahay laakiin xijaabka aanay qaabkiisa raacin waxaa meesha ku jira Nusqaan u baahan in dhameystir.

2- Rag iyo Haweenba waxaa ILAAHAY ku amray inay indhahooda laabaan oo aanay Jinsiga kale araga ku fiiqin si aanay u imaan dareen xiiso iyo shahwad xambaarsan. sidaa awgeed ayaa layiri marka koowaad hadaad ruuxa fiiriso dambi kuma lihid laakiin inaad ku dheygagto ama araga marlabaad iyo ka badan ku celceliso ayaan Shareecadu kuu ogoley.

3-KHALWADA

Khalwada macnaha ay xambaarsan tahay waxaa weeye in aysan kulmin meelaba labada jinsi iyagoo aan shareecadu isu xalaaleyn.

Rasuulku naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa laga weriyey qofkiin yuusan haweeney gaar lanoqon ilaa inay weheliyaan Dad maxramkeeda ah mooyaane.

Fiiro gaara: Waxaa laga yaabaa inaad Khalwada u taqaan in nin iyo qof dumara ay qol galaan keligood kadinkana ay soo xirtaan ama guri keligood wada joogaan ama gaari keligood wada raacaan, hadaba intaasoo dhan waa khilwa laakiin intaa kuma eka.

Tusaale; hebla ayaa kaa hortimi adigoo wado maraya waad nabdaadisay waad wada istaagteen halkaa ayaad sheeko kasii ambaqaadeen dadkuna wadada waa wada marayaa intaasiba waa nooc Khalwada kamida ee ogsoonow maadaama aad hadalkiina gaar isula tihiin labadiinu.

Marwalba oo labada Jinsi ku kulmaan hadal u gaara oo cidkale ka warqabin waxay keenaysaa khilwo inay dhacdo.Khalwadu waxay ka dhicikartaa, schoolada, xafiisyada,gawaarida dhexdooda,guryahaba iyo Aaladaha casriga ee lagu sheekaysto.

Khalwada Casriga ah

Internetka iyo wakaaladihiisa warbaahinta oo dhan waxay xambaarsan yihiin Khalwadu inay baahdo oo badato.Telefoon,email, skype,twitter,facebook.cating,iyo wixii lamida oo dhan waa aalad labo ruux kuwada gooni noqonkaraan, waxay meesha ka saarayaan inuu ruuxu hamrado,yaxyaxo, xishood dareemo, baqo, waxayna sahlayaan inaad sidaad doontaba ujeedadaada u tiraahdo, intaa waxaa dheer Muuqaalo iyo fariimo culus oo laysku weydaarsan karo ruuxuna shucuurtiisa kusoo bandhigi karo maqal iyo muuqaal.

Gabadhii iyo wiilkii qalabkaa faraha badan kuwada xiriira iyagoo aan lala ogeyn laysuna ogolaan culimadu wey ka deyriyeen waayo waxay kulansanayaan asbaabtii Khalwada casri ah waxaana ka dameyn foodxumo iyo sino.

Waxaa marka loo baahan yahay in ILAAHAY laga cabsoodo dibna loogu noqdo qalabka aynu guryaha iyo jeebabka kuwadano iyo danuubta ay xambaarikaraan.
waxaa wanaagsan in aad looga fiirsado loogana fekero ubadkeena yaryar ee telephoneda loo wada iibiyey waxa arintaasi u keeni karto.


Waxaana wanaagsan in hadii daruuro ay tahay xad iyo xuduud telephonekooda waalidiintu ka warqabaan ugu yaraan inaad daqiiqadahooda xadido, marwalbana aad dabataagnaato waayo? ha oran cunugeygu waa kheyrqabe waan ku kalsoonahay cid nafteeda ku kalsoonaankartaa majirto waayo? nafta lama aaminikaro yar iyo weyn shaydaana ruux walba wuu weheliyaa.

Caruurta ilaalintoodu makala laha wiil iyo gabadh weliba wiilasha ayaa farodheer.
weliba Shaydaan ogaada oo intii technologygu soo baxday fasax ( vacation ) ayuu ku jiraa waayo isba aalada ayuu isticmaalaa sida bini-aadamku ugu liibaaney.


4- Allah subxaanahu watacaalaa wuxuu quraanka ku soo arooriyey hadii dumarka soor adeeg iyo wixii lamida laweydiisanayo in xijaab idiin dhexeeyo.
sidoo kale in hadalka aan lajilcin si aanay u dhicin in qalbigu waswaaso oo jirada gashaa ay keento in fidno iyo fisqi, iyo faaxisho ka dabatimaado.

Waa arrin u baahan afsoomaali badan in dib loogu noqdo oo dhexmara labada jinsi haday tahay bariido, salaan, kaftan, dan iyo xaajo.

Gunaanadkii:

ILAAHAY halaga dhowrsado inaga ayey danteena tahay, xijaabka kiisa guud iyo kiisa gaaraba haladhowro, Khalwada noocey tahayba halaga dheeraado, technologygana halaga faa’iideysto hana laga digtoonaado khaasatan caruurteena.

Warsan iyo Salaama

Cabdirahman Jama Cilmi

No comments: