![](https://blogger.googleusercontent.com/img/b/R29vZ2xl/AVvXsEi9wRPnSs2Xuv2g5tosQLeQaxMyo-nfEF2MnoHfHQqILbiaFJp3kFsxa7u2TIShlb43ykKPVoBeTvu2LK08sw6ggKZITixIQ43km45TBHmiJZcWoq7rsfwAlHyjjoQi4iTKJBxvqwQ0UvU/s320/airport2_straight.jpg)
Saacada laga xaday Wasiirka oo ah mid qaaliya marka loo Eego Somaliland waxa la xaday mar uu wasiirku madaarka u tagay qalab u saarnayd mid ka mid ah Duulimaadyada madaarka imanayay wakhtigaas oo ahayd Casar, waxaanay wararku sheegayaan in marka hore la iloobay balse marka danbe uu ka faa’iidaystay mid ka mid ah shaqaaluhu.
Wasiirka oo mar danbe ogaatay maqnaanshaha saacada ayaa la sheegay in ay goobta ku soo noqotay si ay u baadi doonto, taasoo kaliftay in dib loo soo celiyo Kamaradaha ku qarsoon goobta dadka lagu baadho, kuwaas oo markiiba soo bandhigay qof saacadda ka qaadaya caaga qalabka la dul dhigto oo yaalay Miiska dhinacaiisa dadweynuhu ku hagaajistaan marka ay soo dhaafaan Kombuyuutarka.
Labada shaqaalaha ah ee la xidhay mid ka mid ahi waa ka ay kamaradu soo saartay isagoo jeebka sii gashanaya, halka ka kale la sheegay in uu yahay kii markaas Kombuyuutarka dul fadhiyay eek u hawl galayay, waxaana labadaba lagu eedeeyay in ay ka masuuol ahaayeen falka dhacay.
Ilaa hada sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloola warkani waaheen u sheegeen lama helin saacadii oo way maqan tahay, hase yeeshee ilaa maalintaas ilaa maanta oo noqonaysa Afar cisho waxa ay u xidhan yihiin labadaas shaqaalaha ahi Kiiskaas oo haddii uu ku cadaado saamayn ku yeelan doona adeega madaarka Hargeysa.
Sheeko tan la mid ah ayaa dhawaan ka dhacday Madaarka Berbera, taasoo lagu qabtay nin dhalashadiisu Kiiniyaati ahayd oo ka shaqayn jiray Hay’adaha UN-ka isagoo qaatay Shandad uu sitay sarkaal kale oo Somalilander ah o oak hawl gala isla Hay’adaha Caalamiga ah, waxaana si la mid ah dhacdadan madaarka Hargeysa kashiftay Kamaraha ku yaala Terminalka Madaarka.
No comments:
Post a Comment