Search This Blog

Monday, July 1, 2013

Xukuumada Somalia oo Si Aadaminimada ka Baxsan u Jidhdishay Odayaashii Dhaqanka HabarGidir ee Keenay Xasan Daahir Aweys Markii Ay Diideen In Dawlada Loo Dhiibo Daawi Sawiro Naxdin leh & Banaanbax Rabshado Wata Oo Haatan Ka Socda Muqdisho



Muqdisho - Waxaa habeen ka hor si layaab leh loo jir-dilay odayaal aad u fara badan oo kasoo jeeda beesha Habar-Gidir kadib markii ay garoonka Muqdisho kasoo dejiyeen Xassan Daahir oo ay Cadaado ka keeneen ayna ka dhega adeygeen in ay dowlada u dhiibaan halkaasna a uga haraan.

Odayaasha ayaa la sheegay in ciidanka sida gaarka ah u tabobaran ee Xukuumada Xasan Sheikh Maxamuud loona yaqaano Gaashaan ay si aadaminimada ka baxsan u jidhdileen kadib markii ay si aad ah u diideen in dowlada Soomaaliyeed ay la wareegto Xassan Daahir oo isagu Baraawe Doon kaga soo fakaday  isaga oo baxsad ka ahaa Ciidamada Amniyaadka ee uu hogaamiye Amiirka Shabaab Axmed Cabdi Godane oo qudha ka jaray Ibraahim Afgan iyo Macalim Burhan oo ka mid ahaa hogaamiyayaasha ugu sareeya Al Shabaab Al Mujaahidiin.










Dhanka kale Waxaa Xiligan dibad bax rabshado wata ay dhigayaan dad u badan Beesha Habar Gidir kana soo horjeeda Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo garaacistii loo geestay qaar kamid ah Xubnihii Xasan Daahir Cadaado ka keenay ayaa hada kasocda Muqdisho.

Dibad baxa oo ah mid rabshado wata ayaa xoogiisa waxa uu kasocdaa Taribuunka halkaas oo lagu arkayo dad careesan oo dhagxaan ku tuuraya gaadiidka iyo goobaha ganacsi kana soo horjeeda Xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hada ku xiran Xarunta Nabad Sugida Muqdisho.
Rasaas ayaa mararka qaar laga maqlaa halka uu dibad baxu kasocdo waxaa sidoo kale halkaasi Gaaray Ciidamo katirsan Dowlada, waxaa sidoo kale la maqlayaa dhawaqa Ambalaasta iyadoona aan la ogeyn sida ay hada xaalku yahay iyo dhibaatooyinka ka dhashay Dibad baxaan oo ah mid wali socda.

Dadka Dibad baxyada dhigaya ayaa ah kuwa aad u careesan oo dhagxaan iyo ulo wata kuwaa oo si weyn u taageersan Sheekh Xasan Daair Aweys kana soo horjeeda sida ay Dowlada Soomaaliya ula dhaqantay wadaadka kasoo baxsaday Al-Shabaab.

No comments: