Sunday, July 28, 2013

WAR DEG DEG AH-:Maamulka Khaatumo Oo Qarka Usaaran Kala Yaac Xoogan Iyo Isqab Qabsi Soo Kala Dhex Galay


Maamulka khaatumo ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka taagnayd isqab qabsi xoogan maanatana maraya xiligii ugu xumaa ka dib markii ay ka soo goosteen ciidamadii ugu xooga badnaa maamulkaasi oo lagu qarameeyay deegaanka Fiqi Fuliye ee Bariga Gobolka Sanaag iyada oo ay soo dhawayntooda ka qayb galeen wafti balaadhan oo uu hogaamainayay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xasan X. Cali iyo Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Goboladda Bariga Somaliland Cali Sandule iyo Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland C/laahi Dahir 'Cukuse'.

Saamaytii dhacdadaasi muhiimka ah ayaa Maamulka Khaatumo waxa haatan lagu soo waramayaa in uu u kala jabay laba dhinac oo dhinac waliba gaarkiisa u samaystay maamul.

Deegaanka Taleex ayaa dhinac maamul u gaar ah ka samaystay dhinacii kalana waxay maamul ka samaysteen deegaanka Boocame ka dib markii uu khilaaf xoogani ka dhex qarxay hogaamiyaha kooxdii Khaatumo Axmed Karaash iyo Wasiir lagu magacaabo Cabdifataax Dhalac.

Hogaam kooxdii Khaatumo Axmed Karaash iyo mulkiilaha mashruuca Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa iyagu maalmahan la hadal hayaa in ay damacsan yihiin in ay Somaliland isku soo dhiibi doonaan.
Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa madashii Somalilan kula wareegaysay Ciidamadii kooxda Khaatumo ka sheegay in Somaliland soo dhawaynayso dhamaan madaxdii maamulkii Khaatumo oo uu ku jiro Axmed Karaash.

Isku soo wadda duuboo maamulkII Khaatumo ayaa isagu beryahan dambe u muuqday mid saaxada ka sii baxaya isagoo mulkiilaha maamulkaasi Khaatumo Cali Khaliif Galaydh uu sheegay maalin dhexdaasa kun tilamaamay Maamulka K haatumo maamul aan loo dhamayn.

No comments: