Hargeisa - Dhamaan Hay’adaha maamulka Somaliland iyo kuwa Qaramada midoobay ee Somaliland ayaa la galiyay xaalad feejignaan ah kadib markii sirdoonka Somaliland uu helay xogo ka soo yeedhay Al-shabaab oo ah in ay qaraxyo ka fulinayaan gudaha Somaliland.
Saddex maalmood ka hor waxa xaalad Deg deg ah la galiyay dhamaan Hay’addaha Qaramada midoobay, iyadoo hawlwadeenada u shaqeeya la faray in Ay guryahooda ku shaqeeyaan ilaa inta xaaladdan laga baxayo.
Jaamacadda Hargeysa oo ay dhigtaan Ardayda ugu badan ayaa maanta albaabada loo xiray, iyadoo ardaydii wax ka baranaysay la fasaxay.
Ciidanka Booliiska iyo ciidamo lagu xoojiyey ayaa heegan ku jira waxana ay gaafwareegayaan dhamaan hay’adaha iyo goobaha muhiimka ah ee Hargeisa, iyo dhamaan wadooyinka gaadiidka iyo wado lugeedyada soo gala kana baxa caasimada Somaliland ee Hargeisa.
Garoomada diyaaradaha ee Somaliland ayaa ka mid ah meelaha amaankooda xoog loo adkeeyey, waxaana Ciidamddu ay xoog u baadhayaan cid kasta oo galaysa ama ka baxaysa.

Alshabaab ayaa ayaa la sheegaya inay weero u qorshaysan bishan Ramadaan magaalooyin ka mid ah Somalia waxaana ay weeraro qaraxyon ah oo aan yarayn ay ka fuliyeen Muqdisho.
No comments:
Post a Comment