Waxa uu tegay Reerkooda si uu u helo Ciidan uu ku weeraro Al-shabaabta degan Xarardheere
Ilo Lagu kalsoonaan Karo ayaa Shabelle u sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar ahaa Hoggaamiyihii Ururka Xisbul Islaam ee Ku biiray Al Shabaab uu dooni uga baxsaday Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose , isagoo shalay gaadhay Deegaanka Faax ee u dhow Degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug.
Ilahaasi ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in sababta baxsashada Sh Xasan Daahir Aweys lagu tilmaamay Khilaaf sii xoogeystay oo ka dhex aloosan Saraakiisha Shabaab dhexdooda.
Doonida Sheekh Xasan Daahir Aweys uu ka raacay Degmada Baraawe ayaa la sheegay in ay halkaasi ka qaaday fiidnimadii Habeen hore, waxaana la xaqiijiyay in Doonidii qaaday Xasan Daahir Aweys ay Ciladowday kadibna ay doonyo kale halkaasi ka qaadeen , shalayna uu gaadhay Deegaanka Faax ee Gobolka Mudug, waxaana wararku ay intaasi ku darayaan in Gaadiid Tikniko ah iyo Qalab uu ku lahaa Degmada Baraawe ay la wareegeen Al Shabaabka ku sugan Degmadaasi.
Ilo kale oo iyana ku sugan Deegaanka Faax ayaa waxa ay sheegayaan in ay suuragal tahay in Ciidamo uu Hoggaaminayo Sh. Xasan Daahir Aweys ay Weeraraan Degmada Xarardheere oo ay ku suganyihiin Ciidamo kale oo ka tirsan Ururka Al Shabaab.
Degmada Baraawe oo ay ka arrimayaan Ururka Al Shabaab ayaa Maalmihii u dambeeyey waxaa ka taagnaa Xiisad xoogan oo u dhexeysa Kooxaha ka wada tirsan Ururkaasi Al Shabaab iyadoo dhawaan dagaal Magaaladaasi ku dhexmaray Ciidamo kawada tirsan Al Shabaab uu geystay Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo dadka ku dhintay dagaalkaasi ay ka mid yihiin Ajaanib ka tirsanayd Ururka Al Shabaab.
Source: Shabeelle
No comments:
Post a Comment