Tuesday, June 25, 2013

Waa kuma Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibeda Somaliland Mr. Maxamed Biixi Yoonis

Dr.Maxamed Biixi Yoonis wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1947-kii, hadda waa 66 sanno jir wuxuu leeyahay seddex caruur ah.

Dr. Mohamed Bihi Yonis
Wakhtigan xaadirka ah Maxamed Biix Yoonis waa Ergaygii Qaramada Midoobay u qaabilsana gobolka Darfur ahaana madaxii barnaamijka Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobay ee UNMID ee gobolka Darfur. 

Dr. Maxamed Biixi Yoonis waa shaqsiga haatan ugu darajo sareeya dadka ku hadla afka Soomaaliga ee ka hawlgala ama ka tirsan Qaramada Midoobay marka laga reebo Cabdiraxiim Caabi Faarax oo mar noqday ku xigeenkii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay,  ayaa la filayaa inuu horaanta bisha July ee soo socota uu ku soo guryo laabto magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Maxamed Biixi Yoonis oo hadda ku sugna magaalada Newyork ee dalka maraykanka oo uu kaga qayb gallaayey shirka madaxda haayadaha iyo danjirayaasha  qaramada midoobay ayaa wararka ku dhawi tibaaxayaan inuu nasasho ka galli doono dhawaan laba xil oo uu hayey qaramada midoobay iyo ururka midawga Afrika isla markaana la filayo inuu ku laabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Maxamed Biixi Yoonis ayaa ah diblomaasi heer sare ah oo u dhashay Somaliland, wuxuu waxbarashadiisii hoose iyo dhexe ku dhamaystay magaalada Hargeysa, isagoo shahaadada Diploma ka qaatay dugsigii tababarka macalmiinta ee Hargeysa.

Sannadahii 1970-naadkii ayuu waxbarasho sare u tagay dalka maraykanka isagoo shahaado sare ka qaatay jaamacadda Harvard University oo uu ku bartay cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha, wuxuuna isla jaamacadda Harvard University ee dalka maraykanka ka qaatay cilmiga maamulka bulshada, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamig ah.

Maxamed Biixi Yoonis wuxuu noqday madaxii maalgelinta ee Baanka horumarinta Afrika, sannadkii 1999-kii ayaa loo magacaabay agaasimahii fullinta ee hawlgalkii  qaramada midoobay ee Lebnon iyo Israel, wuxuuna madax ka noqday xafiiskii qaramada midoobay ee magaalada Televiv ee caasimadda dalka Israel, wuxuu sidoo kale noqday danjirahii xoghayaha qaramada midoobay ee Lebnaan iyo Israel.

Sannadkii 2002-dii wuxuu noqday madaxii haayadda u qaabilsan qaramada midoobay hawlaha nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka beriga dhexe (Israel iyo carabta) UNTSO (United Nation Truce Supervision Organisation), isagoo badanka  waxaana sannadkii 2006-dii loo magacaabay ku xigeenka danjiraha qaramada midoobay u qaabilsan gobolka Darfur, isagoo laba sanno ka dibna noqday ergayga Midawga Afrika iyo Qaramda midoobay iyo ku xigeenka barnaamijka UNMID ee maamulka haayadaha qaramada midoobay ee gobolka Darfur.

Wuxuu leeyahay ku dhawaad 25 Sannadood oo khibrad diblomaasiyadeed, isagoo badanka loo diri jiray goobaha ugu xasaasisan uguna adag dunida, sida Darfur, Israel, Beriga Dhexe iyo Latin Amerika, sida xogo ay Halbeegnews iftiiminayso tibaaxayaan waxaa la filaayey inuu dhawaan noqdo ku xigeenka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ama madaxa guud ee haayadda UNDP balse wuxuu ka door biday inuu shaqada caalamiga ah ka nasto oo uu dib ugu laabto Somaliland.

No comments: