Search This Blog

Monday, June 10, 2013

Kulan lagu Shaacinayay Ganacsato Ku Guulaysay Mashaariic Maalgashi Ee USAID

Dr, Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Somaliland
Wasiirka wasaarada Qorshaynta Qaranka ahna Gudoomiyaha Gudiga la tashiga mashruuca Deeqaha ee GAP Dr,Sacad Cali shire, ayaa ka qayb galay shir jaraa’id oo maanta magaalada Hargaysa ay ku qabteen Maamulka Maalgashiga ee SBF oo ay ku shaaciyeen ganacsatadii ku guulaystay deeqihii waaweynaa ee wareegii kowaad iyo bixinta 21 mashruuc oo ka mid ah codsiyo hore loo soo gudbiyay.

ku simaha maamulaha maal-gelinta SBF Mr,Jim Duncan,oo ugu horayn shirkaa jaeraa’id ka hadlay, ayaa waxa uu ka waramay mashaariicdii ku guulaysatay deeqihii waaweynaa ee wareegii kowaad.

Mr, Jim waxa kale oo uu sharax ka bixiyey deeqaha la siinayo kow iyo labaatan mashruuc oo ka tirsanaa saddex iyo afartan Codsi oo hore loo xushay. kow iyo labaatankaas mashruuc oo la siin doono deeq dhan 2.5 milyan oo dollar. waxaana deeqahani ay dhalinayaan abaabul maalgashi cusub oo gaadhaya 8.4 Milyanoo Dollar.

Wasiirka Wasaarada qorshaynta Qaranka ahna Gudoomiyaha Guddiga la tashiga deeqaha Dr.Sacad Cali shire. Oo munaasibadaasi ka hadlay

Ugu horeyn u mahad celiyey dalalka mashruucan gacanta ka gaystay iyo Baanka aduunka, waxana uu xusay in mashaariicdani ay faa’iidooyin badan leeyihiin oo ay ka mid yihiin, Shaqo abuur, maal gashi iyo ilo wax soo saar.

Maamulka Maalgelintu Waxa shirkaa jaraa’id ay ka sheegeen guud ahaan marka laysku soo duubo in 59 deeqaha yar-yar ah iyo 21Ka deeqaha waaweyn ah oo gaadhaya 4.6 Milyan oo dollar in laga filaayo inay abuuraan shaqooyin cusub.

· Wadarta guud ee maalgashiga loo hayaa waxay noqonaysa $9.5m ( marka lagu daro deeqaha la bixiyay);
· Shaqooyinka cusub ee la filayo inay abuuraan oo ka badan 1,200;
· 40% deeqaha la bixiyay waxa la siiyay mashaariic ku salaysan meelaha ka baxsan Hargeisa
· In ka badan saddex-meeloodow-meel ee shaqooyinka cusub ayaa noqonaya dumar, marka 15% ay noqonayaan dhalinyaro.

Mashaariicda 21 ah ee deeqaha waawayni way kala gadisan yihiin waxaana ku jira:
· Beeraha- beerida iyo soo saarida sonkorta, beerida sisinta iyo soosaarida saliida sinsinta;
· Xoolaha- naaxinta xoolaha, warshadaynta hargaha, dhaqida digaaga iyo maamul wanaajinta iyo horumarinta saylada xoolaha ee Hargeisa;
· Tamarta- Aasaasida rugata tababarka ee dib-u-cusboonaysiinta tamarta, Ansixinta iyo hawlaha dayactirida, Rakibida Qalabka tamarta dabaysha, dhalinta tamarta qoraxda;
.
· Kaluumaysiga?Dayactirida warshadaynta kaluunka, Qaboojiyayaasha, Warshadaynta kaluunka
· Xabkaha iyo Beeyada ? Horumarinta beeyada si loogu dhhoofiyo dibada
· Caafimaadka- ? Baadhista xanuunada
· Warshadaynta? Warshadaynta Dalaga/cuntada beeraha, Tolida iyo Fisilaada dharka

Mashaariicda ay waaxda maamulka maalgashigu (FMU) u xuleen inay helaan deeqaha waxaa dib u eegis ku sameeyay Guddida La tashiga Deeqaha. Guddida La Tashiga Deequhu waxay ka kooban tahay xubnahan hoos ku qoran:

Dr Saad Ali Shire (GAP Chair)
Wasiirka Qorshaynta
Mr. AbdirazakKhalif Ahmed (Vice-Chair)
Wasiirka Ganacsiga
DR. Abdi Aw Dahir
Wasiirka Xoolaha
Prof. Farah Elmi
Wasiirka Beeraha
Dr. Saeed Ahmed Hassan
Gudoomiyaha Jaamicada Golis
Ms. Fozia Mohamed
CEO, SLNMA
Ms NafisaYussuf
Ururka Nagad

Ujeedada Maal-galinta Ganacsiga Soomaaliland waa in la abaabulo hal-abuurnimada iyo ilaha dhaqaale ee ganacsatada si loo kobciyo heerarka dakhliga, shacabka Somaliland loo abuuro shaqooyin cusub.
Maalgalintani waxay ganac-satada ku caawinaysaa inay kor u qaadaan ganacsigooda oo ay casriyeeyaan, si kala gadisan u fidiyaan badeecadahooda, hagaajiyaan waxsoosaarkooda oo ay casriyayaan ama ay ka shaqeeyaan salyado cusub.

Mashaariicda waxa lagu qiimaynayaa iyadoo la eegayo khibrada iyo heelanaanta codsadaha, suuragalka fikirka gancsi ee codsadaha iyo dhalinta natiijooyin horumar leh. Maaligalintani waxay raadinaysaa codsade/-yaal muujin kara aqoon maamul iyo awood dhaqaale, iyo wiliba la socod sayladeed iyo sumcad si ay ugu guulaystaan ganacsigooda.

No comments: