Monday, May 27, 2013

Odayaashii U xidhnaa Xiisadii Xariirad oo Xabsiga Boorame Laga sii Daayay

Waxa maanta si rasmi ah Xabsiga dhexe ee Magaalada Boorame looga sii daayay duqaydii u xidhnayd shaqaaqadii Bishii saddexaad ee sanadkan ka dhacday Degaanka Xariirad ee Gobolka Salal.

Mud. Max'd Nur Arale Wasirka Amniga Somaliland
Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Mudane Maxamed Nuur Caraale(Duur) ayaa maanta si rasmiya xabsiga uga sii daayey duqaydaas oo tiradoodu dhamayd Toban Oday, oo ka mid ah waxgaradka degaanka xariirad ee uu ka soo jeedo ninka dhacdada Dilka ah ka gaystay degaankaas. 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo sii dayntooda ka dib kulan kula yeeshay duqaydaas xarunta maamulka Gobolka Awdal ee Boorame ayaa sheegay in aanu xadhigoodu la xidhiidhin Dambi aygaleen balse uu ahaa mid ku yimi talaabooyinka xasilinta nabadgalyada iyo sidii xal looga gaadhi lahaa dhacdada dilka ahyad ee degaanka as ka dhacday. Wasiirku waxa uu tilmaamay in dadaalkii nabada iyo xilkasnimadii ay muujiyeen duqayda Dhibanuhu ka soo jeeday lagu gaadhay in xoriyadoodii loo soo celiyo xabsigana laga sii daayo
Wasiirka Arrimaha Guduhu waxa uu kula dardaarmay duqaydaas in looga fadhiyo in ay ka hawlgalaan nabadii degaanka iyo sidii bulshadu isu dhexgali lahayd soona gacan galiyaan Gacan ku dhiiglihii falkaas ku kacay.

Duqaydan ayaa ka mahad celiyay sidii haboonayd ee loola dhaqmay mudadii ay xabsiga ku jireen.
Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal IYO Maayarka Magaalada Boorame saleebaan xasan xaddi ayaa iyaguna odayaashaas u jeediyay in ay dhinacooda ka hawlgalaan adkaynta nabadgelyada degaankaas.

No comments: