Sunday, May 26, 2013

MUCJISO: CARUURTA KU DHALATA CAASIMADA SOMALILAND MAALMIHII U DANBEEYEY OO LOOGU MAGACDARO MAGACYADA RAIISAL WASAARAHA ETHIOPIA & OORIDIISA !!!

Ethiopia's First Lady Roman Tesfaye
Tan iyo markii Raiisal Wasaaraha Ethiopia H. E. Hailemariam Desalegn ahna Gudoomiyaha Midowga Afrika uu khudbad uu u jeedinayay Baarlamaanka dalkiisa 18 May 2013, oo ku beegnayd 22 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland, khudbadaasi oo Raiisal Wasaare Hailemariam Desalegn oo uu si cad u sheegay in dalka Ethiopia taageero dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid difaacba uu siinayo walaalahada dalka Somaliland, Isla markaasina ay Ciidamada Ethiopia ay diyaar u yihiin in ay ka barbar dagaalamaan kuwa Somaliland haddii dalka Somaliland halisi ay kaga timaado dhinaca Somalia ama ay halis galiyaan ururka argagixisada ah ee Alshaab. 

Mucjisada khudbadan taariikhiga ah kadib maxaa cusub ee ku soo kordhay Somaliland?
seddexdii maalmood ee ugu dambeeyay in ka badan 30 caruur ah oo ku dhashay magaalooyinka waawayn ee Somaliland ayaa loogu magac daray magaca Raiisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam iyo kan aabihii Desalegn waa wiilasha e, halka hablahana loogu wanqalay Roman oo ah magaca Marwada Koowaad ee dalka Ethiopia ahan oorida Raiisal Wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn, waalidiin kale ayaa iyagu ugu magac daray hablo u dhashay magaca caasimada Itoobiya ee Adis iyo magaca dalkaasi ee Itoobiya. 
Hailemariam Desalegn Ethiopian Prime Minister
Dhacdooyinkan layaabka ahi maaha kuwii ugu horeeyay ee Somaliland lagu arko balse tan iyo sanadkii 1993, socotada ka soo degta gagida diyaaradaha ee caasimada Somaliland waxa markiiba dhagahoodu maqlaan heeso debecsan oo ah kuwa ay qaadaan fanaaniin u dhashay Ethiopia, halka guri kasta oo somaliland ku yaalana dhegaysiga heesaha Ethiopianku noqdeen kuwo maalin kasta laga dhegaysto, Waxa kale oo Afka Axmaarigu ka mid yahay luuqadaha rasmiga ah ee ay ku hadasho Idaacada Radio Hargeisa, oo ku hadashada Afka Xukuumada Somaliland. 

Si kastaba ha ahaatee, Arimahan ayaa  ah kuwo si cad uga marag kacaya qotada burburka laxaadka leh ee haleelay Midnimadii dhex maray labadii mustacmaradood ee Somaliland iyo Somalia 1 July 1960kii iyo Calankii Buluuga ahaa ee lahaa Xidigta Shanta Gees leh oo dhexda uga taalay. 
Maahmaah ama Halku dhig caan ahaa  
HADDII AWAR KALA GUURTO LA ARKEE MAR KALEETO IN AY OOD KU KULMAANE,
HADDII UUR KALA GUURO SOW AMUUR CULUS MAAHA!!!!

No comments: