Tuesday, May 28, 2013

Al-shabaab oo diyaarad Drawn ah soo riday

Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab Al Mujaahidiin ayaa maanta Shabeeladda Hoose ku soo riday diyaarad nooca wax basaasta ah ee loo yaqaano Drawns-ka, taasoo ay la heleen mid ka mid ah baalasheeda Gantaal ay dhulka ka rideen.

Guddoomiyaha Shabeeladda Hoose oo waraysi siiyay laanta Af-ka Somaliga ee VOA ayaa sheegay in diyaaradaasi ku soo dhacday deegaanka shabeeladda Hoose ee uu guddoomiyaha ka yahay, waxaanu xusay in ay u malaynayaan in  Gantaal kooxda Al-shabaab la beegsatay ku dhacday diyaaradda.

Guddoomiyaha Shabeeladda Hoose waxa uu sheegay goobta ay ku dhacday diyaaradaasi in ay tahay goob kooxdaasi degan tahay oo dhul beeralay ah, waxaanu xusay diyaaradaha Drawns-ku inay goobahaasi ka raadinayeen kooxda Al-shabaab oo la doonayo in deegaankaasi laga saaro.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay in ay soo bandhigi doonto qaabka ay diyaaradaas u rideen iyo burburkeedaba isla markaana waxa ay ku faaneen in ay awood u leeyihiin in ay ridaan diyaaradahaasi oo loogu soo diro in ay basaasaan.

No comments: