Search This Blog

Sunday, April 28, 2013

Gudoonka Baarlamanka Oo Laalay Mooshin Ka Dhan Ahaa Heshiiskii Soomaaliya Iyo Somaliland

Muqdisho - Gudoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta laalay mooshin todobaadkii hore ay soo jeediyeen qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaaliya, kuna saabsanaa heshiiskii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ku gaareen magaalada Ankata ee dalka Turkiga.

Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa maanta baarlamanka u sheegay in mooshinkaas aan la horkeeni doonin mudnayaasha, howshaasna loo dhaafayo xukuumadda oo weli ku guda jirta.
 
“Mudanayaal nagama sugeysaan in mowshinkii laga keenay heshiiskii dowalda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland halkaan looga doodo, shaqadaas waxaa u xilsaaran hay’ada fulinta dowlada ee xukuumada” ayuu yiri Mahada Cabdalle Cawad.
 
Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad ayaa ka doodista arrintaas ku tilmaamay ku xadgudub awoodii baarlamaanka, wuxuuna sheegay inaan gudoonku u arkin mid sharci ah.
 
Mahad Cabadalle Cawad ayaa sheegay in baarlamaanku xaq u leeyahay inuu dalbado in qaar ka mid xubnihii heshiiskaas wax ka saxiixay ay horyimaadaan si ay su’aalo u weydiiyaan.
 
Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa olole ugu jirey iney gudoonka usoo gudbiyaan mooshin ay ku dalbanayeen in mudanayaasha baarlamaanku ay kaga doodaan heshiiska kasoo baxay shirkii ay magaalada Ankara ku yeesheen madaxda dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland.

No comments: