Search This Blog

Saturday, April 27, 2013

Dawladda Somaliya oo dhinaca Badda ka weerartay Kismaayo

Waxay hubaysay barre Hiiraale, Axmed Madoobana wuxuu samaystay dhufaysyo images11

Kismaayo - Waxaa sii xoogeysanaya xiisado colaadeed oo ka aloosmay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose tan iyo markii habeen ka hore uu halkaas gaadhay Col. Barre Aadan Shire (Hiiraale) oo dooni kaga ambabaxay Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan in kulamo dhexmaray Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale kuna saabsanaa shirka ka socda Kismaayo la isku fahmi waayey, waxaana kulamadaas barbar socday diyaar garow dagaal iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaan labada dhinac.

Sida ay sheegayaan wararku magaalada Kismaayo xeebaha ku dhow ayaa waxaa xalay gaadhay saddex doonyood oo Ciidamo iyo hub u siday Col Barre Hiiraale kuwaasoo ilaalinaya guriga uu degay Barre Hiiraale iyadoo ay ku biireen ciidamo kale oo ku sugnaa Kismaayo.

Hogaamiyaha Jabhada Raaskambooni Axmed Madoobe ayaa dagaal adag oo muddo dheer qaatay u soo galay la wareegida Kismaayo isagoo taageero siyaasadeed iyo mid mileteri ka haystaa ciidanka Kenya oo ah awooda ugu weyn ee maamusha Kismaayo kuwaasoo magaca AMISOM halkaas ku jooga.

Barre Hiiraale oo horay dhowr mar Kismaayo u soo maamulay ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya inuu taageero siyaasadeed iyo milateri ka heysto dowlada Somalia, si meesha looga saaro Axmed Madoobe iyo kooxdiisa oo magac ahaan ogol dowlada, hase ahaatee siyaasad ahaan diidan.

Ciidamo kala taabacsan labada dhinac ayaa fariisimo milateri ka kala sameysanaya gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaan laga cabsi qabaa inuu dagaal ka qarxo halkaas, iyadoo dadweynaha magaalada ay wadnaha farta ku hayaan xiisadaha halkaas ka jira awgeed iyagoo isweydiinaya sida ay waxyeeli lahaayeen haddiiba labada dhinac ee magaalada ku loolamaya ay food is daraan.

No comments: