Thursday, April 11, 2013

David Miliband Saaxiib Qaaliya oo Jamhuuriyada Somaliland ku lahayd Siyaasada wadankla Britain oo Siyaasadii ka Fadhiistay

UK MP David Miliband
Saaxiib Qaaliya oo Jamhuuriyada Somaliland ku lahayd Siyaasada wadankla Britain, ayaa gebi ahaanba faraha kala baxay doorkii siyaasada ee uu ka ciyaari jiray wadanka UK. 

David Miliband oo mar lagu waday inuu noqon doono Raysal wasaaraha UK, ayaa ku dhawaaqay inuu iska calisay jagadii Baarlamaanka iyo Xubinimadii Xisbiga Labour-ka. Arintan ayaa ka dambeesay kadib markuu Miliband shaqo sare ka helay hay'ada IRC. 

Mugdi badan ayaa hadheeyey hankiisii siyaasadeed kadib markuu ku guul dareesatay 2010 inuu noqdo Gudoomiyaha xisbigas Labourka. Dadbadan ayaa u arkay in Miliband uu walaalkii dhabarka ka toogtay kadib markuu iska soo baal sharaxay wakhtigaas oo weliba uu walaalkii Ed Miliband ku guuleestay jagadaaa gudoominta xisbiga Labourka. 

Xilkan loo magacaabay hada oo ah jagada ugu sareesa Hay'ada IRC oo ka hawl gasha inka badan 28 wadan oo ay Somalia ka mid tahay ayaa wuxu mushahar ahaan uqaadan doonaa $450000. IRC ayaa waxa xubno ka ah, Kofi Anan, Condolezza Rice iyo xubno magac sare kuleh aduunka.

No comments: