Wednesday, March 13, 2013

Xukuumadda Somaliland oo Maamul Goboleedka Puntland maanta ku wareejisay Nin ka mid ah kooxdii Garoowe ku dishay Sheekh can ahaa

Laascaanood - Xukuumadda Somaliland ayaa manta Mamul Goboleedka Puntland si rasmi ah ugu wareejisay nin ka mid ahaa kooxdii dhawaan Garoowe ku dishay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax.


Sida uu ku soo waramayo wariyaha Waaheen ee Gobolka Sool waxa saaka magaaladda Laascaanood laga talaabiyay Ninkaas oo ay dhawaan Xukuumadda Somaliland ku qabatay Laascaanood, kaasoo uu wasiirka Arrimaha guduhu sheegay in ay ku wareejin doonaan Maamulka Puntland.

Munaasibad lagula kala wareegayay nikaas ayaa wariyuhu sheegay in lagu qabtay tuulada Gambadha oo ah xadka ugu dhaw ee Somaliland iyo Puntland ku kala noqdaan, waxaanay Maamulka Puntland uga mahad celiyeen Somaliland wada shaqaynta fiican ee ay ka leeyihiin dhinaca Amaanka labada dhinac.

Xabsiyadda Somaliland waxa ka buuxa koox Budhcad badeed iyo argagaxiso ah oo ka soo jeeda goboladaasi hase yeeshee waxa qaarkood laga keenay Dalka Siishalis halka qaarkoodna lagu qabtay Somaliland, balse dhamaantoodba waxa ku dhacay Xukuno.



No comments: