Friday, March 15, 2013

WAR SAXAAFADEED: SBF OO BIXINAYSA 59 DEEQOOID OO YAR-YAR OO U DHIGMA $2 MILLION

1, 750 Codsi oo ay heshay SBF wareegii 1aad, waxa ku guullaystay 59 mashruuc oo deeqaha yar-yar ah oo u dhigma 2million oo dollar. Waxaanu rajaynaynaa inay mashaariicdani abuuri doonto inka badan 600 oo shaqooyin, oo saddexmeelood marka loo qaybiyo ay qaybi noqondoonto dumar, 40%-na ay noqon doonaan dhalinyarta.  40% mashaariicda la taageeray waxay ka fulayaan goboloda kale ee ka baxsan Hargeisa.

Mashaariicdu way kala duwan yihiin waxaana ka mid ah:

  • Beeraha: waraabinta beeraha ee casriyaysan si loo soo saaro khudaarta, kiraynta cagafyada, saliida gabaldayaha, tamaato qasaaca iyo kajapta(ketchup).
  • Xoolaha: Naaxinta iyo xanaanaynta xoolaha, dhaqida digaaga(Beedka iyo Digaaga), hagaajinta haraga, iyo sifaynata caanaha geela
  • Kaluumayasiga: mashruuca carsaanyada, qaboojiyeyaasha wax lagu kaydiyo, warshadaynta kaluunka, beerida kaluunka,
  • Xabkaha iyo Beeyada;  sifaynta uduga, kor uqaadida tayada badeecada la dhoofiyo ee xabkaha iyo beeyada
  • Maamulida iyo hagaajinta xashiishka: ururinta xashiishka iyo dib uhagaajinta meelaha xashiishka lagu qubo, Dib u noolaynata baateriyada iyo shakalada baabuurta,  iyo dib u cusboonaysiinta taayirada,
  • Macdanta; milxda iodenta leh, soo saarka dhagaxaanta macdanta, mooysaxo tayo leh, biyo qodida
  • Warshadaynata: samaynat tuumbooyinka PVC-ga, tolida dharka, samaynata finijarka, samaynta kaaryoonayaasha, buugaagta, qurxinta guryaha, samaynta darayska iskuulada, samaynata daaqadaha iyo albaabada aluumiiniyamka ah, warshada saabuunta, samaynata badeecadaha hargaha
  • Tacliinta: Barashada technoolojiyada, aqoonta shaybaadhka dhismaha, iyo iskuul hoose
  • Adeegyada: Doobiile casriyaysan, xafiiska xisaabaadka, garoomada da’dan, Samaynta Keegaga iyo macmacaanka
  • Caafimaadka: Shaybaadhka pathologiga, baadhista xanuunada

Mashaariicda aanu soo xulanay waxa dib u eegay Guddiga La tashiga Deeqaha (GAP) oo ka kooban xubnaha  hoos ku qoran:

Dr Sacad Cali Shire (Gudoomiyaha Guddida)-Wasiirka qorshaynata
Mr. Abdirizak Khaliif Axmed( Gudoomiye ku xigeen)-Wasiirka Ganacsiga
Dr. Cabdi Aw Dahir –Wasiirka Xanaanada Xoolaha
Prof. Faarax Cilmi – Wasiirka Beeraha
Dr. Siciid Axmed Xasan – Mulkiilaha Jaamacada Gollis
Foosiya Maxamed – Gudoomiyaha SLNMA
Nafiisa Yuusuf – Nagaad Network

SBF waxay ku talo jirtaa inay bixiso deeqaha waawayn bisha May ee 2013. Wareega labaad ee deeqaha yaryar-ka iyo waayay-ka waxa la filayaa in ay noqoto bisha June.

SFB waxay abaabulaysaa halabuurida tayada leh iyo khayraadka ganacsatada, si loo abuuro shaqooyin loona kordhiyo dakhliga shacabka Somaliland. Sidaas Darteed deeqahan waxay ku caawinayaan ganacsatada in ay abuuraan badeecado cusub, galaan suuqyo wax loo dhoofiyo oo cusub, hagaajiyaan wax soosaarka iyo in ay noqdaan kuwo fikrado cusub la yimaada.

Deeqahani waxa loogu talo galay shakhsiyaadka cadaynkara in ay leeyihiin xirfad maamul, awood dhaqaale iyo sumcad ganacsi oo soo jireen ah si ay ugu guulaystaan mashaariicdan. Mashaariicda waxa lagu qiimeeyey iyada oo la eegayo suurtagalka fikradan ganacsi iyo saamaynta horumarka ay ku yeelanayso.

SBF waa qayb muhiim ah oo ka mid ah barnaamij-yada Baanka Aduunka ee loo yiqaano “ Private sector Re- Engagement Project Phase II, Kuwaasi oo taageeraya maalgashiga silsilada wada dheefiga kaluumaysiga iyo xabkaha iyo beeyada, iska hagaajinta iyo maamulka xashiishka, horumarinta dekeda Berbera iyo horumarinta adeega dhaqaalaha ee Somaliland. Barnaamij-kan waxa maalgaliyey Danish International Development Agency, The (UK) Department for International Development and the Baanka Aduunka gaybta dawladda iyo nabad dhisida.

SBF Waxa fulinaya Landell Mills International Development Consultants ee xaruuntoodu tahay dalka Ingriiska oo ay maamulayaan xubnaha maamul hoosaadka deeqaha (Fund Management Unit)

Wixii Faahfaahin ah Kala Xidhiidh:
Denis Dunn, Fund manager,
Tel: +2522483-7761 or 4850660
www. Somalilandbusinessfund.com  

No comments: