Saturday, March 16, 2013

Somaliland oo xabsiga dhigtay Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya

C/shakuur Cali MireWasiir ku Xigeenka Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya
Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Wasiir ka tirsan Xukuumada Soomaaliya oo lagu magacaabo C/shakuur Cali Mire ahna wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya, waxana ciidanka nabadgalyada xukuumada Somaliland ka qabteen isagoo ku sugan gudaha madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport, waxana ay u gudbiyeen xabsiga Dhexe ee magaalada Berbera.

Sarkaal ka tirsan laanta socdaalka Somaliland ayaa xalay Waaheen u xaqiijiyay inay sarkaalkaas ka qabteen madaarka Berbera, kadib markii ay amar ka heleen madaxda sare ee qaranka kuwaas oo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.

C/shakuur Cali Mire waxa qorshaha diyaaradda siday ahayd in uu saaka ka duulo magaaladda berbera, hase yeeshee markii la fadhiisiiyay Qolka VIP-da ayay madaxda Maamulka Gobolku amreen in loo dhaadhiciyo dhinaca magaaladda, halkaas oo lagu hayo saldhig Booliis.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhawaan xidhay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya oo Gabilay u yimi Hooyadii uu xanuunsanysa, hase yeeshee Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa ku riday Xukun ah in Dalka laga mastaafuriyo, isla markaana uu bixiyo ganaax dhan Hal Milyan.

Ilaa hada kama ay hadal Xukuumadda Somaliland xadhiga wasiirkan.

No comments: