Monday, March 11, 2013

Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarac Shirdoon oo Puntland ka codsaday in ay la gasho Dagaalkiisa Lidka ku ah Somaliland



Saacid iyo Faroole oo dib u Bilaabaya Carqaladii maamulka Punland ku hayay Gooni isu taaga Somaliland

Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarac Shirdoon
Raysal-wasaaraha Somaliya Cabdi Faarac Shirdoon, ayaa Sabtidii Doraad soo gaadhay Garoowe, halkaasoo wada hadalo uga bilaameen Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo tan iyo markii dawlada Xasan Sh. Maxamuud xilka la wareegtay xidhiidh aan fiicanayn la lahaa Madaxda Dawlada Somalida.

Weftiga Raysal-wasaare Saacid, ayaa kulan albaabadu u xidhanyihiin shalay kula yeeshay madaxtooyada Puntland iyo Madaxda Dawlada Puntland, halkaasoo la sheegay inay kaga wada hadleen sidii ay labada dhinac u sii  amba qaadi lahaayeen Heeshiisyadii Dawladii Sh. Shariif iyo Faroole ku dhex maray Garoowe iyo Gaalkacayo sanadihii la soo dhaafay, gaar ahaan Heshiiskii lagu kala saxeexday Magaalada Garoowe horaantii sanadkii 2012.

Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay waxyaabaha kale ee ay labada dhinac shirkaasi kaga wada hadleen, balse ilo wareedyo ku dhow dhow aqalka madaxtooyada Maamulka Puntland, ayaa intaasi ku daray inay wax iska yidhaahdeen la dagaalanka kooxaha Xag-jirka ee amni darada ka wada Puntland iyo sidii Maamulka Puntland wada shaqayn ka dhow sida hada ula yeelan lahaa Dawlada Federaalka Somaliya.

Dhinaca kale, wararka ka imanaya Garoowe waxay intaasi ku darayaan in dawlada Muqdisho doonayso inay xidhiidh fiican la furto Maamulada hoos yimaada ee ka jira somaliya, ka hor 7 Bisha May shirka Somalida loogu qabanayo Magaalada London oo ay si weyn u danayso dawlada Somaliya, kaasoo  ay doonayso in la qabto iyadoo maamulada somaliya gacanta ugu wada jiraan, Somaliland mooyaane.

Waxaana qorshahaasi la hadal hayaa inay sidoo kale uga danleedahay si ay wada hadalada Somaliland iyo somaliya culays ugaga hesho Maamulada hoos yimaada, iyadoo ka hortegaysa inay Somaliland marna qiil u hesho qadiyada madaxbanaanideeda, taasoo hadii ay dhacdo u muuqanaysa arin caqabad u ah midaynta Maamulada ka jira Somaliya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punland ayaa dhawaan laga soo xigtay hadal u dhadhamaya inay Somaliland iska kaashadaan sidii ay Somaliya uga wada go’I lahaayeen, hadalkaasoo dadka siyaasadda faaqida ula muuqday xod-xodasho siyaasadeed oo uu doonayay inuu meel fog uga soo wareego sidii uu dawlada Xasan Sh. Maxamuud  xidhiidh adag ula samayn lahaa, isla markaana uu door muhiima uga heli lahaa talada wadanka.

Si kastaba ha ahaatee safarka raysal-wasaare Saacid ku yimi Garoowe oo ilaa shalay isha lagu hayay ujeedada uu daaranyahay marka laga yimaado masuuliyadda ka  saaran xogogaal u noqoshada xaalada Goboladda dalka, waxa uu ku soo beegmayaa xili dawladiisu Olole dhaqaale raadis ah iyo mid ay Maamulada ka aragtida fog dagaal diblomaasiyadeed oo ay ugu quus goynayso ka wado Caalamka , isla markaana mudo todobaad ah uun ka hor Cuno-qabatayntii hubka laga qaaday.

Taasoo abuuraysa dareen ah inay maamulka Garoowe gacanta ku dhigto, si ay markaasi meel adag oo halkii hore ka fog uga istaagto qadiyada gooni-isutaaga Somaliland oo maamulada sida  adag uga soo horjeeda Puntland ka mid ahayd.

No comments: