To: H.E. Ban Ki-moon
United Nations Secretary General
New York, NY 10017 USA
212-963-5012 fax: 212-963-7055
Email: ecu@un.org
United Nations Secretary General
New York, NY 10017 USA
212-963-5012 fax: 212-963-7055
Email: ecu@un.org
Twitter: UN Secretary-General@secgen
To: H.E. Barack Obama
President of United State of America
President of United State of America
To: Hon. John F. Kerry
Secretary of State
US State Deptment
2201 C St., NW
Washington, DC 20520
202-647-5291; Fax: 202-647-6434
E-mail: secretary@state.gov
US State Deptment
2201 C St., NW
Washington, DC 20520
202-647-5291; Fax: 202-647-6434
E-mail: secretary@state.gov
To: H.E.
David Cameron
UK PRIME MINISTER
10 Downing Street,
London,
SW1A 2AA
10 Downing Street,
London,
SW1A 2AA
@UKinSomalia
@HMAMattBaugh
Attn.: H.E. Ahmed Mohamed Mohamoud
President of
Somaliland
Hargeisa, Somaliland
CC: President EU Commission
Date: 23 March 2013
The original version of this paper are
written in English
Dareenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee ku aadan
Xadgudubyada Qaramada Midoobay, ku hayso shacbiga dalka Somaliland iyo Siyaasadda
Maraykan ee Soomaaliya
Mudane,
Xoghaye Guud
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo magaceeda loo soo gaabiyo
HORNWATCH, kulmisana difaacayaasha xuquuqda aadamiga Geeska Afrika oo ixtiraam farobadan
kuu hayaa waxay danaynayaan in ay la socodsiiyaan Xoghayaha Guud ee Qarmada
Midoobay iyo madaxda kale ee ixtiraamka mudan ee qoraal lagu socodsiiyay ama
lagu wargaliyay sida ay uga werersan
yihiin xadgudubyada joogtada ah ee Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah
dawladaha xubnaha ka ahi sida joogtada ah uga hayaan xaqa aayo ka tashiga iyo
madaxbanaanida dalka Somaliland, waxana taasi u daliil ah takoorka ay aad sida
joogtada ah ugu gashaan Qaranimada shacbiga Somaliland idinkoo u diidan in ay
helaan xaqa ah in dalkoodu ka mid noqdo wadamada caalamka taasi bedelkeedana aad
si joogto ah uga dhigeen in ay u rahmanaadaan dalkii ay la mdoobeen 1960kii ee Somalia
(former Territory of Italian
administration) balse Somaliland oo madiidin u noqotay gaboodfalo lid ku ah
aadaminimada iyo dambiyo dagaal kuwii ugu xumaa ee ka dhaca qaarada Afrika
dabayaaqadii qarnigii tagey awgood sanadkii 1991 dib ula soo noqday madaxbanaanidii
dalkoodu uu haystay midowga ka hor oo ay xiligaasi aqoonsadeen in ka badan 36
dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay oo ay ka mid ahaayeen Israil, UK,
Ethiopia, Kenya, US iyo wadamada galbeedka Yurub.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay la socodsiinaynaa madaxda
sharafta leh ee qoraalkani ku socdo in Somaliland iyo shacbigeedu aanay marna
ka qayb qaadan dhamaan dadaaladii dib u heshiisiineed ee beesha caalamku u qabanaysay
20 sanadood ee ugu dambeeyay Somaliyada Talyaanigu gumaysan jiray.
Sidoo kale
xukuumada Somaliland iyo shacabkeedu qayb kama ay ahayn jidkii wado hadalada Somalia
(Somali Roadmap ) oo ay maamulaysay
Qaramada Midoobay kaasi oo ay ka dhalatay xukuumada Federaalka Somalia ee
haatan haysa talada dalkii Somalia ee Talyaanigu gumaysan jireen iyo Dastuur ku
xadgudbaya midnimada iyo wadajirka dhul ahaaneed ee Jamhuuriyada
Somaliland. Qaramada Midoobay waxay ku
khasbaysaa shacbiga Somaliland in ay dib u adoonsadaan kuwii markii hore
xasuuqay ee Somaliyada Talyaanigu Gumaysan jiray.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo si feejigan ula socda
dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo kuwa dublamaasiyadeed ee ka socda Somalia iyo
guud ahaan mandaqada geeska Afrika waxay u arkaan Qaramada Midoobay in ay si badheedh
ah ugu tumanayso nabad ku soo dabaalida iyo dib u heshiisiin dhamaystiran oo ka
dhalatay mandaqada Geeska Afrika.
Aqoonsiga Maraykanku siisay the Former
Territory of Italian Administration
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika iyaga oo aan ka xumayn in dalka
Maraykanku xoojiyo xidhiidhka iyo danaha uu la leeyahay dalka Somalia, balse
waxa aanu si adag uga digaynaa xukuumada Maraykanka in Aqoonsiga
Diblumaasiyadeed ee uu siisay Somalia aanu khusaynin dalka Somaliland balse waa
in uu ku ekaado xuduudaha dalkii Somalia ee uu gumaysan jiray Talyaanigu.
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan aqoonsiga
dublamaasiyadeed ee Maraykanku siisay Somaliyadii uu Talyaanigu gumaysan jiray
mid meel ka dhac ku ah qaanuunka duwiliga iyo xeerka Qaramada Midoobay, iyadoo
talaabadani u muuqata mid lagu dhabar jabinayo qodobadii ka soo baxay shirkii
London “Somalia iyo Somaliland waa in ay ka wadahadlaan xidhiidhkooda sida uu
noqon doono mustaqbalka, iyadoo Qaramada Midoobay iyo beesha caalamkuna ay
taageerayso wadahadaladaasi.”
Nasiibdaro,Xukuumada
Dalka Maraykanku iyadoo aan ka dhursugin heshiiska ka soo baxa wado hadalada
Somaliland iyo Somalia waxay aqoonsi dublamaasiyadeed oo khuseeya dalkii
burburay ee Somalia oo ay ka mid tahay Jahmuuriyada Somaliland siisay dhinac
kali ah oo ah Soomaaliyadii Talyaanigu gumaysan jiray. Tani waxay dhabarjabin
ku tahay qodobadii heshiiskii London, waxa kale oo ay xadgubub ku tahay xaqa
aayo ka tashiga iyo madaxbanaanida dalka Somaliland. Xubin ka noqoshada
Qaramada Midoobay ee dalka Somalia waxa uu ka dhashay midowga haatan burburay
ee labada dal ee Somaliland iyo Somalia,
sidaasi darteed, Qaramada Midoobay, iyo dalalka xubnaha ka ah ee siiya
aqoonsi dublamaasiyadeed dhinac kali ah oo ah the former Territory of Italian administration, waxa aanu u aragnaa in
si toos ah uu ugu xadgudbay madaxbanaanida iyo xaqa aayo ka tashiga ee shacabka
Somaliland.
Waxqabsiga Shacbiga Somaliland
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoog leh u aaminsan yihiin in
Dawlada Somaliland iyo shacbigeedu iyagoo aan taageero ka helin bulshada
caalamka waxa ay guulo la taaban karo ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan
kooxaha argagixisada ah ee neceb dimuquraadiyada. Somaliland waxay u diiday
kooxahaasi in ay dalka ku yeeshaan fadhiisimo ay ku tabobartaan kana duulaan ,
sidoo kale waxa dhaqaale tirobadan xukuumada Somaliland ku bixisay ka hortaga
in kooxaha xagjirka ahi kasbadaan quluubta da’yarta Somaliland, Dawlada
Somaliland ayaa dadaal kasta ku bixisay sidii aanu dalku u noqonin marin wareed
iyo mid dhaqaale oo ay leeyihiin kooxaha argagixisada gobolka iyo kuwa
caalamiga ahba. Waxana taasi daliil u ah Somaliland ka badbaado weerarada
qorshaysan ee argagaxisadu fuliso, hoyna u noqoto in ka badan 200 oo ka mid ah
Hay’adaha iyo Ururuda Samafalka Caalamiga ah iyo kuwa Qaramada Midoobay. Sidoo
kale, Somaliland waxa jooga oo ka hawlgala dublamaasiyiin ka socda wadamo ka
mid ah urur goboleedka IGAD, iyo Midowga Yurub..
Balse
Maanta wax kasta oo wanaag ah oo ay qabsatay Somaliland iyo nidaamkeeda
dimuquraadiga ah oo tusaale fiican u ah qaarada madow ee Afrika iyo dunida
Muslimka waxa ay werwer xoogan ka qabtaa siyaasadaha dalka Maraykanka ee ku
aadan dalkii hore loo odhan jiray Somalia, sababtoo ah mar kasta waxay u
janjeertaa taageerada ay u fidinayso dhinaca khaladka ah.
Daneeyayaasha Dalka Somaliland
Wadamada
xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo Jilayaasha Caalamiga ah oo ay ku jiraan
Shirkada ganacsiga adduunka oo danaynaysa masaaliixda dhaqaale, siyaasadeed,
dhaqan, ganacsi, iskaashi nabadgalyo oo khuseeya dalka Somaliland cida kali ah
ee qaanuuniga ah ee u xilsaarani waa xukuumada sida dimuquraadiga ah shacbiga
Somaliland u doorteen oo uu hogaamiyo H.E. Madaxwayne Ahmed Mohamed Mohamoud
‘Siilaanyo’.
Xayiraad ka qaadida
Hubka ee Somalia (former Territory of Italian administration)
Gudiga
Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay u arkaan Go’aanka Qaramada
Midoobay kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarayd Somalia mid aan loo baahnayn
dhibaato hor lehna ku soo kordhinaya guud ahaan amaanka gobolka, Waxa kale oo
go’aankani meesha ka saarayaa dib u heshiisiin qaran oo dhacda. Go’aankan
Qaramada Midoobay ku sheegtay in kaga qaaday xayiraadii hubka ee saarnayd
Somalia, waxa uu ka dhiganayahay farsamo ahaan Qaramada Midoobay oo meel
marisay in ay hubayso qabiil ka mid ah qabaa’ilka dalkii la odhan jiray
Somalia, tanina waxay keenaysaa in qabiilkani hubkan ku laayo qabiilooyinka
kale.
TALO SOO JEEDIMO:
Shacabka
Somaliland
- Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay shacbiga Somaliland u sheegayaan in uu bilaabmay dagaalkii rasmiga ahaa ee qadiyada madaxbanaanida iyo Qaranimada dalka hooyo, dagaalkani wajiyo badan ayuu leeyahay sidaasi darteed, muwaadiniinta Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan Wadajirkooda iyo Midnimadooda.
Xukuumada
Somaliland
- Xukuumada Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in ay xoojiso difaaca Qaranka iyadoo qaadaysa talaabo kasta oo lagu dhisayo cududa, tayada, khibrada iyo saanad hubka ciidamada qalabka sida. Dhinaca kale waa in ardayda waxbarashada Jaamacadaha dalka dhamaystay la qoraa ciidamada Qaranka ee kala duwan waana in tababaro xirafadaha ciidanka ah loo diraa iyadoo lala kaashanayo dalalka adduunka ee la saaxiibka ah Somaliland iyo International Private Military Academies.
- E Xukuumadu waa in ay meelmarisaa qorshe mudada dheer ah oo la xidhaadha difaaca dalka hooyo, qorshahaasi waa in ay ka mid noqotaa kayd dhinaca noocyada kala duwan ee tamarta ah in la dhiteeyo, si loo isticmaalo haddiiba qaranku galo dagaalo barakaysan oo dabo dheeraada (Holy Wars) oo lagu daafacayo Qaranimada Dalka hooyo.
- E Xukuumadu waa in si degdeg ah u furtaa diiwaanka mutadawaciinta naftooda u huraya difaaca dalka hooyo.
Meelmarinta Hab
Nololeed ka duwan kan haatan aynu ku nool nahay
- Dagaalka haatan bilaabmay ee ilaalada Qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Somaliland, waxa uu inagu khasbayaa meelmarinta habnololeed ka duwan kan aynu haatan ku noolnahay, si loo xoojiyo wadajirka shacabka Somaliland waa in xukuumadu la timaadaa siyaasad cad oo maslaxad qaranimo ku dhisan oo dalku ka yeesho guud ahaan noocyada kala duwan ee warbaahinta.
Ganacsatada
Somaliland
- Ganacsatada Somaliland gudo iyo dibadba waa in ay kaalin mug leh ka qaataan dhaqaalaha faraha badan ee lagu difaacayo dalka hooyo dhinaca gaar ahaan dhismaha ciidamada iyo dagaalka dhinaca dublamaasiyada oo muhiimad aan la qiyaasi karin leh wakhtigan xaadirka ah iyo mustaqbalka.
Dagaalada Galgala
- Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si xoogan uga werwersan yihiin dagaalada ku dhexmaraya Maleeshiyaadka maamul goboleedka Puntland iyo Alshabaab buuraha loo yaqaano Galgala oo ku yaala xadka u dhexeeya Somaliland iyo Somalia, iyadoo ay aad u adag tahay in la kala garto labada dagaal yahan ee dirirtu ku dhexmarayso Buuraha Galgala maadaama oo labada dhinacba u wada hoydaan kana soo wada toosaan magaalo xeebeeda Boosaaso oo masaafo kooban u jirta goobta dirirtu ka socoto, Dagaalkan Galgala ayaa haatan noqday mid soo jiita dagaalyahan da’ yar ah oo tirobadan kuwaasi oo ka tirsan Kooxo diimeed xagjir ah, waxana noo muuqata in uu si fudud dagaalkaasi ugu soo fidi karo dhinaca magaalooyinka Somaliland una gudbi karo dalalka dariska gaar ahaan ismaamulka Somaliada Ethiopia oo markii horeba hubka koontarabaanka ahi uu jiidaasi u maro.
Xoojinta
Xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Xukuumada Federaalka Ethiopia
- Xukuumada Somaliland waxanu ku boorinaynaa in ay iskaashi buuxa oo dhinac kasta ah la samayso xukuumada Federaalka Ethiopia dhinaca sugida amaanka xuduudaha, ka hortaga argagaxisada, waana in Xukuumada Somaliland hadii loo baahdo taageero dhinaca ciidamda lugta ah waydiisataa xukuumada Federaalka Ethiopia si weeraro dhamaystiran loogu qaado buuraha Galgala oo hoy u ah hub tirobadan iyo amaandaro khatar ahi.
Suleiman Ismail
Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudidia Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORNWATCH)
No comments:
Post a Comment