Sunday, March 10, 2013

Digniinta Cullimada Ka Bixiyeen Maalinta Haweenka Adduunka.


Khaliif Raage

Maalinta Haweenka Adduunka maalmo la weyneeyo oo ka mid ah maalmalaha kalle Haweenweynaha caallamku sannad walba munnaasabado ku xussaan. Waxa kalle oo haweenka u soo raaca maalmo kalle oo ay weyneeyaan maalmahaas waxa ka mid ah: Maalinta ka Hortegga Gudniinka Fircooniga Gabdhaha 6 bisha Feebarwari sannad walba Maalinta Dheddiga Adduunka oo ku beegan bisha 11 Aktoobar walba. Maalinta Afka Hooyo oo maggac mamma laggu dhallay, taas oo dhulka Soomaalida sannad walba ka qabsoonta 20 bisha Feebarwari.

Taariikhda munnaasibada maalinta haweenka adduunweynaha ummaan soo diyaargaroobin in aan ku faahfaahiyo, waayo, waxa shallay qorraal dhaxalgal ah ugga hadlay qorraaga iyo suxufi sare: Cali Cabdi Coomay. Mr. Coomay waxa uu maqaalkiisa uggu wanqallay:- Taariikhda Dhabta Ah Ee Sideeda Maarij (08, March),

Culimadda waaweyn ee geyiga Soomaalida ku nool waxay ka diggeen maalmaha aan diinta Allaah iyo Rasuulkiisa (CSW) ku xusin ee waddamada gaallada lagga soo xawilay. Munnaasibada Maalinta Haweenka Adduun oo qaar ka tirsan dumar Soomaalidu xusto waxay assalkeedii hore ka soo jeeddaa New York dalka Marraykanka. Xuska haween waxay dalkaasi si aan rasmi aheyn ugga billaabantay 08, Maarij, 1857, kadib markii hawlwadeeno haween u badnaa Warshadda Farsamadda Dharka New York bannaanbax sameeyeen. Murruqmaalkii haweenku waxay ka dhiidhiyeen mushahar yari isku roggay mudaharaad rabshaddo wata oo ciiddamada booliiska iyo dumarkaas isku farosaareen waddooyinka halbowlaha u ah magaaladaasi.

Cabasho dumar Marraykan ahi sameeyeen waxay ku faaftay Qaaraddaha Waqooyiga Marraykanka illaa Yurrub, Aasiya, Afrika iyo Ustareeliya. Maqal iyo muuqaalka munnaasibada haweenka adduunka waxa ka soomaali ahaan inna soo gaadhsiiyey qallabka casriga ah ee warbaahinta reer galbeedka, sidda BBC, CNN, Reuters, VOA IWM. Maanta oo xuska laggu weyneenayo maalmahaas haweenka loo callaamadiyey waxay saameyn ku yeellatay dumar oo ay duufsatay.

Culimadda sebenkan nooli iyo kuwii hore waxay dhammaan lagga soo minguuriyey in xaaraan tahay islamarkaana gaar u tahay haweenka aan Diinta Islaamka aamminsaneyn. Marka lagga reebo dadka jaahilka ah kuwa garanaya inay xaaraan tahayna waxay culimaddu ku sheeggeen innay (Bidco) ku dhaceen.

Culimadda Islaamka waxay muslimiinta uggu baaqeen in maalmaha ka fayow xumaanta ee sannadka Hijradda ku jirra kolkooliyeen oo ay weyneeyaan. Maalmaha weyneenteeda la xuso waxa ka mid ah saddexda munaasabadood ee diinteenna Islaamku jiddeeysay oo kalla ah: Ciiddal Fidriga, Ciiddal Adxaha, iyo Maalmaha Jimcaha ee toddobaad walba ku jira.

Waddamada gaaladu saddexdaa munnaasabadood ee Islaamku innoo oggolyahay xus iska daayee, miyey nalla weyneeyaan (ciiddaan)? Hadday jawaabtu tahay MAYA. Maxaynu ka Soomaali ahaan munnaasabadahooda xaarraanta ah ugulla dabaaldegnaa? Maxaynu maalgelin faraha baddan uggu bixinayaa koolkoolinta xafladdaha laggu naax-naaxinayo maalintan oo kalle? Bulshadu waxay ka kooban tahay lab oo raga ah iyo dheddig oo dumarka ah, maxaa dumarka ka soocay bulshadda raggiina bulshada ku reebay? Haddaanay Gaaladu Dan kalle ka laheyn munnaasibadan, maxaa Maalinta Haweenka oo kaliya loo xusaa Maalintii Raggana looga teggey? Sow maaha timir laf baa ku jirta.

Hadh iyo habeen Culimadda Rabaaniyiintu waxay masaajid iyo madddal walba oo bulshaddu ku kullanto ka sheegaan in maalmahaas dabaaldegooda dumarka iyo ragga qaar lagga wacyigeliyo.

Warbaahinta waddamada reer galbeedka ee afsoomaaliga afduubay sidda laamaha afsoomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da maanta oo kalle waxay aheyd in ay dhabaha taariikhda maalinta haweenku xambaarsan tahay ka warramaan balse siyaasadooda gurracan warbaahintoodu ku fadhido ummay suurtogelin. Bulshaddii saaka iddaacadahaasi dhaggeystay waxay u ammaaneen xuska gabdhaha oo ay sheegeen in haweenka adduunweynuhu waxtar u leeyihiin.  Akhriste, tabaha taariikhdu sida ay muujinnayso maanta oo kalle waxay ku sheeggeen in dumar Marraykan ahaa oo jidhkooda laamiyadda ku gaddi jirray la dulmiyey, kaddibna xus lagu xussuusto loo saameeyey, ayey BBC-du & VOA-du qarinayaaan in ummadda dhacdadaas u soo gudbiyaan.

Bulshadda Soomaalidu waxay ka kooban tahay reer guuraa iyo beerallay 73% waa dad caamo ah (waxna qorin, waxna akhriyin), haddanna dumar baa uggu jaahilsan oo la tilmaamaa, saasoo ay tahay waxay dumarka Soomaaliyeed moodayaan in dabaaldeg kasta oo maalin ku suntanni sidda Maalinta Haweenka Adduunka iyagga lagga hiddo-raacay?.

Dumarka amma haweenka waxbartay waxay ogyihiin in maalintan magacooda laggu ladhay in aannay raad iyo assaltoona ku laheyn oo ay u gaar tahay Haweenka gaallada lagga minguuriyey. Haweenka aqoonta casriga ah xambaarsani, waxaad arkaysaa dumarka gaalada oo ay la dabbaaldegayaan. Dumarka waxbartay ee ku haddaaqaya maalintan oo kalle leh halloo dabaaldeggo iyo dhiggooda reer galbeedku waxa kumma kalla duwanna, waayo maxaa sacabka habeenkii loo tumaa haddaanay xeeladi ku jirin.

Dumarku innay dameer dhaan raacday noqdaan waa lagga wacan yahay balse waxa ka wannaagsan in ay noqdaan dumar diin iyo dhaqan Islaam raacday, waanna sababta iiggu kaliftay innaan guud ahaan dumarka Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee uu qorraalkaygu ku socdo ugga diggo hiirtaanyada maalintaas maddow ee Haweenka Adduunku innoo soo walwaallayso.

Culimadda Rabaaniyiintu waxay ka diggeen xuska iyo dabaaldegga haweenka dheddiga ahi, innay tahay gumeysi-maskaxeed oo ay waddamada gaalladu Muslimiinta u malleegayaan. Waxay kalle oo ay fahmeen in uddub-dhexaadka qoyska Islaamku uu yahay dumarka iyo carruurta Musliimiinta oo haggaagta, si taas looga horteggo waa in tiirarka Qoyska Islaamku ku taagan yahay karkaarka la waydaarsho. Waxay yaqyeelleen munnaasabado loogu dabaaddegayo, taageeranna loogu muujinayo haween ay sheegeen in xaqoodii cirka uu kagga laallan yahay, inna ragna uu ka duudsiyey.

Khaliif Raage
Hargeysa, Somaliland.
Amiirkhaliif@hotmail.com
447 35 32

No comments: