Qaybtii 3aad: Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka. Qoraaga Sare Boobe Yuusuf Ducaale
Qoraaga Sare Boobe Yuusuf Ducaale |
Beryahaa uu macallinkii Maxamed Siyaad Barre dalka ka
talinayay, sidaas ayaa loo yaqaannay Baarlamaan-ku-sheeggii dalka ka jiray.
Intii aynu la soo noqonnay madax-bannaanideenna ee aynu
samaynay Jamhuuriyadda Somaliland, naanaysaha u baxay Golaheenna Wakiillada
waxa ugu mudnaa ama ugu magac-dheeraa, sida aad ka wada dheregsan tihiin magaca
‘Dhaameel’. Waa intii aanay xukuumadda maanta dalka ka talisaa kursiga
ku fadhiisan.
Maanta, marka aynu dheehanno xaaladdan aloosan iyo
sowraca xeerarkan ay inagu sharciyaynayaan, iyo sida aanay u danaynayn
goldaloolooyinka maamulka ku jira, maxaa loo bixin lahaa ama loogu wan-qali
lahaa? Malahayga waxa ila fiican in aynu ku deysanno tuduc Hadraawi lahaa oo
odhanaya:
“Dib baa looga sheekayn,
Ka-daraa u-magac-bixin,”
Waxaan hordhacan gole-ka-fuulka ah ee kooban ku soo
khatimayaa, tuducyo aan ka soo qaadanayo maansadii Taariikhiga ahayd ee ‘Daba-taxan’
ee 5/1/1997kii Maxamed Xaashi Dhamac, Gaarriye, ka tiriyay Shirweynihii
Guurtida ee xilligaa ka socday Hargeysa, waxaanu yidhi maalintaas:
“Afartaa
dheh: ‘Deelleey,’
Dig siiyee
ku soo noqo,
Demmenaha
warkiisii,
Dadka waxa
ka soo dhacay,
Duruustii
la barayoo,
Daarihii
burburay shalay,
Waxa maanta
kaga daran,
Iimaan-darraantiyo,
Nabaad-guurka
Diintiyo,
Kaga dhacay
damiirkoo,
Dal waxaan
ku noolahay,
Saddexdii
dalaaqood,
Lagu furay
dadnimadii,
Dal waxaan
ku noolahay,
Runtu
arag-darraysoo,
Daaddihi la
yidhi been,
Hadday
dunida ceeb tahay,
Dus-duskiyo
khiyaamadu,
Noo
dabeecad weeyaan,
Nin
dillaala mooyee,
Degmadaan
ku noolahay,
Nin daryeel
yidhaahdaa,
Dulli buu
ka qoran yahay,
Hebel laga
ducaystiyo,
Mana laha
nin dooroo,
Dayaxii u
soo baxa,
Daammur baa
la mariyaa,
Mooralkaana
laga dilay,
Danabyadii
u kici laa,
Markii
geela loo diray,
Kii maqasha
daayacay,”
Maanta oo dhan ka geyoon meynno xigashada Gaarriye ee
waxyaabaha dalkeenna ka dhacaya ee aynu goob-joogga ka nahay ee aan weliba la
iskula yaabayn.
Waxaan is-lahayn, siday ugu soo xiiqeen ee ay ugu xoolo
beeleen si ay kursigan u fadhiistaan iyo dareen-la’aanta iyo dhugmo-la’aanta
maanta taagan. Beyd Hadraawi lahaa oo maansadii Gudgude ku jiray ayaa igu soo
noq-noqda oo ahaa:
“Gunti furay nin caashaqay haddii, guudka loo sudho e’”,
Waxay ahayd oo xeer iyo xaagaanba inoogu qoran in aynu
wax-qabadka iyo hawl-gallada Golaha Fulinta ee Madaxweynuhu hoggaamiyo uga
cabanno ugana dacwoonno Golayaasha Xeer-dejinta. Waa se sillan-sugan oo waa
sidii kale. Golihii Wakiillada ee aynu u dacwoon lahayn ee aynu Waaxda Fulinta
uga caban lahayn, ayaynu Madaxweynihii Waaxda Fulinta u madaxda ahaa uga
dacwoonaynaa. Wax walba madaxiisii minjo ayaynu u rognay. Meeday
dimuqraadiyaddii baarlamaaniga ahayd ee aynu ku naalloonaynay. Waa Wakiillo
dadweynaha ka wakiil ah oo la soo doortay oo ay tahay in ay ra’yiga dadweynaha
la shir-yimaaddaan Sidaas ayay Wakiillo ku noqonayaan, illeyn Golaha Wakiillada
soo wada fadhiisan meynno oo inama wada qaadayo e’. Iyaguna waxay isu qaateen in
la Boqray oo aynu addoomo u hoggaansan nahay. Xildhibaanku marka uu Golaha
Wakiillada dhex fadhiyo ayuun buu ina dheer yahay hadalka ama doodda uu ka
qayb-gelayo iyo farta uu taagayo. Ma haddii kalaa, waa qof caadiya oo magaciisa
loo raacinayo Xildhibaan ee wax kale yaanay isu qaadan. Miskiinnimadeenna ayay
arkeen. Fulin iyo Xeer-dejinba innaga ayaa dirannay. Waa in ay inoo
adeegaan oo aanay inoo qaadan in aynu innagu u adeegayno. Karaamada iyo
Haybaddaba innaga ayaa iska leh.
Gole Xeer-dejineed iyo Gole Fulineed oo isku jiq ah meel
ku gaadhi meynno. Laba isu nacamleeyana kob caano leh kaga soo durdurin meynno.
Mid waliba xilkiisa si nadiif ah ha u guto oo dadka iyo dalka ha u shaqeeyo ee
yaan laga shaqaysan oo aan loo heshiin ma-huraanka maanta la hagranayo, horena
loo hagraday, dibna loo hagran doono haddaan laga gurman.
Waxba yaan qalin-taraarin e’, aan meel gaaban oo aan
sidaa u sii fogayn ka soo kala fireeyo.
Mowduuceennii Hay’adda Nabadgelyada ku soo noqo:
Hay’addan Nabadgelyada ama Nabad-sugiddu wax adduunka ku
cusub ma aha. Dhanka kale marka aad iska taagto, adduunyadu waa ay ku kala
duwan tahay aragtida ay ka kala qabto Hay’adahan Nabadgelyada. Siyaabo badan
ayaa loogu kala duwanaan karaa ama la iskugu khilaafi karaaba.
Marka mowduucan Xafiiska Nabadgelyda laga murmayo waxa
laga kala dhaqaaqayaa aragtiyaha ay ku dhisan yihiin dawladaha kala duwani.
Midi iyadu shaki kuma jirto oo waa geed-ka-go’an: Talis milleteri ah oo qori
caaradii dal ama ummadba ku qabsaday, Hay’adda nabadgelyo ee uu dhistaa waa mid
cadaadin, cabbudhin iyo xasuuq dadweyne loogu talo-galay si aanay uga hor iman
nidaamkaa dalka ka talinaya.
Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre iyo kuwa la midka ah ee
xukuumadaha qoriga ku qabsada, la yaab ma laha in ay samaystaan Hay’ad
Nabad-sugideed oo dadweynaha u cabbudhisa una ciqaabta. Maxaa wacay? Nidaamyada
baadi-soocdaa lihi waxay marka horeba halkan soo dhigtaan in aanay xukunka ka
deign, haddii aanay weliba marka danbena dhaxaltooyo ka dhigin.
Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay: innagu nidaam
ahaan miyaynu sidaas oo kale noqon karynaa? Jawaabtu waa MAYA far
waaweyn ku qoran. Dalkan Dastuur ayaa lagu maamulaa, xilkuna waa meerto oo waa
muddeysan yahay. Kolka xaal caynkaas yahayna sabab la isu xuuraamo, la isu
dabo-galo, la isu dhega-dhegaayaa meesha ma taal. Dastuurkii ayaa
dammaanad qaadaya dimuqraadiyad si badheedh ah oo xalaal ah la isugu
dhalliilayo, la isugu ololeeyo si uu xilku meerto u noqdo oo aanay cidi ugu
dheggenaan. Laba jeer wax ka badan in aad xilka hayso Dastuurka ayaa
xaaraantimaynaya. Markaa maxaa looga baahan yahay in dadka guuxooda iyo dareemmadooda
laga tarjumo. Mise wax aynaan ogeyn ayaa jira, oo burkaba bahal kama
aynaan filan.
Nidaamyada keli-taliska ah waxa ka duwanaan kara sida caqliga fayoobi ina siinayo, Hay’adaha Nabadgelyada ee ay dhistaan xukuumadaha Barlamaaniga ah ee ku dhaqma nidaamka dimuqraadiga ah. Waxyaabaha kale ee lagu kala tegi karo waxa iyaguna ka mid ah:
Ujeeddooyinka gude iyo dibadba laga yeelan karo hay’adaha
noocan ah,
Baaxadda jiidaha ama aagagga laga hawl-gelayo,
Miisaaniyadda ama adeegyada la haysto si loo hawl-geliyo
hay’ad noocan oo kale ah,
(la soco qaybta
4aad …………………………………..)
No comments:
Post a Comment