Monday, January 7, 2013

Khilaafka Lahaanshaha Deegaan ee u Dhexeeyaha Beelaha Ciise & Gadabuursi waa Mid ka Qoto Dheer Natiijadii Doorashada Degmooyinka Saylac & Lughaya

Diridhaba - Hogaanka Dhaqanka Beelwaynta Ciise oo saluugsan natiijadii ka soo baxday doorashadii golayaasha deegaanka Gobolka Salal ee degmooyinka Lughaya iyo Saylac, ayaa go’aamo ka soo saaray shir ay maalmihii u dambeeyay uga socday Magaalada Diridhaba ee dalka Itoobiya.
Masjidul Qiblatay Saylac
Shirkan oo ay kaga tashanayeen go’aankii ay ka qaadan lahaayeen caddaalad daro ay ka tirsanayaan xukuumadda Somaliland iyo beesha ay dariska yihiin ee Samaroon oo qaadatay Maayarnimada Magaalada Saylac, ayaa soo saaray go’aano kama dambays ah oo ay ka qaateen natiijada ka soo baxday doorashada, waxayna sheegeen in doorashada Lughaya iyo Saylac ay yihiin xaaraan iyo wax aan doorasho lagu tilmaami Karin.

Shirkoodan Diridhaba, ayaa waxay ka soo saareen saddex qodob oo aad u adag, kuwaasi oo nuxurkoodu yahay In aanay aqbalayn natiijadii ka soo baxday doorashadii ka dhacday Lughaya iyo Saylac isla-markaana Maamul kasta oo labadaa degmo laga dhiso aanay aqblayn marnaba.

Sidoo kale, waxay soo saareen go’aan odhanaya in Beesha Ciise aqoonsan tahay xuduudaha beelaha Somaliland kala leeyihiin kuwii lixdankii iyo wixii ka horeeyay.

Go’aanka ugu dambeeya ee ay shirkoodan ka soo saareen ayaa waxay xukuumadda Somaliland ugu baaqeen inay inay faro-galiso muranka taagan degmooyinka Saylac iyo Lughaya, inta aanay halkaasi ka dhicin dhibaato amaan daro ama dhiig daadan.

Dhanka kale, Magaalada Saylac ayaa waxa si aad ah ugu qulqulaya dad badan oo beesha Ciise ah oo ka kala tagaya dhanka Itoobiya, Somaliland iyo Jabuuti, waxaana la filayaa in maalmaha fooda inagu soo haya uu Magaalada Saylac uga furmo shir ku saabsan murankan taagan.

Sidoo kale, waxa la filayaa in masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ay gaadhaan Saylac, si ay arintan xal ugu doonaan, iyadda oo dhanka kalena laga cabsi qabbo in labada beelood isku dhacaan.


Warar kale oo na soo gaadhaya ayaa sheegaya in deegaanada miyiga ee degmada Saylac ay isku urursanayaan ciidan beeleedo ka soo kala jeeda Beelaha Ciisaha iyo Samaroon/Gadabuursi.

Xogaha taariikheed ayaa iftiiminaya Khilaafkan ku salaysan lahaanshaha deegaanka xeebaha galbeedka Somaliland in uu yahay mid ka qoto dheer mid natiijooyinka ka soo baxay doorashadii golayaasha deegaanka Somaliland ee ka dhacday degmooyinka ku teedsan xeebaha galbeed ee Somaliland, waxana uu khilaafkani soo jiitamayay tan iyo markii ay xoriyada siiyeen Somaliland iyo Djibouti wadamadii gumaysan ee Ingiriiska iyo Faransiisku, iyadoo la rumaysan yahay beesha Ciisaha Somaliland in ay baneeyeen deegaano badan oo ay ku lahaayeen Somaliland kadib markii ay xoriyada qaadatay jamhuuriyada Jabuuti, iyadoo ay Beesha Samaroon ka faaiidaysanaysay hayaanka beesha Ciise ee dalka Jabuuti iyo  fursado ay ka heshay maamuladii siyaasadeed ee soo maray dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya iyo sidoo kale xukuumadihii soo maray Jamhuuriyada Somaliland. 

Beesha Samaroon oo xoogeedu 60% dago dalka Ethiopia halka 40% ka dago Somaliland ayaa deegaan ahaan isku balaadhisay dhulka miyiga ah iyo xeebaha waqooyi galbeed ee Somaliland ee ay banaysay Beesha Ciisuhu. 

Siyaasiyan rabitaanka Beesha Ciise ee ku aadan deegaanadii ay ka haajireen ee Somaliland ayaa dib waxa u cosboonaysiiyay kadib markii uu Madaxwaynaha Djibouti maalgalin xoogleh ku bixiyay Caleemo Saarkii ugu dambeeyay ee Ugaaska Ciise oo degmada Saylac lagu boqray taasi oo noqotay Munaasibadii Dhaqan ee ugu balaadhnayd ee abid ka dhacda Geeska Afrika. 

Isku soo duuduub oo haddii aanay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo xal siyaasi ah u helan khilaafka u dhexeeya Beelaha Somaliland ee Ciisaha iyo Samaroon/Gadabuursi ayaa la rumaysan yahay in ay labada beelood dhexmaraan dagaalo sokeeye oo dhaawaci kara nabadgalayada Somaliland iyo tan guud ahaan mandaqada, waxa kale oo ka faaiidaysan karaa dagaalo sokeeye oo dhex mara labadan beelood ay keeni karaan kor u kaca dambiyada isaga gudba xuduudaha ee abaabulan. Waxana ay fursad u noqon doontaa kooxa xagjirka ah oo ka faa'iidaysta qalalaasaha iyo amaan darada.

No comments: