Monday, January 28, 2013

HORN-WATCH: MAANSO BAROORDIIQ AH: MARXUUN JAMA MOHAMOUD HAYD -...

Abwaan ka wayn Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan-Ganey) ayaa Maanso Baroor-diiq ah u mariyay geeridii Naxdinta lahayd ee Marxuun Jaamac Maxamuud Xayd ku timid, Abwaanku Maansada wuxuu ugu magac daray CAWIL, waxanu ku hal qabsanayaa Ganacsadaha Caanka ah Axmed Aw Cismaan (Ina Geele Arab) oo Saaxiib dhaw la ahaa Marxuunka. Maansada oo dhamaystiran hoos ka akhri:


Cabdiyoow warkaagii
Cawayskii i-siisaa
Caqligayga rogayoo,
habeenkoo caraaboo
Intii badani carartoo,
cabaar yari ka hadhaybaan,
caskii waaga ka hortow
Bahalaha ciyaayiyo
Ciidan gaadha mooyee
Caam-ahaan dadku hurdaan
Cidiyaha fadhmooyee
Cashadii la dhigay-iyo
Anoon caanihii dayn
Caloolyow la kacayoo
Waanse camal wareeraye
Cartankiyo galgalashada
Gogashaan camaaluqay
Ku car-gaagtankeedii
Naxdin Caynka furatiyo
Warwarka I cileeyaa
Hilbahayga cunayoo
Cimrigayga qaar baa
Ka baxaayay cagahoo
Naftuun baan cadibayee
Caday Gees kamaan jabin
Cishaday ka idishee
Calafkeedu  joogsado
cid kastoo aad jeceshahay
wadka lagama celin karo
Axmed ina-cismaanow
Cududaan ku dhaatiyo
Intiina caawa nooleey
Cimrigiin ha raagee
Siqigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Nin cibaado badanoo
Rabi caabuduu ahaa
Nin cadaalad taliyoo
Caadaystaybuu ahaa
Carab dalab le’e iyo been
Nin ka caagan-buu ahaa
Runta wiil cadeeyo
Ka cabsoonin-buu ahaa
Nimaan curuf xumaynoo
Camal suuban-buu ahaa
Marka ay nin celis tahay
Nin cad-goosta-buu ahaa
Cilmigii dhaqaalaha
Weelka u culaayee
Curinaayey-buu ahaa
Xilkuu qaranku u calmaday
Hanad caabiyuu ahaa
Cuqaasha iyo waxgaradkana
Nin ciseeya-buu ahaa
Caydhiyo agoontiyo
Maatida cadilan-iyo
Caamiyaha indhahaliyo
Inta cudur la jiiftiyo
Intii caafimaad qaba
Culima iyo caamaba’a
Sikhi caawiyuu ahaa
Ceelkii danyarihiyo
Mahwi laga cabuu ahaa
Intaas oo caqiibo ah
Jaamacii ku caan baxay
Casiiskii lahaa qaad
Qadarkaana caaynka ah
Ma cidbaa wax lalahayd
Calwisoow waxba ha tarin
Ma calaacalbaa jira
Axmed ina-cismaanow
Gurigii cusbaayee
Camirnaa dhamaane
Bada cidhifka kaga yiil
Caawana madawga ah
Dadkaa geeri culusiyo
Masiibadu ku ciirtee
Cunadii ka soomee
Kolaytahay candhuuftii
Cunahooda wax u marin
Intay cadhadu haysiyo
Cadaawaha farxaayee
Ku cawaysanaayee
Caleemaha lulaayee
Ciyaaraana way dhiman
Waase xaajoo curatoo
Dadka caado u ahayn
Waase camalka shaydaan
Cajabtaana la hayaa
Mid cishooyin joogtiyo
Ceeyoon mid hooyataba
Cabdo-waliba way socon
Marbaa cawda loo goyn
Kaga ciilaw-taa
Axmed ina-cismaanow
Markay taladu calowdee
Gasho meel cidhiidhiya
Cida aan ku baqaniyo
Ciirsigaynu leenahay
Cadiimkeena weeyee
Cuskadoo ilaahay
Casiis aan u barinee
Inta aan calmanayaay
Calacalaha ila dhiga
Cishadii arbacadee
Maskidkii cirooliyo
Caruurtiyo haweenkiyo
Casriga iyo barbaarta ah
Cilmi daalibka ahiyo
Culimadu ka buuxdee
Casarkii istaagow
Calaacalaha ila dhiga
Inta gabayga curisiyo
Bahda caafimaadkiyo
Inta Wali carceertee
Karaamada ku caaniyo
Dhamaan caabudiintaay
Malaa’igta culusee
Danbi lagu cadaabiyo
Aan ceeb samayneey
Calaacalaha ila dhiga
Codka waxa ugu baridaan
Sikhigii caraabee
Jimcii ciida hoos maray
Allow iil cidhiidh-yiyo
Ciqaab iyo dhib mudatiyo
Cadaabaha ka nabad gali
Allow ciida hoosana
Waasici calooshoo
Coloodhada u weynee
Allow nuur cadaaniyo
Cadar iyo udgooniyo
Ku casuun fardawsoo
Caf adoonkii naga tagay
Codka waxa ugu baridaan
Shukri iyo caruurtiyo
Intii Ay calaashiyo
La wadaagtay caanee
Maxamuud cadkiisiyo
Curuqdiisa laga jaray
Cayliyada hoosiyo
Cashiiryo tol iyo xiddid
Caam ahaan dadweynaha
Gaar ahaan colkeeniyo
Cutubkuu ka mid ahaa
Cawil khayrle Eebow
Noogu celi halkiisii
Codka waxa ugu baridaan
Cindalaahi kaligaa
Cabashada ku maqanee
Carshigaaga taaliyo
Codsiga iyo waraaqaha
Boostaada ka camiran
Cadiimow hanagu qadin
Baryadana ha soo celin
Qalin caaro khayr badan
Ku saxeex casiisow

1 comment:

Anonymous said...

kohls coupon code 30 off kohls coupon in store printable () kohls coupon code stackable coupon for kohls in store kohls
coupon 2018 [] Kohls Coupon 30 percent Off