Wednesday, January 30, 2013

Dibadbax balaadhan oo Dadwaynaha Magaalada Berbera ku muujinayeen siday uga Soo horjeedaan go'aanka Ingiriiska iyo aqoonsiga Muqdisho ee Maraykanka


Berbera - Magaalo xeebeeda Berbera oo ah marin muhiim u ah dhaqdhaqaaqyada ganacsiga wadamada Geeska Afrika ayaa waxa maanta ka dhacay mudaharaad aad u balaadhan oo dadwaynaha ku dhaqan magaaladaasi yar iyo waynba ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Aqoonsiga Maraykanku Siiyay maamulka Muqdisho iyo go'aankii ka soo baxay dalka Ingiriiska oo muwaadiniinteeda ku amray inay isaga soo baxaan Somaliland.


Banaanbaxan oo lagu qabtay fagaaraha 26ka June ee magaalada Berbera ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal shacab ah waxaana halkaasi hadalo kasoo jeediyey siyaasiyiin, saraakiil iyo odayaal kuwaasi oo dhamaantood cambaareeyey go’aanka kasoo baxay Dowlada Ingiriiska

Banaanbaxan oo ah midka kaliya ee ka dhacay Somaliland tan iyo intii soo shaac baxday go’aanka dowlada Ingiriiska, qaar kamid ah odayaasha mudaharaadka ka khudbeeyey ayaa sheegay inay ka filayeen dowlada Ingiriiska inay noqon lahayd midii difaaci lahayd Somaliland, balse ay qaadatay go’aan khaldan.

“…Waad aragtaan Dowlada Faransiiska inay difaaceyso wadanka Mali, waxaanu filaynay in Ingiriiska uu sidaas oo kale Somaliland u difaaco…”ayuu yiri mid kamid ah odayaasha gobalka Saaxil oo goobtaasi ka hadlay.

Qaar kamid ah maamulka degmada iyo saraakiisha goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in Soomaliland ay nabad tahay isla markaana aysan qaadan doonin wax amnigooda u dhimaya.

Dhinaca kale Taliyaha laanta Socdaalka ee Somaliland oo maanta shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay inuusan jirin wax isbedal ah oo ku yimid dhanka socdaalka dadka ajaanibta ah, isagoo sheegay in xafiiskiisa uu hada gacanta ku hayo dalabaad fiisooyin ay soo dalbadeen dad reer Galbeed ah, wuxuu sidoo kale taliyahan beeniyey warar sheegaya in ajaanib badan isaga baxeen Somaliland kadib baaqii kasoo baxay dowlada Ingiriiska.

No comments: