Monday, January 28, 2013

Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Somaliland Ku Sugan u Gacan Haadisay, Ugana Digtay Afduub Iyo Falal Argagixisonimo


London – Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa digniin ay shalay soo saartay muwaadiniinteeda Somaliland ku sugan ugu baaqady inay sida ugu dhakhaha badan uga baxaan Somaliland.

Fariintan oo ka soo baxday Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska, ayaa lagu sheegay inay jirto cabsi laga qabbo in la bartlmaameedsado muwaadiniinta reer galbeedka, gaar ahaan kuwo Ingiriiska ee Somaliland ku sugan.

Qoraal warbaahinta caalamiga ah lagu baahiyey in sababta dadka ingiriiska ah loogaga digayo joogitaanka Somaliland inay tahay in looga baqayo afduub iyo dambiyo argagixisonimo oo loo gaysto.

Qoraalkan oo ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa lagu yidhi  sidan  “Waxaanu ugu baaqaynaa Muwaadiniinta Ingiriiska ee Somaliland ku sugan inay sida ugu dhakhsaha badan uga baxaan Somaliland cabsi laga qabo in lagu bartilmaameedsado reer galbeedka darteed, gaar ahaan Muwaadiniinta Ingiirska”

Inkasta oo aan qoraalkaasi lagu faahfaahin ujeedada muwaadiniinta digniintan iyo yeedhmada la isugu raaciyey, haddana qoraalka ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabbo afduub iyo dambiyo argagixisonimo “Afduub iyo dambiyo argagixisonimo”ayay tidhi Wasaarada arimaha dibada Ingiriiisku oo intaasi ku dartay “Waxaanu ku wargalinaynaa khatar soo ku soo fool leh reer galbeedka, waxaanu ugu baaqayna muwaadin kasta oo ay gaadhay digniintani inay si dhakhso uga soo laabtaan Somaliland”

Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska ayaa digniintan ay soo saartay waxay ku soo beegmaysaa xili todobaadyo ka hor ciidamada Kamaadowsta Faransiisku hawlgal ka fuliyeen dalka Somaliya, kaasi oo ay ku soo furanayeen basaas Faransiis ah, halka sidoo kale ciidamada Faransiisku hawlgalo ka wadaan dalka Maali, taasi oo la filayo inay kor u qaaday necaybka kooxaha argagixisada ee wadamada reer galbeedka oo muwaadiniinta Ingiriisku ka mid yihiin ka joogaan Somaliland.

Qoraalka Wasaarada arimaha dibada Ingiriiska, ayaa sidoo kale lagu sheegay in digniintani daba socoto  digniin hore muwaadiniinta looga digay inay tagaan dalka Somaliya oo Somaliland-na ku jirto.
Dhanka kale, tallaabada dawladda Ingiriisku qaaday ayaa cawaaqibkeeda ku leh Somaliland iyo amaankeeda adduunku ku kalsoonaa.

Short URL: http://waaheen.com/?p=58272

No comments: