Monday, December 31, 2012

War Deg Deg ah Ciyaariyahankii Reer Somaliland Ee Mo Farah Ee Ku Guuleystay Oradka 10 Kun oo Dowlada Maraykanka Gacanta Ku Dhigtay

Orodyahanka haysta horyaalka orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee dunida ee asalkiisu ka soo jeedo Somaliland , hase yeeshee haysta dhalashada Britain ugana qayb gala tartamada magaca British-ka Mo Farah, ayaa loo qabtey tuhun waxaa loogu yeero argagixisada, xili uu doonayey in uu galo wadanka Mareykanka.

Mo Farah
Wargeyska The Sun ee ka soo baxa magaalada London ayaa faafiyey wareysi uu la yeeshay orodyahanka 
Mo Farah kaasi oo uu ku xaqiijiyey in mudo saacado ah lagu haystey garoonka diyaaradaha magaalada Portland ee gobolka Oregon ee wadanka Mareykanka, isagoo xiligaasi ay la socdeen qoyskiisa, waxaana uu sheegay in ujeedada loo xiray ama su’aalaha loo waydiiyey aanay aheyn shaki isaga shakhsiyan laga qabey, balse markii uu Baasaboorkiisa uu dhiibay waaxda hubinta document-yada ay ku arkeen in uu ku dhashay Soomaaliya, sidaasina loogu sheegay in su’aalo loo baahan yahay in la waydiiyo, iyagoo u sheegay in ay ka qabaan shaki ku aadan argagixisnimo.

Mo Farah wuxuu u sheegay saraakiishii su’aalaha waydiinaysay ee uga shakisay argagixisnimada in hadii ay isaga shaki ka qabaan in uu yahay Mo Farah ay eegaan cadeymaha uu haysto sida isagoo tusay labadii biladood ee dahabka ahaa ee uu ku helay orodka 10-ka kun iyo shanta kun ee uu ku guuleystey xiligii ay socdeen ciyaarihii Olympic-da, balse wuxuu sheegay in arintaasi laga diiday oo lagu sameeyey baaritaan dheer, loona sheegay in mudo la haynayo.

“Ma Rumeysan karin in dhalashada aan ku dhashay Soomaaliya in la ii xiro ama tuhun la iga qaado, mar kasta oo aan imaado wadanka Mareykanka, laakiin markan waxaan watey cadeymihii biladihii aan ku guuleystey inkasoo aanay qaadan ama rumaysan{Kooxaha baarayaasha}” ayuu yiri Mo Farah oo 29 sano jir ah.

Mo Farah wuxuu sheegay in xiligii uu loo qabtey shakiga argagaxisnimada in uu ka yimid magaalada Toronto ee wadanka Canada, isagoo xusey in uu doonayey in uu ka qaato wadanka Mareykanka deganaansho ay u diyaarisay shirkada Nike oo uu kula jiro heshiis, uuna ku tababarto xarunteeda, isagoo degan Portland.
Mo Farah wuxuu tibaaxay in markii mudo ay su’aalo waydiinayeen uu la xiriiray tababarihiisa Alberto Salazar isagoo u sheegay in loo haysto shaki la xiriira argagxisnimo maadama ay ugu qoran tahay baasaboorka in uu ku dhashay Soomaaliya, waxaana taasi keentey in Alberto uu la xiriiro hay’ada dambi baarista ee FBI-da oo uu ku leeyahay qof saaxiib ah, isagoo u sheegay in qofka la haysto uu yahay Mo Farah oo aanay jirin tuhunka laga qabo.

“Nasiib wanaag Alberto wuxuu la xiriiray qofkaasi uu yaqiin ee FBI-da ka shaqeeya, kaasi oo aniga xitaa ah ii taageere aad u weyn, wuxuuna ogaa waxa aan ahay, iyadoo arintaasi sidaasi lagu xaliyey isla markaana naloo ogolaadey in aan gali karno gudaha wadanka Mareykanka” ayuu yiri Mo Farah.

Mo Farah oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Maxamed Mukhtaar Faarax wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, hase yeeshee isagoo 8 sano jir ah ayuu la midowbay Aabihiis oo uga soo horeeyey wadanka Ingiriiska oo haystey dhalashada British-ka, isagoo qaatey dhalashadii Aabihiis haystey.

No comments: