Search This Blog

Saturday, December 29, 2012

Maxaabiista Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Oo La Barayo Xirfado Lagu Dhaqan-celinayo




Taliska guud ee Ciidamada Asluubta Somaliland, ayaa markii u horreysay hirgeliyey qorshe Xirfado kala duwan lagu barayo boqolaaal ka mid ah Maxaabiista kujirta Jeelka dhexe ee Magaalada Hargeysa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Maxaabisti Budh-cad badeeda ee dibadda lagaga soo waariday dalka.
Xabsiga Dhexe ee Hargeisa

Taliyaha Ciidamada Asluubta Axmed Xuseen Faarax iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Hargeysa Cumar Siciid oo shalay warbaahinta ugu waramayay Gudaha Xabsiga Casimadda, ayaa war bixiyey qorshaha xirfadaha kala duwan loogu sameeyey maxaabiista ay gacanta ku hayaan.

Taliyaha Xabsiga Dhexe Cumar Siciid oo ugu horayn halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada xirfadaha loo abuuray maxaabiita. “waxaanu ku talo-galay in Dadkan (Maxaabiista) dhaqan celin loo sameeyo oo inta Nolosha toosan ka leexatay  loo soo leexiyo waddada toosan ayaanu arrintan ugu talo galnay. Maxaabiistan halkan ka shaqaynaysa waxay is-kugu jiraan Maxaabiistii Kiiska madaniga ah ee sameeyay gacan dhaafka, sida tuugta iyo waxyabahaas oo kale iyo Budh-cad Badeeddii  laga keenay dalka Sishiles, kuwaas oo wax la barayo oo ay jeelka uga baxaan sidii ay noloshooda ugu dabari lahaayeen,”ayuu yidhi Taliyaha Xabsiga dhexe ee Hargeysa Cumar Siciid

Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Maxamed Xuseen Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi, “Waxa weeye in Maxbuusku baxo isaga oo aqoon leh ama ha barto baadhista ama sida loo sameeyo Jaajuurka ama Nijaarnimada ama dhisida guryaha

Mid ka mid ah Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee Jeelka weyn ee Magaalada Hargeysa ku jirta, ayaa ka warbixiyey xaaladooda nololeed, waxaanu yidhi, “Waxaan salaamayaa dadkaygii oo dhan. Waxaan ahay maxbuus ku xidhan Somaliland, kuna eedaysan Budh-cad badeed, macaan ayaa igu dhacay dabadeed qoladayadii waxa naloo sameeyay shaqo. Wax dhibaato ah oo nalagu hayaa majirto oo waxaanu ka mid nahay Maxaabiista jeelka ku jirta ee dalka u dhalatay oo kale. Wax wacan ayaa lana baray oo waxaanu hadda baranay xirfad.  Markaa waxaanu doonaynaa markaanu baxno inaanu ku shaqaysano xirfada nalabaray,”sidaas ayuu yidhi maxbuuskan ku xidhan falalka budhcad-badeednimo oo dawladda Sychelles ku soo wareejisay Somaliland ka dib markii lagu xukumay dalkaas

Maxbuus kale oo ku xidhan xabsiga Dhexe ee Hargeysa, una xidhan falal budhcad-badeednimo, ayaa farriin u diray Qoyskiisa, isaga oo sidoo kale ka warramay xaaladdiisa nololeed, “Waxaan salaamayaa Eheladayda iyo qaraabadaydii. waxaanu ku xidhan nahay  Jeelka Hargeysa, Noloshayadu aad ayay u wannaagsan tahay, waxaana layga soo beddelay Xabsi kuyaala Sishilis, xaaladaydu way wacan tahay oo waan shaqeynayaa, wixii danbi ah ee nalagu soo xidhay maanta waxaanu ku beddelanay hawlo aad iyo aad u wacan oo waxaanu gacanta ku haynaa xirfad aan rajeynayo inaan mustaqbalka ku shaqaysan doono,” ayuu yidhi Maxbuuskani


http://ogaalnews.net/?p=18768

No comments: