1.
Muusoow
habeenadan
2.
Hawraartii
maansada
3.
Baal
maray hoggeedii
4.
Gees
dhigay hubkeedii
5.
Balse
hooto maan noqon
6.
Mana
dhiman hankaygii
7.
Mana
dhimin hadhuubkii
8.
Run
u hiilintaydii
9.
Weli
waa halkeedii
10.
Habrashana
warkeed daa.
11.
Heemaalka
jiiftada
12.
Qaar
iga horreeyoo
13.
Hibo
lagu mannaystaa
14.
Heemiyey
duxdeedoo
15.
Waa
huubaheedii
16.
Waxan
heelka soo dhigay.
17.
Marka
Xumo la huursado
18.
Samuhuna
habeensado
19.
Garashada
hog loo qodo
20.
Hinqashada
dharaaruhu
21.
Saban-aakhir
heegmaan
22.
Wuxu
yidhi hanuun-same
23.
Nebigii
habboonaa
24.
Himilada
dad leeyahay
25.
Duul
baa u soo hadha
26.
Hawadoodu
beeniyo
27.
Damaciyo
hunguri tahay.
28.
Hilinkay
ku seegaan
29.
Harawsiga
is-moodsiis
30.
Dadna
way halleeyaan.
31.
Dad
ma kala hambaystaha
32.
Danta
uma hagoogtaha
33.
Maatada
habaaskiyo
34.
Halasuhu
ku yuururo
35.
Iyagoo
habeen qada
36.
Codka
ii hibeeyiyo
37.
La
dhex tegay hinaasuhu
38.
Ma
hoggaamiyuu noqon.
39.
Hadda
heeryadii cune
40.
Hafar
baad ku nooshee
41.
Hiilkiyo
kalsoonida
42.
Hanashadu
ka xeel dheer.
43.
Summadaha
hoggaamiye
44.
Lagu
hayb-yaqaanaa
45.
Waa
hayal samaantiyo
46.
Kibir
laga hayaamiyo
47.
Huwashada
xaqiiqdiyo
48.
Habka
dhaqan addoonimo
49.
Hogashada
ilaah-garad
50.
Dadka
kiisa hodanka ah
51.
Iyo
hebelka caydha ah
52.
Ama
kiisa hanadka ah
53.
Iyo
sooma-hoydaha
54.
Hedda
uuni sudhan tahay
55.
Waa
hadhac ay eegtaan
56.
Ku
darsoo hadhkiisana
57.
Hormo
gaara baan degin.
58.
Huga
suudh nin qaatiyo
59.
Inta
shaalka haysuun
60.
Hadda
hadalka kama guro.
61.
Inta
haylo duugiyo
62.
Calal
hoolmay sidatiyo
63.
Danyaraha
hal soo biday
64.
Hadda
heegan kuma diro
65.
Ka
hiroo u diidoo
66.
Kadinkiisa
ku hadida.
67.
Kaba-qaadku
heestiyo
68.
Haaheeyda
kuma sabo
69.
Dadka
oo harraad qaba
70.
Sicir-bararna
heemiyey
71.
Guul-wade
habaabshaa
72.
Hoostiisa
kama tumo
73.
Heelada
barwaaqda.
74.
Heer
baa la gaadhaa
75.
Hayb-haybta
reerkiyo
76.
Hindisaha
qabiilkaba
77.
Hanku
kaaga dhaartoo
78.
Himilada
dan guudiyo
79.
Dadka
horumarkiisiyo
80.
Hilin
toosan raaciyo
81.
Ifku
waa habeenee
82.
Hal-hays
fiican reebuun
83.
Halgankuba
u kaa yahay.
84.
Heer
baa la gaadhaa
85.
La
dagaha habaabiyo
86.
Dulmanaha
la heeriyo
87.
Deganaha
hungoobiyo
88.
Qatanaha
hanqaarmiyo
89.
Hooyada
danleydi
90.
Hiil
kaa filaanooy
91.
Kugu
hoodo sheegtaan.
92.
Heer
baa la gaadhaa
93.
Dadku
yahay hubkaagii
94.
Marna
yahay hugaagii
95.
Hantidiyo
naftaadii
96.
Noloshiyo
halbeegii
97.
Hogoshiyo
daruurtii
98.
Hadhaciyo
ugbaadkii
99.
Humaag
baadi-soocdii
100.
Hawo
aan la,aanteed
101.
Habeen
aanad barideen..
102.
Heer
baaa la gaadhaa
103.
Dadku
aan la haystiyo
104.
Kii
haystay kala noqon
105.
Heer
baa la gaadhaa
106.
Hadalkaad
tidhaahdiyo
107.
Weedhaada
haadiyo
108.
Shimbiruhu
higgaadshaan.
109.
Heer
baa la gaadhaa
110.
Hurintaad
la nooshahay
111.
Kugu
soo hirtaanoo
112.
Ku
hareer istaagaan.
113.
Heer
baa la gaadhaa
114.
Haybadiyo
karaamada
115.
Rabbi
kugu hagoogoo
116.
Adigoon
ku hawshoon
117.
Una
hoorsan baabaco
118.
Dadku
kugu hadaaqaan.
119.
Heer
baa la gaadhaa
120.
Hodanimo
adduunyiyo
121.
Hatigaada
maalmuhu
122.
Lurba
aanay kugu hayn.
123.
Heer
baa la gaadhaa
124.
Horalliyo
xilkaa gudo
125.
Kaa
yahay huraalkaa.
126.
Heer
baa la gaadhaa
127.
Adigiyo
hubsiimadu
128.
Isku
hooyo noqotaan.
129.
Heer
baa la gaadhaa
130.
Hoos
ruuxa kuu dhiga
131.
Hawo
tiisu noqotoo
132.
Hammigiisu
kala kaco.
133.
Heer
baa la gaadhaa
134.
Waayeel
habsoobiyo
135.
Wiil
haadka laacaa
136.
Tusmadiyo
hayaankiyo
137.
Taladiyo
hoggaankaba
No comments:
Post a Comment