Saturday, November 17, 2012

Warbixin: XUKUUMADA SOMALILAND OO KA DHIGTAY SOMALILAND DALKA AANAY KA DHICI KARIN DOORASHO XOR AH OO XALAAL AHI



Office Telephone: 252 2 4429552. Email: hornwatch@yahoo.com

HORNWATCH Index:   S/land 120/1/12

Ku:       H. E. Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’
Madaxwaynaha JSL
            Xarunta Madaxtooyada Somaliland
            Hargeisa, Somaliland

Ku:       Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland
            Xarunta Komishanka Doorashooyinka
            Hargeisa, Somaliland

Ku:       Gudida Ilaalinta Anshaxa iyo Habsami u Socodka Doorashada
            Xarunta Gudida
            Hargeisa, Somaliland

Og:      Xisbiyada iyo Ururada Siyaasada Somaliland

Og:      Qaadhaan bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland

Og:      British, US, Denmark, Norway, Holland Embassies & EU, AU, IGAD regional offices in Ethiopia, Kenya

Og:      Human Rights Watch, Amnesty International, East & Horn of African Human Rights Defenders Network in Kampala, Uganda

Og:      National Endowment of Democracy, DANIDA, UN Somalia/Somaliland Political Office,  UN Independent Monitoring Committee on Somalia and Eritrea embargo
 
Og:      Warbaahinta Gudo iyo Dibad

Public Statement                                                                                                                                             Released Today: 16 Nov. 2012


UJEEDO:          XUKUUMADA SOMALILAND OO KA DHIGTAY SOMALILAND DALKA AANAY KA DHICI KARIN DOORASHO XOR AH OO XALAAL AHI

Iyadoo ay haatan ka hadhsan tahay in ka yar 2 wiig maalinta ay dalka Somaliland ka dhacayso doorashadii sanadaha faraha badan mudo dhaaftay ee golayaasha deegaanku, ayaa marka loo dhabogalo aanay wakhtigan xaadirka ah Somaliland ka jirin shuruudahii aasaaska u ahaa in ay dalka doorasho xor ah oo xalaal ahi ka dhacdo.

Xog ururu si taxadar badan ay u sameeyeen Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch ayaa daaha ka rogaysa habdhaqan ka baxsan nidaamka dimuquraadiga oo ay ku dhaqmayso xukuumada Madaxwayne Siilaanyo, xilgudashada xubnaha Komishanka Doorashooyinka qaranka oo madmadow farobadani ku gadaaman yahay, xadgudubyada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee hay’adaha sharcifulinta Somaliland ay sida joogtada ah ugu hayaan shacbiga dalka, maamulxumo iyo musuqmaasuq ka soo burqanaya xafiiska madaxwayne Siilaanyo, iyadoo haatan dadwaynuhu arkayaan hantidii umada oo madaxwaynuhu ku naasnuujinayo xubno ka tirsan qoyskiisa, dhaqaalihii dalkana ay xukuumadu gacanta u galisay maalqabeeno ka soo jeeda gobolada uu ka soo jeedo Madaxwaynahu. Duruufahan haatan ka jira Somaliland ee aanay doorasho xor ah oo xalaal ahi u dhici karin waxa kamid ah:

Xeerka Sirdoonka Qaranka oo ay ka Dhalanayaan Dunuub Caalami ah iyo qaar heer dal ahi:

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka ahi waxay sida fiinta uga qaylinayaan xeerka Sirdoonka Qaranka oo qodobo ku jiraa ay dhabarjabinayaan xoriyada cabiraada iyo ra’yi dhiibashada iyo xoriyaadka aasaasiga ee dastuurka Somaliland damaano qaaday, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamaha (UDHR). Sidaasi darteed waxay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland codkooda ku xoojinayaan dhawaaqyada iyo codsiyada ay Suxufiyiinta Somaliland u gudbinayaan Madaxwaynaha dalka. Xeerkan oo hay’adaha sharci dajinta Somaliland ay dhawaan meelmariyeen ayaa gabi ahaanba saaxada ka saaraya xoriyada saxaafada xorta ah iyo xaqa ra’yi dhiibashada iyo cabiraada oo ay Somaliland ku soo naaloonaysay 20kii  sanadood ee ugu dambeeyay.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay uga digayaan Madaxwaynaha dalka Mud. Axmed Maxamed Maxamuud in uu dhaqan galiyo xeerkan Sirdoonka Qaranka oo  ay ka dhalanayso dhaqangalkiisa tacadiyo xuquuqda aadamaha iyo xoriyadaha aasaasigu, Maadaama Mudane Madaxwayne aad tahay Madaxwayne ay si xor ah oo dimuquraadi ah shacabkiisu u soo doorteen, waxa ay Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland kaa codsanaynaa in aanad dhaqan galin xeerkan, taasi bedelkeedana in aad ka saarto qodobada xakamaynaya xoriyada ra’yi dhiibashada iyo saxaafada kadibna dib ugu celiso Golayaasha sharci-dajinta.

Gafafka Xukuumadu ku Hayso Ururada Siyaasada ee Mucaaridka ah: 

Weeraro xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku kala furfurayso musharaxiinta ka sharaxan ururada mucaaridka ah iyadoo ku qalqaalinaysa in ay iska casilaan musharxnimada, weerarada noocan ah ayaa si wayn dibada ugu soo baxay wiigii labaad iyo kii seddexaad ee ololaha doorashada, isagoo gaadhay heer musharaxiinta mucaaridka la horkeeno Madaxwaynaha Qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ si uu musharaxiintaasi ugu qanciyo in ay ka tanaasulaan tartanka, waxa aanay xataa talaabooyinka noocan ahi saameeyeen oo xilalkoodii iska cusilay madax sarsare oo ka tirsanaa ururada siyaasada ee mucaaridka ah qaarkood.

Iyadoo xeerka doorashooyinka Dawladaha Hoose ee Somaliland dhigayo “in aan la xidhi karin Musharaxiinta u tartamaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Somaliland oo ay leeyihiin dhawrsanaanta la mid ah ta ay haystaan Xildhibaanada la doortay, haddii aanay danbi xukunkiisu ka badan yahay sadex sano aanay gacanta kula jirin”. Af-hayeenka Komishanka Doorashooyinka Qaranka Mud. Maxamed Xirsi Geelle ayaa maanta ka markhaati kacay in Xukuumadda Somaliland tacadiyo iyo xadhig kula kacday musharixiin ka tirsan ururada Siyaasadda ee Tartamaya. Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen qaar ka mid ah musharxiinta ururka UMADDA oo ay xukuumadu la la bartilmaameedsatay xadhiga iyo tacadiyada kale waxa ka mid ah: 

1. C/risaaq Faarax Xuseen   114 Burco, 2.Maxamed Jaamac Dubad  105  Hargeysa, 3.C/raxmaan Mire Gurxan   106 Caynaba, 4.Maxamed Ciise Ducaale  109 Burco, 5. Maxamed Yuusuf Cabdille Balay-gubadle, 6.Jaamac Maxamed Cabdi Guddoomiyaha Caynaba ee Umadda.

Waxa la yaab leh iyadoo Boolisku musharaxinta bartilmaameedsadaan oo xabsiga u taxaabaan, maalamaha ururadoodu uu leeyihiin Ololaha Doorashada, si aanay taageeryaashooda la hadlin. Sidoo kale waxay xukuumada Somaliland qaaday falal ay ku kala furfurayso musharaxiinta Xisbiga New UCID, iyadoo siinaysa lacag aad u tiro badan uguna balanqaadaysa shaqooyin ayay xukuumadu ku qalqaalisay musharaxiin tiro badan oo ka tirsan Xisbiga NEW UCID in ay ka hadhaan tartarka musharaxnimada.

Sanadkan sii dhamaanaya ee 2012 ayaa noqday sanadkii ugu xumaa dhinaca xuquuqda aadamaha ee soo mara Somaliland tan iyo markii lagu dhawaaqay la soo noqoshada madaxbanaanideeda 1991, sababtoo ah sanadkan waxa dalka ka dhacay gabood falada iyo tacadiyadii ugu tirada badnaa ee xukuumadu u gaysato shacbiga waxana ka mid ah.

Xadgudbyada Xukuumada ee Qaxootiga iyo Magangalyodoonka:

Waxa ay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo si khasab ah dalka uga saartay tiradii ugu badnayd ee dad qaxooti iyo  magangalyo doon ah oo ay gacanta u galisay hay’adaha amaanka ee dalka Ethiopia oo ay markii hore ka soo qaxeen tirada ay xukuumadu dhiibtay ee noo diiwaangashani waxay kor u dhaafaysaa 250 ruux oo isugu jira rag, dumar iyo caruur.

Gaboodfalada Xukuumada ee Suxufiyiinta Somaliland:

Sanadkani tiraddii ugu badnayd ee suxufiyiinta Somaliland ee ka hawlgala warbaahinta madaxabanaan  ayay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo xabsiga u taxaabtay, jidhdil u gaysatay iyadoo khasaarana u gaysatay qaar ka mid ah agabkii ay ku hawlgalayeen suxufiyiintu. tiradii ugu badanayd ee dacwado lid ku ah suxufiyiinta madaxa banaan ayay xukuumada Siilaanyo u gudbisay hay’adaha garsoorka dalka, dacwadahaasi oo markii loo dhabogalay Masuuliyiinta sarsare ee xukuumadu ay kaga aargoosanayeen Saxaafada madaxabanaan kadib markii ay qortay xogo iyo warar iyaga khuseeya.

Xadhiga Sharcidarada ah ee Muwaadiniinta:

Xadhiga sharcidarada ah (arbitrary detentions) iyo jidhdil (torture) iyo sidoo kale xabsi ku hayn qaanuunka ka baxsan ayaa inta la og yahay 18, ruux oo isugu jira 12 muwaadiniin ah 2 u dhashay Somalia iyo hal Ethiopian ah ay haatan mudo bil ah ku xidhan yihiin Xabsiga Mandheera. Dadkaasi oo habo yaraatee aan wax maxkamada ah la horgaynin ayaa waxa laga soo qabqabtay magaalo xuduudeeda Lawyacado iyadoo nasiibdarada kale ee dhacday markii maalintii 3aad ee xadhigooda la keenay laguna xibisay xabsi qarsoodi ah oo ku dhex taal xerada ciidamada ee Birjeex ay  madaxda ciidamadu ay sii daayeen 2 maxbuus oo ka soo jeeda beesha dhexe ee Somaliland halka maxaabiistii kale oo badankoodu ka soo kala jeeday gobolada Awdal iyo Selel loo gudbiyay dhinaca xabsiga Mandheera oo ay haatan la iska-hayayaal ku yihiin

Tabashooyinka Tirada Goobaha Codbixinta:

Waxa kale oo warwarkooda leh Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo tirada goobaha codbixinta ee dalka deegaanada qaar yareeyay halka deegaano kalana ay kordhiyeen, iyagoo aan soo bandhigin sababta ay taasi u sameeyeen. Waxana ay talaabadani sababtay qaylo dhaan ka soo yeedhay deegaanada ay Komishanku ka yareen tirada goobihii ay hore uga codayn jireen, Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u noqdeen in Gobolka Togdheer deegaanada Komishanka Doorashooyinku aad u kordhiyay tirada goobaha laga codaynayo ay u badan yihiin deegaanada galbeedka Burco oo uu ah deegaanada uu ka soo jeedo madaxwayne Siilaanyo, halka deegaanada galbeedka Burcana tiradii goobaha codbixinta uu aad u yareeyay. Tan waa talaabo cadaan ah oo Komishanka Doorashooyinku ku soo saarayaan xisbiga talada haya.

Marka arimahan lagu daro maamul xumada ku dhisan eexda iyo qaraabo-kiilka ee ka soo fatahaysa xafiiska Madaxwayne Siilaanyo, iyo musuqmaasuqa hantida qaranka ee madaxtooyadu ku naasnuujinayo xubno ka tirsan qoyska Madaxwaynaha, iyo iyadoo aan xukuumada madaxwayne Siilaanyo uu dhisay ahayn mid loo dhan yahay, dhinaca saami qaybsiga oo beelo dhismaha qaranka halbawle u ah aanu siinin saamigii ay xaqa u lahaayeen.

Aargoosiga  Siyaasadeed ee Xukuumada: 

Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo  ayaa markii ay talada dalka la wareegtay qaaday olole balaadhan oo aargoosi siyaasadeed ah shaqaalahii dawlada gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada Awdal, Saaxil iyo Oodwayne. Dhawaana dadwaynaha Somaliland ayaa si xoog ah u dareemay Madaxwaynaha iyo qoyskiisa oo si gaar ah u bartilmaameedsanaya shaqaale dawladeed oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxana ay u adeegsadeen Hantidhawrka Qaranka si uu dambi aan jirin ugu sameeyo.

Dhaqamada noocan ah ee ka soo fulaya xafiiskii Madaxwaynaha dalka Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud ‘Siilaanyo’ ayaa ah qaar si xun u naafaynaya oo dhantaalaya midnimada, wadajirka iyo isku kalsamaanta guud ahaan shacbiga Somaliland, sidoo kale waxay dilayaan nidaamkii iyo kala dambayntii iyo kalsoonida shacabku ku qabo maamulka duwaliga ah.

Ifafaalaha haatan ka aloosan Somaliland ee Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo dalka ka wadaa waxay keenaysaa:

1.      In ay ku shubato xukuumadu doorashooyinka dawladaha hoose, sidoo kale waxay qaabkan kushubashada ku soo saari kartaa ururada siyaasada ee xukuumadu wadato

2.      Dhinaca kale waxa muuqta in ay ku soo socoto nabadgalyo xumo iyo dagaalo sokeeye oo ka dhaca dalka, iyadoo ay u muuqdaan hay’adihii qaran ee xasarad dajinta u xilsaaraana in ay jeebada xukuumada ku jiraan. Hawlgabnimada Golaha Guurtida ayaa lagu macnaynkaraa in ay sabab u tahay Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo dhalasho ahaan ka soo jeeda beesha Madaxwaynuhu ka soo jeedo.

3.      Jawigan kakan ee ay dalka ka abuurtay xukuumada Somaliland kaasi oo ah mid aanay sinaba uga dhici karin doorasho xor ah oo xalaal ahi waxa uu keeni karaa in ay ururada siyaasada qaarkood qaadacaan ka qaybgalka tartanka doorashada Golayaasha Deegaanka

Talo-soojeedimo:

Ø  Waxanu ugu baaqaynaa guud ahaan jilayaasha doorashooyinka Somaliland in si wadajir ah isugu yimaadaan si ay cod midaysan ugu gudbiyaan xukuumada Somaliland si ay dib ugu soo celiso dalka jawi ay ku dhici karaan doorasho xor ah oo xalaal ahi.

Ø    Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Dhaqdhaqaaqyada Dimuquraadiyad Doonka ahi waxay ugu baaqayaan Dalalka la saaxiibka ah dalka Somaliland, taageerayaasha Doorashooyinka Somaliland, iyo Bulshada Caalamka in ay Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo culays caalami ah ku saaraan sidii uu dalka ugu soo celin lahaa jawi ay doorasho xor ah oo xalaal ahi uga dhici lahayd.


Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay Madaxwaynaha Somaliland u soo jeedinayaan talooyinkan hoos ku qoran:

1.     Maadaama dhaqan-galkiisa xeerka Sirdoonka Qaranka gaar ahaan qodobkiisa 7aad farqadiisa 11aad kaas oo awood u siinaya hay’ada Sirdoonka Qaranka inay faafreeb ku sameeyaan wax soo saarka warbaahinta una dhigan sidan. “La socodka qalabyada warbaahinta,qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahanyihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay  xanbaarsanyihiin iyo waxkasta oo ku duugan (publication press and propaganda” ay ka dhalanayaan dunuub dhinaca xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah isla markaasina uu burinayo xaqii cabiraada iyo ra’yi dhiibashadm waxa aanu Mud. Madaxwayne kaa codsanaynaa in aanad dhaqan-galin, adigoo ka hor doorashada golalaha deegaanka inta aanay dhicin sidaasi ficil ku muujinaya;


2.     Mud. Madaxwayne waa in xukuumadaadu sida uqu dhaqsaha badan u joojiso gafafka ku hayso asxaabta mucaaridka ah ee tartamaysa gaar ahaan xadhiga, bahdilaada iyo ku khasabka musharixiinta ururada  UMADDA iyo NEW UCID xukuumadaadu ku hayso iyo sidoo kale waa in aad sida ugu dhaqsaha badan wax uga qabataa saraakiisha jabisay Anshaxa Ololaha Doorashada ee ay magacyadooda kuu soo gudbiyeen hay’adaha qaranka ugu xilsaaran ilaalinta Anshaxa Doorshada.


3.     Waa in Xukuumada Somaliland joojisaa mastaafurinta joogtada ah sida joogtada ah ay ugu fuliso dadka  qaxootiga iyo magangalyodoonka ah ee dalka sifada sharciga ah ku jooga.


4.     Waxanu ugu baaqaynaa in xukuumada Somaliland gabi ahaanba joojiso tacadiga iyo gaboodfalada ay sida joogtada ah ugu hayso Suxufiyiinta Somaliland.


5.     Mud. Madaxwayne waxa aanu kuugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan oo bilaa shuruud ah aad xoriyadooda ugu soo celiso dhamaan muwaadiniinta rayidka ah ee la haya-yaasha ku ah xabsiyada dalka, waana in aanay xukuumadaadu dhaqan ka dhigan in ay muwaadiniinta iska xidho iyadoo aan sifo sharci ah u marin, dhamaan dadka la xidho ama lagu soo eedeeyo danbi waa in 48 sacadood gudahood lagu horgeeyo maxkamad awood u leh. Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxay xogogaal u yihiin 12 ruux oo ciidamada qaranku ka soo qabteen Lawyacado, labo ruux oo Somali ah iyo hal Ethiopian ah oo iyadoo maxkamad aan la horgaynin ku xidhan xabsiga dhexe ee Mandheera. Haddii ay dambi galeen waa in maxkamada awooda u leh ee ku taala deegaankii ay danbiga ku galeen la horgeeyaa, ruuxana waa dambi laawe ka hor inta aanu dambi ka hor cadaan maxkamad caadil ah horteed. 


6.     Xukuumada Somaliland waa in ay gabi ahaanba joojiso aargoosiga  Siyaasadeed ee lidka ku ah shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay xaq u leeyihiin in ay taageeraan urur siyaasadeedka ay doonayaan.


Komishanka Doorashooyinka Somaliland: 

7.     Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland waxa aanu ugu baaqayaan Komishanka Doorashooyinka Somaliland in sida ugu dhaqsaha badan u xaliyaan tabashooyinka tirada goobaha codbixinta ee ka soo yeedhayo deegaano kala duwan oo dalka ah.


8.     Sidoo kale waxanu Komishanka Doorashooyinka Somaliland la socodsiinaynaa in ay xaq u leeyihiin dadka naafada ah ee Somaliland in la gaadhsiiyo wacyigalinta doorashada iyo sida ay u codayn lahaayeen. Ka reebida aad haatan ka reebteen wacyigalinta muwaadiniinta naafada ah oo ay ku jiraan dhagoolayaal indhoolayaal waxay xadgudub ku tahay doorashada xorta ah ee xalaasha ah.

ILAAHAY AYAA MAHADI U SUGNAATAY

Suleiman Ismail Bolaleh
Gudoomiyaha
Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee Horn Watch
ahna Afhayeenka Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland

No comments: