Tuesday, November 29, 2011

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo soo saaray Amar uu ku Joojinayo Diiwaan gelinta Warbaahinta Cusub ee Warageysyadda iyo TV-yada



“Waxa aanu joojinay Diiwaan gelinta Saxaafadda ilaa inta laga helayo ama wax ka bedel lagu samaynayo Xeerka Saxaafadda”Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka\
Talaabadani waxay Caqabad ku noqonaysaa Dastuurka Qaranka, Xeerarka Doorashooyinka, Ururada/Axsaabta Siyaasadda iyo Xoriyatul qawlka


Hargeysa(Waaheen) Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan ayaa 23/11/2011 soo saaray qoraal Amar ah oo uu ku joojinayo Diiwaan gelinta Warbaahinta Cusub ee doonaysa inay si sharci ah u hesho Ruqsada uu sharcigu u jideeyay hadii ay u baahdaan Muwaadiniinta Somaliland inay furtaan Hay’adda Warbaahineed.

Qoraalkan oo uu Xeer ilaaliyuhu si gaar ah ugu socodsiiyay Wasiirkla Wasaaradda Warfaafinta isla markaana uu Ogeysiiyay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland waxa uu si cad u joojiyay in aanu Diiwaan gelin u samayn doonin Warbaahin danbe haddii ay tahay Wargeys ama Telefishan ilaa wax ka bede lagu sameeyo Xeerka Saxaafadda Somaliland oo ah dhaqan gal.

Sidoo kale qoraalka waxa uu ku cadeeyay in Xeerka Saxaafadda ee ay Golayaashu Ansixiyeen Madaxweynuhuna uu saxeexay in uu yahay mid aan dhamaystirnayn isla markaana aan ka turjumayn Saxaafadda oo dhan .


Waxa kale oo uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta oo ah Hay’adda u xil saaran Warbaahinta Qaranka isla markaana u soo gudbisa Ogolaanshaha Hay’addaha warbaahineed Xeer Ilaalinta uu u sheegay hay’addaha ay u soo gudbiyeen si uu u Diiwaan galiayaa aanay buuxin shuruudaha iyo Aqoonta uu ku xidhayo Xeerka Saxaafaddu sidaasi daraadeed aanay waafaqsanayn Xeerkaasi.

Qoraalka Xeer Ilaaliyaha uu Nuqul ka mid ah uu helay Wargeyska Waaheen kuna saxeexan yahay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku waxa uu u dhigan yahay sidan:-

Ku: wasiirka Wasaaradda Warfaafinta JSL Hargeysa
Og: Wasiirka Madaxatooyadda JSL Hargeysa


Ujeedo:- Joojin Diiwaan gelinta Wargeysyada iyo TV-yada, si ku meel gaadh ah.

Waxaan idinla socodsiinaynaa in warbaahinta aad noo soo gudbisaan si aanu u diiwaan galino aanay buuxinin aqoontii iyo shuruudihii looga baahnaa, arrintaasi oo aan waafaqsanayn Xeerka Saxaafadda.

Sidoo kale, waxaa loo baahan yahay in wax ka bedel lagu sameeyo xeerkaas, si loo helo xeer dhamaystiran oo ka turjumaya Saxaafadda oo dhan.

Sidaasi, darted waxaanu idinku wargelinaynaa inaanu si ku meel gaadh ah u joojinay diiwaan gelintooda, ilaa inta wax ka bedel lagu samaynaayo xeerkaasi

ASlaa Mahad leh.
Xasan Axmed Aadan
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Hadaba Joojinta Diiwaan gelinta Hay’addo Warbaahineed oo cusub oo ku soo biira Saxaafadda Somaliland eek u soo beegmay wakhtigani waxay daaha ka rogaysaa Tuhuno badan oo laga qabay in ay Jirto talaabo ay Xukuuamddu ku doonayso inay ku cunaqabatayso Saxaafadda taasoo soo if-baxday markii la arkay Xeerkii Saxaafadda oo Golaha Wakiiladda horyaala si wax ka bedel loogu sameeyo. Hase yeeshee hore Xukuumaddu way u beenisay inay dabada ka wado.

Balse Qoraalkan Xeer Ilaaliyuhu wuxuu markhaati ma doon u yahay in ay iyadu daaha dabadiisa ka hagaysay taasoo wakhtigan oo ah wakhti xaasaasi ah oo ay Ururo/Xisbiyo doonaya inay u Ololeeyaan Doorashooyinka soo socda ka hor istaagayso inay furtan karaan Hay’addo warbaahineed sida uu dhigayo Xeerka Furashada Ururada Siyaasaddu “Xeerka Nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada Lr.14/2011 qodobkiisa 18aad uu xuquuq gaar ah u siiyey ururadda siyaasadda iyo xisbiyadu in ay diiwaan gashan karaan saxaafad ay leeyihiin.”.

Sidoo kale waxa uu ka hor imanayaa Dastuurka Somaliland oo dhigaya in Muwaadin kastaa isagoo sharciga u marayo uu furan karo noocyadda Warbaahineed “QODOBKA 32AAD ee Dastuurka JSL ayaa fasaxaya xoriyadda saxaafadda, waxaanu sheegayaa qodobkaasi faqradiisa 1aad in muwaadin kastaa uu fikirkiisa xor u yahay kuna bandhigi karo hadal, qoraal,suugaan ama qaabkale” iyadoo ay hore Xukuumadihii kala danbeeyay u hor taagnaayeen Furashada Idaacadaha ayay hadana Xukuumaddani ku talaabsatay Joojintii intii ay ogolaayeen ee ahayd Jaraa’iaddada iyo Telefishanada. Ilaa hadana lama garanayo goorta ay qaadan doonto wax ka bedelka uu Xeer Ilaaliyuhu sheegay.

Tan iyo bilowgii Xukuumaddaba waxa ay Saxaafadda Somaliland la kawsatay talaabada ay Xukuumaddu ku faragalisay Xeerka Saxaafadda ee jira iyadoo wakhtigii ay Mucaaradka ahayd si weyn uga hor timi Xeer kale oo ay Xukuumaddii Rayaale ku doonaysay inay ku bedesho Xeerkan ay Imika Xukuumaddana hor geysay Golaha Wakiiladda si wax looga bedelo.

No comments: