Xassan Daahir
Aweys oo lagu Xiray Xarunta NabadSugida Muqdisho
Doowlada Federaaalka Soomaaliya ayaa Xabsiga dhigtay
Xasan Daahir Aweys oo xalay laga soo dajiyay Garoonka diyaaradaha eemagaalada
Muqdisho.
Diyaaradii Xasan Daahir kasoo qaaday magaalada Cadaado
ayaa xalay halkii saac iyo 20 daqiiqo soo caga dhigatay Garoonka diyaaradaha
Aadan Adde ee magaalada Muqdisho.
Gudiga ay doowlada horay ugu dirtay Magaalada Cadaado
ayaa isugu jiray Xilibaano, Siyaasiyiin, saraakiil Ciidan iyo waliba Odoyaasha
deegaanka kasoo jeeda.
Saacado badan waxay ku guuleeysteen in Xasan Daahir oo ka
madax adeeygayay in magaalada Muqdisho uu yimaado ineey xalay magaalada
keenaan, garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaana ilaa xalay saqdii
dhexe waxa ka socday muran xoogan oo u dhaxeeya gudigaasi doowlada ay u
xilsaartay iyo saraakiisha Ciidamada doowlada kaasoo ku aadan qaabka laga
yeelayo Xasan Daahir.
Saacadu markeey soo gaartay 1:00 ee xalay ayaa mura
xoogan waxa uu dhexmaray Ciidamadii amaanka iyo odoyaashii la socday sheikh
Xasan Daahir, kaasoo marki danbo sababay in la garaaco odoyaasha qaarkoodna
Rasaas lala dhacay, halka Xasan Daahirna Xabsiga loo dhadhiciyay.
Arrimaha markii hore la isku maandhaafay intii garoonka
lagu sugnaa ayaa aheyd inay doonayaan in Sheekh Xasan ay geeyaan magaalada,
hase ahaatee laga diiday, waxaana lagu amray odayaasha iyo xubnihii kale ee
Cadaado ka soo kaxeeyay Xasan Dahir inay garoonka ka baxaan, hase ahaatee ay ku
adkeysteen in aanay baxeyn.
Ciidamada Nabadsugida iyo qaar kamid ah odayaashii kasoo
jeeda beesha Xassan Daahir Aweys ayuu gacan ka hadal ku dhexmaray xarunta
nabadsugida ee magaalada Muqdisho kadib markii halkaasi la geeyey Xassan Daahir
Aweys iyo ragii kala yimid Cadaado.
Odayaasha Beesha Xassan Daahir Aweys ayaa horey u heystay
balanqaad ka yimid dhanka Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xassan
Shiikh Maxamuud in Xassan Daahir Aweys magangelyo lasiin doono, balse arrintan
ayaa mid kaduwan dhacday kadib markii ciidamada la dagaalama Al Shabaab ee
Gaashaan ee hoostaga hay’ada sirdoonka ay la wareegeen Xassan Daahir Aweys iyo
illaaladiisa oo xabsiga la dhigay.
Dhaawacyo ayaa lagu soo waramayaa inay soo gaareen qaar
kamid ah wafdigii odayaasha oo isku gadaamay Xassan Daahir Aweys iyagoo u
diiday ciidamada nabadsugida inay xiraan wadaadkaasi, balse ciidamada oo awood
adeegsaday ayaa la sheegay inay dhaawacyo u geysteen qaar kamid ah ragii ka
horyimid amarkooda.
Intaas kadib ayaa xubnahan oo xalay la geeyay Xarunta
Nabadsugida ayaa aaqirkii keentay in halkaas Odayaasha dhaqanka iyo xubnihii
kale ay diidaan in Sheekh Xasan la xiro, isla markaana dalbaday in iyagana lala
xiro.
Yuusuf Indha Cadde oo ka mid ahaa ergadii Cadaado ka
keentay ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay sida loola dhaqmay, isagoo xusay in
qaarkood la jirdilay, qaarna la dhaawacay sida uu yiri.
Axmed Diiriye Cali ayaa isaguna sheegay in dadka aad loo
jirdilay, qaar dhaawacan yihiin, isla markaana rasaas loo adeegsaday markii ay
diideen in Sheekh Xasan Dahir la xiro, waxaana uu ku eedeeyay dowladda inay
balanta ka baxday.
Sidoo kale Ugaas Cabdi Dahir ayaa sheegay in wax aanay
fileyn ay qabsatay, isla markaana markii garoonka Muqdisho ka soo degayeen la
geeyay meel howl ah, kadibna xalay saqdii dhexe garoonka laga soo bixiyay, oola
keenay xarunta Nabadsugida, hase ahaatee goobtaas lagu xiray Sheekh Xasan
Dahir.
Dhanka kale Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa ku eedeeyay
dowladda Soomaaliya inay ku balan furtay, isla markaana howshii ay soo qabteen
lagu abaal mariyay in la jirdilo, lana xiro Sheekh Xasan Dahir Aweys oo xalay
ku hoyday Xarunta Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee Gurigii Habar Khadiijo.
Axmed Diiriye ayaa sheegay inay filayeen in si wanaagsan
loola dhaqmo Xasan Dahir, isla markaana ay filayeen in loo mahad celiyo,
laakiin aanay taas dhicin.
“Markii aan keenay in si wanaagsan oo sharaf ah ayaa
loola wareegaya is laheyn, idinkana la idinku mahad celinayaa howshii aad soo
qabateen, asigana lama marsiin munaasabkiisa”ayuu yiri Axmed Diiriye.
Sidoo kale Nabadoonka ayaa sheegay in wafdigii Cadaado
tagay la isugu daray jirdil, dhaawac iyo dad la xiray, isagoo tilmaamay in waxa
dhacay ay ahaayeen mid xadgudub ahaa sida uu yiri.
Xasan Daahir ayaa waxa uu kamid ahaa saraakiishii ugu sar
sareysay Al-shabaab, waxaana uu horay u ahaa hogaamiyaha Ururkii bur buray ee
Xisbul Islaam.
Odayaasha ayaa ku doodayey
in ay fasax ka heystaan Madaxweynaha Soomaaliya, halka saraakiisha dowlada
sheegayeen inay heystaan amar ah in la xiro Xassan Daahir Aweys oo todobaadkii
tagay kasoo baxsaday kooxda Al Shabaab.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in saraakiil ka socota
ciidamada sirdoonka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ay wareysiyo maanta la
leeyihiin Xassan Daahir Aweys oo lagu hayo xabsiga sirdoonka iyo nabadsugida ee
ku yaal magaalada Muqdisho.
Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka
Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horey u fasaxay odayaasha magaalada Cadaado ka
doonay Xassan Daahir Aweys waxayna dowlada u kireysay diyaarad iyadoo kusii
dartay tiro askar ah oo ka socda dowlada Federaalka kuwaasi oo magaalada
Muqdisho keenay Xassan Daahir Aweys iyo raggii la socday.
BEELAHA HABARGIDIR OO MAANTA
MUQDISHO KAGA SHIRAY XARIGA XASAN AWAYS IYO SIDA LOOLA DHAQMAY ERGADII KEENTAY
AWAYS
Maanta waxaa magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Beelaha Habargidir, kulankaasi oo ay kaga hadlayeen xariga Xasan daahir Aweys.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Odayaal, Waxgarad, Siyaasiyiin ka tirsan beelahaasi oo daacad u ah Xasan Daahir Aweys.
Abuukar Sheekh Cismaan oo ka hadlay muhiimada kulanka ayaa yiri”Habargidir waxa ay dalbaneysaa in dowladda ay jawaab ka bixiso xariga Xasan Daahir hadii kale ay jawaab ku haboon bixin doonaan”
Sidoo kale waxaa ka hadlay Suldaan Axmed Dhoore oo ka hadlay xariga Sh. Xasan Daahir .
Waxaa magaalada Muqdisho ku shiraya maanta Odayaasha dhaqanka beelaha Habargidir ee taageersan Xasan Daahir Aweys.
Suldaan Axmed Dhoore oo ka mid ah Odayaasha Beelaha uu kasoo jeedo Xasan Daahir Aweys ayaa ka warbixiyay Shir ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo ku saabsan Xasan Daahir Aweys.
Suldaanka oo saxaafada la hadlayey ayaa sheegay in Xasan Daahir uu yahay Muwaadin Soomaali ah oo xaq u leh inuu nabad galyo ku noolaado lakiin waxa uu sheegay in ay dhibaateysay dowladda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhow ka hadashay mowqifka
rasmiga ah ee xariga Sheekh Xasan Dahir Aweys, kadib markii kulan gaar ah ay ka
yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha iyo hey’adaha ammaanka
dowladda, iyadoo kulankan uu ku soo aaday xilli aad xasaasi u aheyd.
La taliyaha Madaxweynaha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Eng.
C/raxmaan Yariisow ayaa marka hore xaqiijiyay in Xasan Dahir uu ku jiro gacanta
dowladda Soomaaliya, isla markaana uu ku sugan yahay magaalada Muqdisho.“Xasan Dahir dowladda ayaa gacanta ku heysa Muqdisho ayuu joogaa, dowladda Soomaaliya waxay codsaneysa in waqti gaar ah la siiyo si arrintan xal looga gaaro, wax go’aan ah oo gaari karo ma jirto in wax walba ku xirnaan doonaan wada hadalka”ayuu yiri Eng. Yariisow oo ka hadlayay mowqifka dowladda.
Eng. Yariisow ayaa sheegay in go’aanada la qaadanayo ay ku xirnaan doonaan hadba sida ay yihiin wada hadalada, isagoo xusay inay jiraan fursado la xiriira hadba go’aanka uu qaato Sheekh Xasan Dahir Aweys.
“Xasan Dahir Aweys arrintiisa arrin Soomaali ka sii weyn waaye, oo liiska Qaramada Midoobey ku jira, arrimahaas oo dhan loo xaliyo nidaam iyo sharcina loo maro, in liiska laga saaro, dhamaan arrintaas oo dhan misika ayay saaran yihiin wax walbana hadba sida dowladda wada hadalka ugu dhamaado ayay noqoneysaa”ayuu yiri Eng. Yariisow Afhayeenka Madaxtooyada oo wareysi siiyay Idaacada VOA.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in fursada labaad ay tahay in marka hore Xasan Dahir ka tanaasulo wixii hore, isla markaana sheego inuu diyaar u yahay nabada iyo dib u heshiisiinta oo uu xusay inay ku jirto fursadaha horyaala sida uu yiri.
“Wax lagu qasbayo ma jirto wax walba waxay ku xirnaan doontaa shaqsiyadiisa, fursadahaas waxay ka mid yihiin in marka hore ka tanaasulo, wax walbana markaas wada hadal lagu dhameeyo, dowladda waxay u baahan tahay in waqti la siiyo”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Yariisow ayaa sheegay in hadii Xasan Dahir uu muujiyo wada shaqeyn ay suura gal noqon doonto in liiska Argagixisada laga saaro, isla markaanaka tanaasulo, diyaarna u noqda nabadeyn iyo dib u heshiisiin, isagoo hoosta ka xariiqay in hadba go’aanada la qaadanayo uu noqonayo sida uu u dhaqmo.
Mar wax laga weydiiyay arrinti xalay dhacday ee jirdilka lagu sameeyay odayaashii iyo qeybihii gacanta ka geystay in Xasan Dahir la keeno Muqdisho iyo eedeymaha dowladda u soo jeedisay ayuu sheegay in arrintas dowladda si gaar ah uga war heyso, isla markaana aanay ilaabi doono doorka ay qaateen.
“Lama Ilaabayo doorka ay qaateen, arrimaha kale ee jira waa mar hadii dowladda lagu soo wareejiyay meesha ugu haboion ee lagu heyn karana ay ka go’an tahay dowladda in sharafta qofka Soomaaliyed meel looga dhicin, balanqaadkaas sidii ayuu naga yahay, odayaasha waxaa u cadeyneynaa in dowladda mar walba ilaalineyso, wixii wal wal ay qabaan inaan la fariisano, kana dhaadhicino arrinta dowladda sameyneyso iyo sida wax u ugu wado inay dan ugu jirto, shaqsiyan Xasan dahir iyo dowladdaba”ayuu yiri Eng. Yariisow.
Sidoo kale mar la weydiiyay Eng.Yariisow in Sheekh Xasan Dahir in dal kale loo gacan gelinayo ayuu sheegay in taas aanay marnaba dhici doonto.
“Ma dhici doonto in muwaadin Soomaaliyed dowlad kale gacanta loo geliyo, anaga nidaam ayaa leenahay, dastuur ayaa leenahay, hadii lagama maarmaan noqoto wixii sharci waxay noqoneysa in dalka gudihiisa lagu saaro”ayuu yiri Eng. Yariisow
Saraakiil Mareeykan iyo British ah oo maanta su’aallo
weydiiyay Xasan Daahir
Warar hoose oo aan ka heleyno ilo lagu kalsoonaan karo
ayaa xaqiijinaya in Saraakiil kasocota dalalka Mareeykanka iyo Ingiriiska ay
maanta wareysiyo la yeesheen Xasan Daahir Aweys oo haatan ku xiran Xabsiga
Nabad Sugida ee magaalada Muqdisho.
Inkastoo aan si dhab ah loo shegi karin waxyaabaha ay
su’aaleen shiikha, ayaa hadana waxaa jirta in doowlada mareeykanka ay horay
liiska Aragagixisada ugu dartay Xasan Daahir Aweys, kaasoo mudo soo
jabhadeeynayay kana tirsanaa kooxda Al-shabaab oo kamid ah garabyada Urur
weynaha Al-qacida.
Dowlada Federaalka gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka
Xassan Shiikh Maxamuud ayaa horey u fasaxay odayaasha magaalada Cadaado ka
doonay Xassan Daahir Aweys waxayna dowlada u kireysay diyaarad iyadoo kusii
dartay tiro askar ah oo ka socda dowlada Federaalka kuwaasi oo magaalada
Muqdisho keenay Xassan Daahir Aweys iyo raggii la socday.
Mareeykanka oo dalbaday in
loo soo gacan galiyo Xasan Daahir Aweys
Doowlada Ethiopia ayaa soo dhaweeysay gacan kusoo dhigida
Xasan Daahir Aweys, iyadoona tilmaamtay in Mareeykanka uu dalbaday in loo soo
gacan galiyo.
Wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa soo dhaweysay
gacan kusoo dhigista hogaamiyihii hore ee kooxda Xisbul Islaam Xasan Daahir
Aweys, maalmo kadib markii uu isaga soo baxsaday magaalada Baraawe ee Gobolka
Shabeelada Hoose kadib markii magaaladaas uu ka dilaacay dagaal u dhaxeeya
Saraakiisha shabaab ugu sareeysa.
Bayaan laga soo saaray wasaarada arimaha dibada Ethiopia
lana soo dhigay barta Internetka ayaa waxaa lagu sheegay in doowlada Federaalka
Soomaaliya iyo maamulka Ximin iyo Xeeb ay hada ka arinsanayaan sida laga yeeli
lahaa mustaqbalka danbe ee Xasan Daahir Aweys, kaasoo lagu tiriyo inuu
Hogaamiye Ruuxi u yahay Xarakada Al-shabaab.
Warka kasoo baxay Ethiopia ayaa waxaa sidoo kale lagu
xusay in M/weynaha wadanka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu xaqiijiyay in
Xasan Daahir Aweys la keeni doono Muqdisho si loo maxkamadeeyo.
Sidoo kale wasaarada arimaha dibada Ethiopia ayaa waxay
tilmaamtay in ay jiraan dalabyo uu mareeykanka ku dalbanayo in gacanta loo soo
galiyo Xasan Daahir iyadoona horay Mareeykanka uu ugu daray liiska
Aragagixisada ee dadka uu sida aadka ah u doon doonayo.
Wasaarada ayaa tilmaamtay in gacan kusoo dhigista Xasan
Daahir ay doowlada Soomaaliya ka saacidi doonto in saraakiil sar saroo katirsan
Al-shabaab ay usoo baxsadaan dhanka Muqdisho.